Golaha wakiilada oo bari u balamay in ay guddo galaan ansixinta labada mooshin midkood

 


Hargeysa(Longlivesomaliland News) - Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada  So maliland ayaa xildhibaanadu ay soo kala dareereen markii uu goobta ka soo xaadiri waayay la taliyaha Sharciga ee Golaha kaasi oo laga sugayay in uu ka soo war-bixiyo sida uu sharciga u waafaqsan yahay Mooshinkii ay  xild hibaanada Mucaaridku wateen ee ahaa Maamuus ka xayuubinta  Madax waynaha.

fadhigan Maanta ee Golaha Wakiilada oo uu shir-guddoominayay  Guddoom iyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabidillaahi(Cirro) ayaa mudanayaashu waxa ay isku khilaafeen ka la soo horaysiinayo labada Mooshin ee ay kala wataan Mucaaridka iyo Mucaaridka.

Mudanayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee Udub ayaa iyaguna golaha soo  ho rdhigay Mooshin ku saabsan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Shir guddoo nka Golaha oo isagu ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaridka.

inkasta oo ay labada dhinac (Mucaarid iyo Muxaafid) la isku qabtay labada mooshin ka soo horaynaya hadana waxa aan suurto galin in midkoodna la qaato markii la waayay la taliyihii sharciga oo isagu gacanta ku hayay ka warbixinta sharci ee Mooshinkii Xil ka qaadista Madaxwynaha. waxa loo  bal amay maalinta bari ah in golahu uu arimahaasi iskaga yimaado. waxa  coda dka ugu badan haysta mooshinka la rabo in xilka lagaga qaado  Madaxwayn aha oo ay wataan Mudanayaasha Mucaaridka oo iyagu ah kuwa ugu tiro badan Golaha.

ciidamo aad u tiro badan ayaa saaka la soo dhoobay xarunta Golaha iyo  na waaxigeeda, waxana la xidhay wadada hormarta Baarlamaanka iyo  Madaxt ooyada oo jaar ah, iyada oo ay ciidamadiii halkaasi la keenayna ay  Baabu urta iyo Dadka lugahooda ku socdaba ay ka celinayeen halkaasi. waxa ay ciidamadu inyar ka dib ay dadka iyo Baabuurtaba ka celinayeen Dhakhtarka wayn ee Hargeysa iyada oo Baabuurta iyo Dadku ay u leexanayeen waddo raf ah oo kor uga baxda Dhakhtarka wayn ee Hargesa.

ciidamadan tiro badan ayaa baryahanba ay xukuumadu keenaysay Xarunta Golaha Wakiilada. waxanay la kawsadeen ciidamadani tan iyo markii ay soo baxday dhawaaqii ka soo yeedhay Xukuumada ee ay ku laaleen Diiwaan-gelinta kaasi oo ay mudanayaashu ay arintaasi ka yeesheen Dood  balaad han oo ay intooda badani ku diidan yihiin.

ciidadan tirada badan ee ay xukuumadu ka soo buuxisay Xarunta  Baarlam aanka Somaliland iyo Maamuus ka xayuubinta ay mudanayaasha  Mucaarid ka ahi wadaan ayaa noqotay sheekadda ugu badan ee ay Dadwaynaha  re er somaliland gaar ahaan kuwa guduhu ay ka sheekaystaan.

waxa dad badani ay xalka u arkaan in Madaxwaynaha xilka laga qaado oo la keeno ku cusub oo Dalka doorasho gaadhsiiya si loo soo af jaro khilaafka  si yaasiga ah ee wadanka ka jira. hasa ahaatee, kuwo kale ayaa iyagu qaba fikir kaa ka duwan oo ah in arinka lagu soo celiyo miiska wada hadalka isla markaan ay labada dhinac ee is haya uu mid waliba tanaasul sameeyo.

Madaxwaynuhuna uu xilka dhamaysto oo dalka laga qabto doorasho kuwii hore la mid ah. beesha caalamka ayaa hore u balan qaaday hadii somaliland ay doorashadan si wanaagsan u qabsadaan in taasi ay keeni karto ictiraaf ay hesho.
 

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
mccfuture@hotmail.com
Hargeysa , Somaliland