GODKII LIXDANKII LAGU DHACAY OO WADADIISI LA HAYO !!!

 

 



Somaliland waxay gashay marxalad adag oo aan laga aamusi karin waxaad mooda in dhama an waxa lagu sheego siyaasiyiinta dalka ay taladoodi noqtay siyaasi ku xumaynaaya siyaasi kale [ midi midi ku taag]

Waxaa inoo cad in siyaasiyiinteeni noqdeen mansab doon kaliya ninkastoo somaliland mansa b ka waaya ama waxa uu doonayaa u socon waayan, inuu xamar ka dego.hadaba waa yaab leh siyaasiyiintu miyaanay mabda lahayn iyo mawqif siyaasadeed oo ka tarjumaaya qadiyad a somaliland.

Waxa u baahan in la cadeeyo asxaabta siyaasiyiinta ee sadexda ahaa in aanay marna talo wada jira soo saarin taas ku aadan qadiyada somaliland. ma jirto mawqif ay ka midaysan yihiin oo lagu cabiri karo geedi socodka siyaasadeena kulmiye, ucid , iyo udub oo ahaa sade xda xisbi qaran marna kama hayno mawqif siyaasdeed oo ay ku cadaynayaan siyaaasadoo da ku aadan mabda,a soomali wayn ee ku dhisan 4.5 waa laa arkay afkaar kala duwan ayag oo midba mar gaara saxaafada ka sheegayo
balse ma hayno mid ay k wada siman yihiin.

Aduunayada aynu joogno wadankasta waxuu leeyahay axsaab siyaasadeed oo kala afkaar duwan, mid walibana leeyahay manafesto u gaara oo uu dalka ku maamulo. balse siyaasada guud ee dalka marna iskuma khilaafan. siyaasada maraykanka ama ingriiska ama siyaasada india xisbi kastoo qabtaa waa ka wada mawqif siman yihiin siyaasada debeda . tan iyo markii la aasaasay dalka yuhuuda siyaasad maraykanka ee ku aadan wadamada bariga dhexe marna isma badasho .


haduu sucuudigu qayliyo ama iran cabaado looma joojiyo madaxwayne kasta oo maraykanka
qabtaana waxa uu halkiisa ka sii anba qaadaa halkii mawqifkii hore ahaa. waxase jirta in siy asada gudaha iyo habdhismeedka dhaqaalaha in ay ku kala duwanaadaan.

Wadamada dariskeena ethobia iyo kenya oo aan wax aqoona ina dheerayn marna lagama
yaabo in ay isku khilaafan siyaasad ku aadan soomaliya ee ah in soomalia aanay marna noq on wadan jira oo awood iyo dhaqaale kula tartama[ kaliya waxa ka go,an inay soomali ama s/landba midiba mar u timaado oo la yidhaa mahiiga idinkula shiraaya siyaasada geeska africana ay hogaanka u hayaan . hadaba maxaa lagudboon siyaasiyiinta somaliland ee ka naafoobay caqliga garana waayay inay siyaasadooda mideeyaan.


hadii la rabo soomaali wayn waxa haboon in laysku raaco mawqifkeeda , hadiise aan la rabin
oo soomaliland daacad idinka tahay waxay ahayd in la joojiyo habqankan marba dhinac loo ordaayo[ maanta waa hargeysa barina xamar ayuu jooga]. tolow ma markii hore ayaa run dadka loo sheegaayay mise mar kan danbe, [ adba garo cajib!!!!!!!!!!].

Maanta oo siyaasada soomalia ay marayso marxalad ka duwan tii hore caalamkuna dano ga ara ka wato waxay doonaanba ha noqotee siyaasiyiin badan oo reer soomaliland ahina xamar tageen oo ka qayb qaateen maamulka cusub ee madaxwayne mudane xasan sheekh maxamuud hogaaminaayo.miyaanay ahayn in HAL KALMAD uu ka yidhaahdo madaxwayne mudane axmed maxamuud siiraayno ilaahay cimrigiisa ha dheereeye asagoo si cad u qeex aya isbedalada kala duwan haa way tahay. dabcan way tahay in umada wax loo sheego.

DHIBKA JIRA WUXUU YAHAY

Dhamaan hawlahaas oo u baahan in wax laga qabto ayaa waxa dalkii dib ugu noqday nida am QABALIYA kaas oo ah xisbiyada badan ee dalka laga sameeyay oo mid waliba qabiil ku salaysan yahay [ WAA HADAYNU XAQIIQDA IS TUSAYNO]. waxa dib loogu noqday 21 sano halkii aynu taagnayn ee aynu hawl badan iyo dadaal badan ka soo galnay.


ufiirso markii sadexda xisbi jireen waxa sii dabar go,aysay nidaamkii qabyaalada iyo reerka
waxaad arkaysay in xisbi kasta laga helo beelaha dalka oo beel waliba sadexda xisbi ku jirto ayagoo nin waliba intereskiisa iyo siyaasada uu aamnisan yahay ku raacay xisbiguu doono. taas waxaan u arkaa in lagu gafay shacabka s/land oo dib loogu celiyay marxalad aynu kasoo gudubnay .

Komishanka ayaa ayaguna laalay ama qashinka ku riday DIIWAAN GALINTII dalku samaystay
ee waliba kharashka badan iyo hawsha badani inaga gashay. sabab loo tuuray oo cad ilaa imika la garan mayo [ waxaad is waydiin kartaa hadiiba doorashadii madaxtooyada lagu gal ay horena si sharciya loo ogalaaday diiwaan galinta maxaa hada loo diiday] waxa mar kale dib loogu noqday 21 sano ka hor halkii aynu joognay oo ah dal aan diiwaan galin lahayn, taa sina waa gaf kale oo shacabka iyo dalka laga galay.

Waxaad moodaa in la duminaayo wax kasta oo dadkani qabsadeen oo aan loo aabo yeelayn
hadaba su,aashu ma waxa weeye dadka waxan samynayaa miyaanay ahayn dad muwaadi na miyaanay dareemayn waxa shacbi fara badani dareemaayo malaa siyaasigu ma arko afc aashiisa iyo waxuu samaynaayo ee waxaanu talo ku siinaynaa waar anagaa aragnee GUD CUR BAA GUDAYSAAN.gudcur baa gudaysaan dhamaan asxaab iyo dawladba, gucurbaa gud aysaan komishan iyo baarlamanba, gudcurbaa gudaysaan gole guurti iyo mid siyaasi sheeg taba. halkaa xadhiga ka garaacysaan maaha dantii umada mana aha halkii talada laga qaban lahaa.

DHUUNI RAACII OO BATAY

Ninkasta oo siyaaasiya, ama odaya, ama caaqila , ama suldaana ama meel yar talo ka qabta a waxaad moodaa inuu kaliya eexaysanaayo CADYAR oo loo tuuro. kaliya intaas ayaaa asa ga la wayn noloshiisina kusoo koobnaatay , laakiin wax dana oo umada aad ka leedihiin ma jirto, totaly haba yaraatee shacabka wax dana kama lihidinhadii caawa KIISHADA wax yar laydinku shubo oo laydin yidhaa talabiib ka dega waa ka dagaysaan , hadii laydin yidhaa sacaudi arebia u nacamleeya waa u nacamlaynaysaan kaliya waxa idiin muuqda googo,a yar ee DOOLARKA ah oo maalmo cumaamad wayn qaadataan.

Gabagabdii


Hadaa xamar tagtaana hal wasiir ayaad ka hesheen oo sad wayn laguuma quudhin halka qa yrkaa helay helay laba wasiir iyo madaxwayne ama laba wasiir iyo raiisal barlaman waxaa la gugu socodsiiyay wax la yidhaa 4.5 oo sadbursi ku dhisan iyo waxa lagu sheego DIR tan aad wax ku noqon lahayd ee soomaliland indhahaaga ayaa ka jeeda oo halkii wax laga hagaajin lahaa waad garab maraysaaan. siyaaasi eryanaaya siyaasi kale iyo xsibi reer hebel ayaa ma anta ololaynaaya ayaa ku habsaanteen .isku soo wada duub waar ama kulmiye ahaada, ama ucid ahaada, ama udub ahaada ama dawlad iyo muxaafid ahaada ama mucaarid ahaada.da ntii dalka ma wadaan ee waa kala jeedaan isku mawqifna ma tihidin ururadan cusub ee ima nayaana wadadaa aad marteen ayuunbay MARAYAAN oo wax wayn badali maayaan hadii ilaahay doorashadan degaanka inagu nabad galiyo[ ilaahay ha inagu astaroo ha inoogu dha meeyo nabadgalyo] waayo wax aan diiwaan galin iyo is afgarad wanaagsan lagu galayn oo imikaba cabasho jirto ah kanaa sanaaduuq badan iyo kanaa sanaaduuq yar waa biyahaa aa n arko dabadoodu waa huubo.


waxaanse ilaahay ka baryayaa inuu mid khayr iyo ku qanac ku dhamaata inooga dhigo.

Aqalkii yaraa ee shanta maqsin ahaa ee 21 sano ka hor dhismihiisa layskugu tagay waxaad mooda in maanta SIYAASIYIIN BADANI daaqadihii la baxay oo xamar ula ordaayo.
SIYAASI KALANA albaakii ka laalaado oo siyaasad aan waji hagaagsan lahayn ku mitidaayo
qaar kalana marba jiingadihii saarna xabad xabad ula dagayaan oo xisbi ku qurxinayaan
ALLOW NOO SAHAL oo umuuraha sida wanaagsan nooga dhig.
waxaase la sugayaa ragii dalkan lahaa goortay iman doonaan ee ay dadkan jiho u samayn
LAHAYEEN iyo meel aduunku ugu soo hagaago.


waayo somaliland dhaqi mayso xamar oo loo kala dhuunto , iyo shirar qarsoodiya oo midba gaar xamar ula wado, taasi waa LAFJAB WAYN oo naafayn kara jiritaanka somaliland.

wabilaahi tawfiiq

 

 

 


Siciid Cabdi Dheen

dheen2011@hotmail.co.uk
London ,UK