Hargaysa , 31 July,2011 (TNN)- Mudaneyaahsa Golaha wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta ee ay isugu yimaadeen, waxay si rasmi ah ku ansixiyeen Xeerka Furashada Ururada Siyaaadeed. Fadhigan maanta ee Goloha Wakiilada ,oo uu guddoominayay , Gudoomiyaha Goloha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro), ayaa waxa ku sugnaa Goloha 49 Xildhibaan. Mudanayaasha Golaha oo maalimihii ugu danbeeyey dood iyo turxaan bixin ka yeeshay ,waxa ay maanta cod u qaadeen Xeerkaasi, waxaana ogolaaday 29 mudane, waxa diiiday 4 mudane , halka 15 mudane ka aamuseen. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro), ayaa ka dib ku dhawaaqay inuu sidaa ku ansaxay Xeerka Furashada Ururada Siyaaadeedku.
Timacade News
|