Golaha Wakiiladda Oo Cod Ku Ansixiyey Wasiiro Iyo Masuuliyiin Uu
Dhawaan Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo iskaashiga
caalamiga ah............
Hargeysa (TNN)- Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa
ansixiyey Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta, Boosaha iyo
isgaadhsiinta, Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha guddaha ee
amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha dibada
Golaha Wakiiladdu waxa kale oo ay cod ku ansixiyeen Guddoomiyaha
hay’addaha Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale iyo Guddoomiye ku
xigeenka hay’adda Shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi.
Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee
Golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax waxa madasha ka soo xaadiray
43 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta Boobe Yuusuf Ducaale waxa
ogolaaday 41 Mudane, Cid Diidayna ma jirto, waxaana ka aamusay Hal
Mudane Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.Wasiirka
wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle waxaa
ansixintiisa ogolaaday 41 Mudane, mana jirto cid diiday waxaana ka
aamusay hal mudane oo keliya. Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi
ayaanu ku ansaxay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo iskaashiga
caalamiga ah Md. Mawliid Maxamed Ibraahim waxaa ansixiyey 42 Mudane
Cid diidayna ma jirto cid ka aamustayna ma jirto. Gudoomiyahuna ma
codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.
Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha gudaha
Cabdilaahi abokor Cismaan waxaa ansixiyey 41 Mudane, Cid diidayna ma
jirto, waxaana ka aamusay Hal Mudane oo keliya. Gudoomiyahuna ma
codayn.
Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladda iyo ku xigeenkiisa Nuux Sh
Muuse Ducaale iyo Guddoomiye Ku xigeenka Ha’yada shaqaalaha Maxamed
Cumar Cabdilaahi waxaa ansixintoo da ogolaaday 42 mudane, Cid
diidayna ma jito, Cidina kama aamusin, Gudoomiyahuna ma codayn,
sidaasi ayaanay ku ansaxeen.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ahna Boobe Yuusuf
Ducaale, ayaa golah a hortiisa ka akhriyey in wasaarad ahaan ay ku
shaqaynayaan qorshaha horumarinta Shanta Sano ee 2010 ilaa 2015-ka.
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo
isna golaha wakiilada la hadlay waxa uu soo bandhigay qorshaha
wasaaradiisu ugu talo gashay hanaanka midaynt a shirkadaha
isgaadhsiinta ee dalka, taasoo uu ku tilmaamay qorshe u sahlaya
shacabka inay hal taleefoon qaataan.
Waxa ansixinta Masuuliyiintaasi ka hor Xildhibaanadda loo akhriyay
CV-yada iyo waayo-aragnimadda masuuliyiintaasi. Dhinaca kale
fadhigii shalay waxa mudanayaasha loo qaybiyey Xeerka saamiga
haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Khalid Xabsi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|