Golaha Guurtida ee Somaliland oo Muddo Labba Sanno aha u Kordhiyey Golaha Wakiilada, Halka ay Muddo Sad dex Sanno ahna ay Kordhisteen, iyaga oo Doortay Guddomiye Ku-xigeen Cusub.

 



Hargeysa(TNN)- Fadhigii Golaha Guurtida ee Maanta ayaa Waxaay Muddo laba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada oo Muddo Xilloodkoodii ku egyahay Bisha May ee Sandkan, wax aa kale oo Muddo Labba Sanno ah u kordhiyeen Golahooda oo Wakhtigu kaga egyahay Sann adka 2014, iyada oo muddo Hal Sanno ah ay ka danbeyn doonan Doorashada Golaha wakiila da oo ay Cayimeen in ay Qabsoonto Bisha May ee 2015, HalkaGolaha Guurida Doorashadood a ay ugu tallo galeen in ay Qabsoonto Bisha May 2016.

Fadhigan Saaka oo uu shirguddominayey Guddomiyaha Golaha Guuritda Md.Saleeban Maxam ud Aadan, ayaa waxaa kale oo lagu doortay in Guddomiye Ku-xigeenka Kowaad oo uu dhaw an uu ka geeriyooday Marxuun Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, waxaan Jagaadasi Cod Aqlabiyed ah loogu Codeyey Siciid Timmo Weyn oo hore u ahaa Guddomiye Ku-xigeenka Laba ad, waxaana u codeyey 69 Mudane, halka uu ka aamunsay Hal Mudane, Cid Diidanayna may jirin Guddomiyuhuna muu Codeynin, Waxaana Fadhigaasi Fadhiyey 71Xildhibaan.
 

 

Source Waaheen