Golaha Wakiiladda Oo Loo Qaybiyey Ajandaha Kal-fadhiga 20-aad Iyo Qodobada Uu Ka Kooban Yahay
 


Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta si rasmiya u Gudo galay kal-fadhigii 20-aad


Hargeysa (TNN) - Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta si rasmiya u Gudo galay kal-fadhigii 20aad ee Golahaasi, ka dib Fasax ay mudo ku maqnaayeen.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha wakii lada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaashii ka soo xa addiray fadhigaas waxa loogu qaybiyey ajandaha uu ka kooban yahay kalfadhiga 20aad ee golahaas.


Gudoomiyaha intaa intaasi ka dib Mudanayaasha ku war galiyey in Maalinta Bari ah la gudo galin doono Dooda Ajandaha Kalfadhiga 20-aad.
.
Ajandaha kal fadhiga 20 aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa ka kooban.

1. Warbixinta shir gudoonka,guddida joogtada ah iyo gudiyada golaha wakiilada.
2. Mashaariicda sharci ee golaha horyaala.

Sidoo kale xeerarka lagu soo qaadi doono kalfadhiga 20aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku jira.
1. Xeerka booliska
2. Wax ka bedelka xeerka qareenada.
3. Xeerka saxaafada.
4. Xeerka aas aasida komishanka dib u habaynta shuruucda.
5. Miisaaniyada qaranka ee 2013
6. Xeerka ganacsiga hawlaha baanka
7. Xisaab xidhka dawlada 2008,2009,2010
8. Xeerka statistics law.

Dhinaca kale inta lagu gudo jiro kalfadhiga 20aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa kale oo lagu soo qaadi doonaa.
1. U yeedhista masuuliyiinta qaranka
2. Ansixinta masuuliyiinta qaranka
3. Xeerarka ka soo noqda golaha guurtida
4. Iyo wixii kale ee soo kordha.

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland