GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA OO LAF DHUUN GASHAY KU NO QDAY
XUKUUMADA, MADAXWEYNE SIILAANYO OO HANJABAADO U QADIMAY IYO WAXA
LAGA FILAN KARO GOLAHAN?

Golaha Wada-tashiga Qaran ee lagu dhawaaqay Maalintii daraad ahayd
ayaa ah mid ay dadka saluugsan siyaasadda dawladu aad ila dhacsan
yihiin, halka kuwa taageersani dareen aan wanaagsanayn ka bixinayaan.
Waxa Golahan xubno ka ah sida la sheegay, shakhsiyaad ay aad isugu
dhadhawaayeen Xukuumadda iyo qaar aanay isku dhaawayn sida Boobe
Yuusuf Ducaale , maxamed xaashi, xasan ciise jaamac, xasan guure,
ibraahin dhagawayne faysal cali waraabe , saleebaan cali koore iyo
koox kale oo badan oo dhamaantood sumcad ku leh dalka oo ah dadka
aragti ahaan aad looga Ixtiraamo waddanka,
Waxa muuqata inay ragan Daladan ku bahoobay ay u soo banbaxeen
qorshe ay Mucaaridad kala hor-imanayaan Xukuumadda talada haysa,
waxaanay warsaxaafadeed ay soo saareen ay ku sheegeen in dulucda iyo
Yoolka loo abuuray yahay sixida khaladaadka siyaasadeed ee dalka ka
socda.
Mujaahid Ibraahim Dhego weyne oo ka mid ah Xubnahan, isagoo ka
hadlaya kulankii golahaasi lagaga dhawaaqay, ayaa sheegay ?waxaynu
ku ciyaaraynaa Garoon aanaynu garanayn, waxa jira dhibaatooyin badan
oo dalka yaala oo waxba laga qaban la?yahay?ayuu sheegay.
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Somaliland ayaa talaabada
Golahan meelo kala duwan u sibir-saaraya, waxaanay dadka intooda
badani ku macneeyeen gole loo baahnaa wakhti dalku u baahnaana ku
soo hagaagay, waxay dadku arintan ku sababaynayaan in dalka uu
hadheeyay mugdi fara badan loona baahanyahay in la taageero golahan
sii dalka looga saaro xaaladan adag
Geesta kale waxa lays weydiinayaa sababta dhalisay midowga
siyaasiyiinta ka dhexmuuqda kooxdan oo u badan Hogaamiyayaashii
Ururkii SNM, waxaase jira aragtiyo sheegaya inuu jiro shaki ay
Nimankani qabaan oo ku kalifay hawshan ay gudo galeen ?Odayaashani
waxay u badan yihiin SNM, waxaanay ka shakiyeen qaabka siyaasadeed
ee dawlada,taasaa markaa ku keliftay arintan?ayuu yidhi mid ka mid
ah aqoonyahan ka falanqooda siyaasada.
Dhinaca kale, waxa jira warar tibaaxaya inay dhawaan la kulmeen
Guddida Golahani ashkhaas Ajaanib ah oo u dhashay Dalka maraykanka ,
wallow warkaasi aan rasmiyan loo hubin, balse Baligubadlemedia ay u
xaqiijiyeen dad xogogaal u ah dhaqdhaqaaqoodu. balse lama hubo waxay
ka wada hadleen waxayse u muuqataa in waddamada reer galbeedku
saluugeen qaabka wax uga socdaan somaliland iyadoo xukuumadda
siilaanyo ay ka buuxaan wasiiro alshabaab ahi taasina ay keentay in
reer galbeedka sas ay ka qaadaan wada shaqaynta somaliland
Marka si guud loo eego dhamaan xubnaha ugu cad-cad hada ee ku jira
waa kuwo si toos ah u dhaliila siyaasadda Xukuumadda Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo, waxaanay taasi laf dhuun gashay ku tahay
Madaxweyne siilaanyo iyo Xisbiga kulmiye, maadaama laga fili karo
daladdan Mucaaridad aad u culus oo saamayn ku yeelan karta
Taageerada shacbiga ee Xukuumadda.
Hadii ay dhab ka tahay Toosinta iyo taabo-gelinta Mucaaridad mug leh
oo ay xukuumadda ku waajahaan, waxay haystaan fursado badan oo ay ka
weerari karaan gol-daloolooyinka jira, waxaana ilaa hada oo ay
hawshoodu qariib tahay ay helayaan Kalsooni badan oo dhinaca
shacbiga uga imanaysa, hase ahaatee kasbashadooda taageero muuqata ,
ayaa ku xidhan sida ay wax u dhaqaajiyaan iyo cadaynta Mawqifkooda
biyo-kama dhibcaanka ah, taasoo ay bar-bar socon doonto Cadaadis iyo
faro gelin kaga iman karta dhinaca Dawladda.
Asxaabta Mucaaridka ayaa ka mid ah meelaha ilaa hada laga soo
dhaweeyay, inkasta oo Guddoomiyaha xisiga UCID horeba uga dhex
muuqday Kooxdan, taasina loo arko inuu ka mid yahay, halka WADDANI
aanay wali mawqifkooda arintan la xidhiidha cadayn.
Dawlada ayaa dhinacyo badan ka faro-gelinta hawl-galka daladdan oo
ah mid ugub ku ah Kooxaha isu abaabula dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah,
waxaana xusid mudan inuu madasha ka dhex muuqdo siyaasiga Maxamed
Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa Urur siyaasadeed Qaran la odhan jiray oo
xiligii Xukuumaddii Rayaale sifo aan sharciga waafaqsanayn loo
aasaasay, kaasoo xiligaasi isaga iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
markii ay ku dhawaaqeen ka dib xabsiga loo taxaabay. balse wuxuu
golahani xisbigii qaran kaga duwanyahay maaha xisbi siyaasadeed
sidii madaxda xisbiga qaran ku andacoon jireey qaran wuxuu ahaa
xisbi qaran siday ku andacoon jireen
mujaaid xasan ciise jaamac oo isagu sharaxaad ka bixinaayay golahani
wuxuu sheegay inaa golahani ka hor imanayn qawaaniinta dalka u taala
waxaanu xasan ciise ku dooday in gole la samaysan karo dadkuna ay u
madaxbanaan yihiin goleyaal waa la saaynkaraa, gudiyo waa la
samaynkaraa , shirar waaa laqabn karaa markaa wax noo diidayaa ma
jiro sidaas waxa yidhi mujaahid xasan ciise oo isagu sheegay inaan
golhani ka hor imanayn sharciga dalka u yaala
madaxwayne siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa gaashaanka
u daruuray golahan iyagoo ku hanjabay inay wax ka qaban doonaan cid
kasta oo dalka qalalaase galisa waa sida ay hadalka u dhigeene
laakiin waxa hubaal ah inaan koxdani ahayn koox si dhibyar
xukuumaddu ku hor istaagi karto
tusaale ahaan hadii xukuumaddu isku daydo inay ka hor timaado
golahan wax ku dhib badnaanaysa xukuumadda siday golahan uga hor
iaman lahayd waayo waxaynu naqaanaa in xalka xukuumaddu wax ku
xalisaa yahay xadhig kooxda ku bahawday golahani maaha koox la xidhi
karo waayo waa siyaasiyiin taageero badan haysta dalkana sumcad ku
leh, una soo halgamay
qodobka labaad ee xukuumaddu kaga hor iman karto kuna daciifnkarto
awoodooda ayaa ah in ay ku bixiso lacag si ay u kala furfurto golaha
toosinta laakiin kooxda golahan ku bahwday dhamaamntood waa kuwo u
badan inaanay aqbalayn in la iibsado marka la eego shakhsiyadooda
dhamaan golahani waa kuwo aan la iibsan karin
waxay markaas u muqanaysaa in xukuumaddu wajigabax wayn ay kala
kulmayso golahan aanay si dhibyar waxba uga qaadi karin, hadaba
golahan ayaa iyagu samayn kara hal qodob oo ah ka ugu wayn ee ay
khaati kaga dhigi karaan xukuumadda kaas oo ah inay abaabulaan
mudahaaradyo u dhigma kuwo miidaamo taxriir laakiin salmi ah oo aan
wax nabad galyo darro ah wadan inkastoon wasaaradda arimaha guduhu
ruqsad u siinayn golahan inay mudaharaadyo abaabulaan hadana waxa u
banaan inay sidii kulmiye sameeyaan banaanbaxyo lagaga soo horjeedo
siday xukumaddu wax u wado arintan oo kulmiye samayn jiray
wakahtigii muncaaradka uu ahaa
isku soo wada duuboo golaha toosinta iyo wadatashiga qaranka
somaliland ayaa ah gole haysta taageero ka badan ka xukuumadda
waxaanay u muuqataa in golahani muncaaradad adag kala hortagi doono
madaxwayne siilaanyo oo islahaa labadii gole qaran kaa fadhiste
laakiin waxay u muuqataa in mawjado horlihi ay ku soo aadan yihiin
xukuumadda madaxwayne siilaanyo
Axmed Aadan Rooble
Hargeysa Somaliland
axmmed22@hotmail.com
|