Golaha Wakiilada oo Maanta Ansixiyay Inay ku sii shaqeeyaan Kalfadhi Aan Caadi ahayn
 

Hargeysa(longlivesomaliland News)- Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay inay muddo bil ah oo kale ku sii shaqeeyaan kalfadhi aan caadi ahayn, taasi oo ay sababtay markii uu dhamaaday Kaladhigii aan caadiga ahayn ee ay ku jireen dhawaanahan. Markii uu dhamaaday kalfadhigoodii 9-aad.

Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha  Gola ha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), ayaa waxaa ka soo xaadiray Madasha 70 mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland iyada oo ay wehelinayeen Salaadiintii ku hawlahaan Xal u helida  Khil aafka cakiran ee golaha wakiilada Somaliland.



Fadhiga Maanta ee Golaha ayaa ku qabsoomay Jawi aad uwanaagsan, waxaana hadal kooban halkaasi uga jeediyay Xildhibaanada Golaha wakiilada  Gudoomiy aha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro) waxaana uu ugu horayn Tacsi udiray qoysaskii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay Madaharaadyadii lagu taageerayay Baarlamaanka Somaliland ee dhawaan ka dhacay Hargeisa.

Waxaanu ilaahay uga baryay inuu caafiyo dadkii iyo askartii ku dhaawacantay mudaharaadkaas dhawaan ka dhacay Somaliland.

Gudoomiye Cirro, wuxuu u mahad naqay salaadiinta Somaliland ee ku hawlanaa furitaanka Golaha wakiilada ee sharci darada u xidhnaa, waxaa kale oo  Mahadn ay Golaha guurtida iyo Salaadiinta oo ka shaqaynayay isu soo dhawaynta

Mudane C/raxmaan cirro isaga oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “In Goluhu sidiisii Caadiga ahayd ufurmo oo uu waajibkiisa guto, iyo la isa saamaxo, iyo in Shirgudoonka Golaha wakiiladu aqbalaan Cabashooyinka Mudanayasha  mucaar idka” waxaana uu intaasi ku daray in ay Aqbaleen Talooyinkii iyo Qodobadii ay ka wada hadleen iyaga iyo Salaadiinta Somaliland. Waxaa kale oo uu  Canbaare eyay Talaabadii Saaka ciidanka Boolisku udiideen Saxaafada inay galaan Aqalka wakiilada.

Intaa ka bacdi waxaa La dhagaystay laba Xildhibaan oo soo kala jeediyay laba fakir oo kala ahaa in Goluhu fasax galo, iyo in la sii wado fadhiyada aan caadiga ahayn ee Goluhu ku gudanayo hawlhiisa shaqo ee horyaala wakhti xaadirkan.

Waxaana uu soo jeediyay Gudoomiyaha Golaha wakiiladu in Cod loo qaado  labad aasi fakir ee ay soo kala jeediyeen labada mudane, oo ay kala wateen  Mudaney a asha mucaaridka iyo Muxaafidku, lix iyo Soddon (36) Mudane ayaa ogolaaday in Goluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn, kuwaasi oo ahaa Mudaneyaasha  Muca ari dka ah, halka 32 Mudane oo muxaafid ahina ay soo u coddeeyeen in Goluhu galo fasax bil ah. Hase ahaatee waxa meel maray soo jeedintii iyo fikirkii  mucaar idku soo bandhigeen ee ahaa in Goluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn.





Mustafe future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Somaliland