Golaha Wakiilada oo
Cod Aqlabiyada ku laalay Go,aankii Komishanka
iyo xukuumada
Hargeysa, (Longlivesomaliland
news)Fadhigii maanta ee golaha wakiilada S omaliland ayaa
xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen mooshin ku sa absanaa
in ay xukuumadu ka noqoto tallaabadii ay dalka kaga eeriday
mas uulkii Hay’ada Inter peace iyo go’aankii ay komishanku ku
laaleen diiwaan gelinta codbixiyayaasha.
Fadhigan oo uu guddoominayay guddoomiyahah golaha wakiilada
Somalilan d C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), ayaa ahaa mid guud
ahaanba aanay ka soo xaadirin mudanayaasha xisbiga Udub. Waxa
madasha ku sugnaa 41 mudane, hal mudane oo kooram buuxiya ayaa la
sugayay muddo ku simman seddex saacadood ah, iyada oo seddex
saacadood ka dib ay dhacday anisi xintii go’aankaasi.
Markii ay mudanayaashu dhagaysteen nuxurka doodii golaha oo ay ka
qayb qaateen 29 mudane, C/raxmaan Cirro, ayaa mudanayaasha u
akhriyay go’ a anka golaha kaasi oo ka koobnaa afar qodob ooo
kala ah:
1. in go’aanka guddiga doorashooyink ku
jideeyeen doorasho bilaa diwaan gelin ah kuna laaleen
natiijadi ka soo baxday diwaangeinta codbixiyayaasha aanay ahayn mid
sharciya isla markaana ka baxsan awooda sharci ee komi shanka
qaranka Somaliland.
2. in guddiga doorashooyinka qaranku
iyo madaxweynuhu ay si deg dega u ga noqdaan go’aankaas, kuna
dhaqmaan xeerka doorashooyinka madaxto oyada iyo degmooyinka.
3. in golaha wakiilada jamhuuriyada
Somaliland isaga oo xeerkiisa dastuu riga ah adeegsanaya ay
talaabo ka qaadan hadii aanay madaxweynaha iyo komishanku ka noqon
go’aankoodaas.
4. in xukumada Somaliland ka fogaato
talaabo kasta oo xumayn karta xid hiidhka beesha caalamka iyo
kan Somaliland, kuna dadaasho wanaajita xidhiidhka somalilnsd si
aanay u dhaawacmin rajadii ictiraafka Somaliland.
Waxa go’aankaasi ogolaaday 39 muddane, laba mudane waa ay diideen 1
mudanena waa ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn.
Waxa fadhiga ka maqnaa mudanayaasha xisbiga udub. Inkasta oo ay
jooge en gudaha kaamboolka golaha hadana waxa mudanayaashii ay
diideen in ay soo fadhiistaan hoolka shirarka iyo doodaha ee golaha
wakiilada.
Mudanayaashan ayaa
ku doodayay in ansixinta arintani ay tahay sharci daro. Waxaanay
intii ay mudanayaashu ansixinayeen go’aanadan mudanay aashaasi
ay ka daawanayeen daaqadaha.
Waa markii ugu horaysay ee golaha wakiiladu uu sida maanta kala jabo
oo mudanayaasha goluhu iyaga oo jooga hadana ay ka soo xaadiri
waayaan fadhiga. Dhinaca kale doodan maanta ay ansixiyeen ayaa ahayd
doodii ugu balaadhnayd ee ay mudanayaashu ka qayb qaateen. Waxa
doodan ka qayb qaatay 29 mudane. Doodii tan ku xigtay ayaa ahayd tii
ay kaga doodayeen Miisaaniyada sanadkan 2009 iyada oo ay ka qayb
galeen 25 mudane.
Sidoo kale waa markii ugu horaysay ee mudanayaash ay ku gaadhaan
ilaa 12-ka duhurnimo. Waxana hore u dhici jirtay in markaaba
shir-guddoonku uu soo xidhi jiray fadhiga hadii uu kooramku buuxsami
waayo.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Media
mccfuture@longlivesomaliland.com
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland
00252-2-4423109
|