Golaha
Guurtida Somaliland oo talaooyin iyo
go'ammo soo saaray
Hargeysa (TNN)- “Kal-fadhi aan caadi ahayn ayuu G/Guurtidda JSL
iskugu yimid 10/12/2011, kaasi oo ay shir-guddoonka Goluhu soo
jeediyeen iyaga oo cuskaaday, qoddobka 71aad oo lala akhriyey
qoddobka 46aad faqraddiisa 2aad (Xarafkiisa (t) ee Dastuurka JSL.
Ujeeddada kal-fadhigani aan caadiga ahayni waxay ahayd in Goluhu ka
yeesho dood, falanqayn & qiimaynba xalaadka taagan (Current Issues)
ee nabadgelyo & siyaasadba, kana gaadho go’aamo iyo tallooyinba, ka
dib dhacdadii foosha xumayd ee dilka ahayd ee Tuulada Seemaal
05/12/2011.
Taasi waxa ka horeeyey Gowricii afartii (4) nin ee gaancsatada iyo
aqoonyahanka isugu jiray ee ka dhaday waddada u dhaxaysa Kala –baydh/Dila
11/07/2009. Iska daba taga labadaasi dhacdo ee fool xumada lihi
waxay kiciyeen dareenkii dadweynaha Reer Somaliland gudo iyo dibedba
intoodii badnayd.
Sida aynu la wada socono dhacdadani dambe ee Seemaal waxay ku soo
beegantay waqti uu Erga yga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan Somaliland Soomaaliya ku sugnaa magaala mad axda Dalka JSL,
isaga oo ka soo qaybgalay shir caalamiya oo dib loogu eegayay
Hay’adaha Amniga iyo Heerka Nabadgelyo ee dalkeena. Sidoo kalena
waqti uu aqoons is-weydaarsi ku saabsanaa dur usta laga barna karo
Somaliland ee dhinaca nabada iyo horumarku uu ka socday Maansoor
Hotel, soona qabanqaabisay Jaamacadda Addis-ababa, gaar ahaana
Machadka Nabada iyo Amniga, maa lgaliyeyna Ururka Afrika (AU).
Dhinaca kalena, waqti la soo af-jaray iska horimaadkii Ceerigaabo.
Arrintaasi waxay dadweynaha Reer Somaliland ee jecel horumarka, wada
jirka iyo midnimada shacbigu u arkeen fariin xun oo siy aasad
xanbaarsanayd, looguna talla galay in lagu wiiqo jiritaanka Qarankan.
Marka intaasi laga yimaado Gobollada Bari siiba degmadda Yagoori,
ayaa iyana waxa ka dhacay Dil, kaasi oon illaa hadda si rasmi ah u
dhammaystirmin is-afgarad ahaan, balse laga gaadhay bilow is afgarad,
haddii Alla yidhaana aan rajaynayno in guul iyo is-afgarad uu ku
dhammaan doono.
Degmadda Taleex, ayaa iyana ay ka dhaceen dilal aynaan ka hayn
macaluumaad faah-faahsan.
Haddaba, Goluhu wuxu ka yeeshay dood iyo falanqayna arrimahani
taagan, kana doodayay muddo saddex maalmood ah, oo ay ka qayb
qaateen in ka badan sodon mudane, kuwaasi oo diirada saar ayay
baahida loo qabo in wax laga qabto, gacantana lagu dhigo
danbiilayaashii hore, kuwani dam be iyo cid kasta oo ku lug
yeelataba.
Sidoo kalena, tibaaxay tilmaamay, adkeeyeyna baahida loo qabo sugida
amniga iyo xasiloonida dal ka si looga hor tago waxyeelada iyo
dibin-daabyada cadowga gudaha iyo dibeddaba oo ka faa’iid aysanaya.
Sidaas darteedna, G/Guurtidda JSL wuxuu kal-fadhigiisani aan caadiga
ahayn ku gaadhay, soona saaray go’aamadani iyo tallooyinkani, ahna
sidani:
1) Go’aamo:
b) Ugu horaynba Goluhu wuxu isaga oo ka tiiraanyeysan tacsi u diraya
qoysaskii, eheladdii iyo qaranka reer Somaliland ee ay ka baxeenba,
taasi oo ay ku sii xoojinayaan kuna sii adkaynayan tii Guddigga
Joogtada ee Golaha guurtiddu hore u gudbiyey, una baahiyey, waxana
Illaahay uga baryayna in qoysaskii iyo qaraabadoodiiba u samir iyo
iimaan Alla ka siiyo.
t) goluhu waxa u ku bogaadinayaa kuna muujinaynaa sida ay u
muujiyeen dulqaadka iyo samirkaba qoysaskii iyo eheladdii ay ka
baxeen marxuumiintii hore iyo kuwan dambeba.
Samirkaasi iyo dul-qaadkaasina waa mid taariikhi ah oo ku daabacnaan
doona maskaxda shacbiga Reer Somaliland yar iyo waynba ee gude iyo
dibedba, ahna dadweynaha intiisa badan ee wanaag doonka ah, jecelna
midnimada, nabada, wada noolaanshaha iyo khilaafaadka in lagu
daaweeyo wada hadal, is-qancin, isu-tanaasul iwm.
j) Dhinaca kale Goluhu wuxu ayiday/ayidayaana, taageerayaa/
taageersan yahayna Go’aankii Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) ee u ku caddeeyey mawqifka xukuumadda, dawladda
iyo Qarankaba, ahna mid mudan bogaadin, kuna fadhiya tallaabo
geesinimo leh oo ka tar-jumaysa danta, maslaxada guud, horumarka iyo
higsiga mustaqbalka nololeed ee umaddani.
x) Goluhu wuxu qayb ka yahay waxa kasta oo lagu meelmarinayo, laguna
xaqiijinayo himilada shacbiga, lagagana hor-tagayo af-casha liidata
ee u adeegaysa cadowga gudaha iyo dibedda ee Reer Somaliland.
Kh) Goluhu wuxu ku dhiirigelinayaa xukuumada wax kasta iyo tallaaba
kasta oo lagu sugayo amaanka iyo xasiloonida dalka JSL. Sidoo kalena,
in si rasmiya loogu gun-gadho, sharcigana la hor-keeno
eedaysanayaashii iyo gacan ku dhiigleyaasha ahaa iyo cid kasta oo
gacan ku siisay falalkaasi wax-shiga ahaa.
d) Goluhu wuxu go’aansaday in waqti munaasib ah oo dambe loo yeedho
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha guud ee ciidanka booliska JsL,
iyada oo laga waraysan doono macluumaad la xidhiidha arrintaasi aan
soo sheegnay.
r) Golaha Guurtidu wuxu samayn doona barnaamij wacyi-gelineed oo
dhinaca nabadgelyada xoojinteeda ah, laguna mari doono gobolada iyo
degmooyinka dalka JSL sida dhaqanka Goluhu ahaa, ka hor tartanka
Doorashada D/hoose ee Ururada.
2) Tallooyin:-
b) Goluhu isaga oo maanka ku haya
nabaddu inay tahay saldhigga iyo aas-aska nolosha bulshadda; isla
markaasina dib-u-jaleecaya u milicsanaya dedaalkii ay dadweynaha
Reer Somaliland ka soo gaysteen adkaynta iyo dhidibo u taagida
nabadgelyadda iyo xasiloonida dalka, ayaa xasuusinaynaa haddana in
loo sara kaco, lana xoojiyo ka qaybgalka, nabadda iyo adkeynteedaba.
Walaalayaal, horumarka dhinaca nabadgelyada iyo bulsho ee yar iyo
weynba iyo gacansiinta hay’adaha kala duwan ee ku hawlan
nabadgelyadda.
t) Dugsiyada dowliga ah, kuwa gaarka ah, ururada samo-falka maxaliga
ah, qaybaha bulshada ee kala duwan, saxaafadda, dhallinyaro, haween,
ururada qareenadda, Jaamicadaha ardaydooda, macalimiintooda iyo
maamulkoodaba, waxa la gudboon inay si ficil ah uga qayb qaataan
horumarinta iyo adkaynta nabadgelyada gaar ahaan, guud ahaana wacyi-=gelinta
dadweynaha ee Guddo iyo dibedba. Ka qaybgal buuxa ee bulshada
ayuunba lagu gaadhi karaya nabadda iyo horumarkaba, salna ay u tahay
isku tashigu.
j) Hay’adaha kala duwan ee dowladdu waa inay xoojiyaan iskaashiga
iyo wada shaqaynta gudahooga. Sidoo kale hay’adaha amniga ku shaqada
lihi inay eeshaan isku xidh iyo wadaagid macluumaad, (Networking iyo
Sharing of Information) si loo helo xogo laga midaysan yahay oo
Madaxtooyaddu ku camal fali karto, kuna go’aan qaadan karto haddii
Alla yidha.
Dhinaca kale, la sii xoojiyaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee
aynu la leenahay dalalka jaarka ah.
x) Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka kale waxa
looga baahan yahay in ay xil weyni iska saaraan ka hortaga wax kasta
oo wiiqaya amniga iyo xasiloonidda dalka. Sidoo kalena, ka
dhowrsadaan faro-gelinta qabashadda dambiilayaasha, kana fogaadaan
wax kasta oo u dhimaya wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga,
qawl iyo ficilba.
Kh) Ugu dambayntii inaga oo ogsoon xalaadka mandaqadani aynu ku nool
nahay iyo duruufaha inagu gadaaman, dhowaana la bilaabi doono
ololaha iyo tartankii doorashadda D/Hoose ee dalka, oo ay ka hadlan
karayso dabac dhinaca nabadgelyadda ahi, ayaa dhammaanteenba,
Goleyaaal ahaan, xukuumad iyo ururada la inooga baahan yahay
foojignaan iyo mas’uuliyad weyn oo aynu ku dhowrsano, kaga qayb
qaadanayno, kuna xoojinayno amniga, xasiloonida iyo adkaynta nabadda.
Waxaan dhammaanteenba inoo rajaynaynaa Guul iyo Horumar, Amni Nabad
iyo Barwaaqo. “
Timacade News
|