Golaha Wakiiladda oo hor istaagay Xayiraad Maxkamadda Sare ee S/land

 

Golaha Wakiiladda oo hor istaagay Xayiraad Maxkamadda Sare ee S/land ku soo rogtay xubin Golaha Wakiiladda ah

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda S/land C/raxmaan max’ed C/lahi (cirro) ayaa ku gacan saydhay qoraal Maxkamadda Sare ee s/land ku xayiraysay xildhibaan C/casiis Dhulcun isla markaana ay ku dalbanaysay in Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo xubinimada xildhibaankaas

qoraalka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda s/land C/raxmaan Ciro u qoray Maxkamadda Sare ee dalka waxa uu ku hor istaagay codsiga Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta qaranku ay ku xayireen dhaqdhaqaaqa xildhibaanka waxaanu sheegay talaabadda Maxkamaddu qaaday inay tahay talaabo ka hor imanaysa karaamadda xubinta Golaha Wakiiladda ka tirsan ee uu dastuurka qaranku u jideeyay isla mar ahaantaana ku maamuusay inaan talaabo laga qaadi karin ilaa Golaha wakiiladda looga helo ogolaansho

Dacwadda xildibaanka loo haysto oo la sheegay inay xeer ilaalintu u soo gudbisay maxkamada sare ayaa ka dhalatay Gacan ka hadal uu dhaawac ugu gaystay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac oo uu xildibaanku kula dhex dagaalamay xarunta Golaha Guurtida

qodobada dastuurka ah ee uu gudoomiyaha Golaha Wakiiladdu ku xusay qoraalkiisa ee difaacaya karaamada xildhibaanka waxay kala yihiin qodobka 49aad ee dastuurka iyo qodobka 93aad kuwaasoo ka hadlaya talaabada laga qaadi karo xildhibaanku hadduu gef ku kaco, waxaanay labadaas qodo u dhigan yihiin sidan:

QODOBKA 49AAD

DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA

1. Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin

uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibtay.

2. Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda l-aad wixii cay ama aflagaado ah ee

xubintu geysato.

3. Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan

ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la

xidhiidha iyada oo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.

4. Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii lagu qabto isaga oo dembi

faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si degdeg ah loo

ogeysiiyo.

5. Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay

tahay mid toosan.

6. Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada

laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada;

Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

7. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha

Wakiilada iyada oo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.



QODOBKA 93AAD

HAB-MAAMUUSKA MADAXDA SARE EE QARANKA

1. Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha ayaa leh hab maamuuska

koowaad ee Qaranka.

2. Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga.

3. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee

Qaranka.

 

 


Waaheen