Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenay Laba Xeer Oo Xukuumaddu
Codsatay In Deg Deg Loo Ansixiyey

Golaha Wakiilada ayaa waxa hore uu hor yaalay Xeerka Baanka oo lagu
waday in ay.......
Hargeysa (TNN) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta ay
yeesheen waxa la hor keenay laba xeer oo kala ah Xeerka Budhcad
baddeeda iyo Xeerka Isweydaarsiga Maxaabiis ta, labadaasi Xeer oo
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siil lanyo)
ka dalbaday Xildhibaanada Golaha Wakiiladu in ay si deg deg ah u
ansixiyaan Xeerark an oo uu sheegay in dalku si deg deg ah ugu
baahan yahay.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo uu hore u hor yaalay Xeerka
Baananka ka doodisteedana ay maanta filayeen ayaa Shirgudoonka
Golaha Wakiiladu ku war geliyey in Xeerkaasi dib loo dhigay labadan
xeer ee maanta la hor keenayna Bari laga doodi doono.
Sidoo kale waxa war bixin Golaha Wakiilada ka horjeediyey Guddida
joogtada ah, iyaga oo ka waramay Wasaaraddo iyo Guddiyo ay xog
ururin ka soo sameeyeen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasaaradda
Macdanta iyo Biyaha, Guddida Maamul Wanaaga iyo ka hor taga musuq m
aasuqa.
Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|