Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Wasiirka Dib U Dejinta Iyo Wasiir Ku
Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha

Dhinca
kalena labada mas’uul waxay mudanayaasha ka hor jeediyeen warbixino
tilmaa may ay hawlahii ay..............
Hargeysa (TNN) - Mudanayeesha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa
fadhigoodii maan ta ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labada
mas’uul ee kala ah Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta iyo dib u
habaynta Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Wasaa radda
Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Guddoominayay
Guddoomiyaha Golaha Wa kiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro), ayaa mudanaaysha ka hor akhriyey digreetooyinkii
lagu magacaabay mas’uuliyiintaasi iyo taariikh nololeedk oodii.
Dhinca kalena labada mas’uul waxay mudanayaasha ka hor jeediyeen
warbixino tilma amayay hawlahii ay qabteen mudadii magacaabistooda
ka dambaysay iyo qorshayaa sha u degsan mustaqbalka. Intaa ka dibna
Goluhu waxa uu gudo galay cod u qaadistii ansixinta labada wasiir
iyadoo ay fadhiga maantana soo xaadireen 48 mudane.
Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo
Toosiye) waxaa mag acaabistiisa ansixiyey 47 Mudane, cid diidayna ma
jirin, cid ka aamustayna ma jirto, Gu doomiyahuna ma codayn.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta, tamarta iyo biyaha
Cabdisalaam Maxamed Xasan waxaa magacaabistiisa ansixiyey 46 Mudane,
cid diiday ma jirin, waxaa ka aam usay hal mudane, gudoomiyahuna ma
codayn.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|