Gobolnimada Gabiley ee Dabran.
July 16, 2024

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxu bishii May 13/2024 golaha wakiilada Somaliland u gudbiyey waraaqihii Qiimaynta iyo Ansixinta Gobolnimada Gabiley.


Gabiley waa degmo da’ weyn, waxay degmo noqotay sannadkii 1963,waxay ka mid ahayd degmooyinkii ugu m iisaan cuslaa dawladdii Somalia ee burburtay,waxayna safaka hore kaga jirtay xagga wax soosaarka beerah a, dhaqaalaha, waxbarashada, tiradda dadka, deggaankaiwm. Gabiley waxay ahay District A muddo 48 sanno ah, waxayna mataano (dhaqaale) ahaayeen Berbera oo ahayd District A.

Dib u dhalashadii Somaliland ee May 18/1991 Gabiley oo ah degmo uniquek ku ah waxyaabaha kor ku xusan ,waxay noqotay mar kale degmada kaliya ee daraja A ah ee soo raacda lixdii (6) degmo ee lixda (6) Gobol no qday heshiiskii Burco May18/1991.


Wuxu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi May 13/2024 Shirgudoonka golaha wakiilada u gudbiyey waraaqihii Qiim aynta iyo Ansixinta Gobolnimada Gabiley si mudanayaasha golaha wakiilada wajibaadkooda uga gutaan una ansixinyaan Gobolnimada Gabiley, waxa hadaba nasiib darro ah in golaha wakiiladu gudan kari waayey xil ka mid ah xilalkii loo dhaariyey oo ah Qiimaynta iyo Ansixinta Goboladii Madaxweyne Daahir Riyaale magacaabay. Waxana dhacay xil gudasho la’aan:

1. Waxa buuxsami kari waayey kooramkii kal fadhiga golaha muddo 2 bilood ah.
2. Wuxu goluhu ku guuldaraystey keenista moshinka ansixinta gobolka Gabiley.
3. Waxa dhacay dhayalsi iyo cadaalad darro (Justice delayed justice denied)

Waxan Mudanayaasha golaha wakiilada ee sharafta leh u soo jeedinayaa in sharciga iyo xeererka dalka loo sinnaado, siduu yahay loogu dhaqmo. Waxa kale oon mudanayaasha golaha wakiilada u soo jeedinayaa in Go bol ama Degmo kasta xuquuqdeeda Gobolnimo ama darajadeeda Degmonimo ku hesho kaliya shuruudaha loo ga baahan yahay Ansixinta Gobolnimo ama dalacsiinta darajooyinka degmooyinka ee xeererkeena ku qeexan. Waxan kale oon mudanayaasha golaha wakiilada u soo jeedinayaa in doodaha aan cilmiga ku fadhiyin ee sha rciga baalmarsan sida hala israaciyo gobolada mar lawada magacaabay oo macnaheegu yahay Isxambaar Go boleed in laga fogaado.

Waxan xukuumadda ka codsanayaa in ay soo dhammaystirto wixii administrative ah ee la xidhiidha ansixinta Gobolnimada Gabiley, waxa kale oo aan Shirgudoonka golaha wakiilada ka codsanayaa in soo dhigaan moshink a ansixinta gobolka Gabiley si ay xildhibaanadu waajibaadkooda uga gutaan.

Waxa kale oon soo jeedin in Ansixinta Gobolka Gabiley ee muddo dhaaftay ee 48 sanno darajada A ahayd isla markaana buuxiyey dhammaan shuruudihii gobolnimo aad ansixisaan ood dabarka ka furtaan, waajibkiinana aad ka gudataan.Haddii aad ku guuldaraysataan ansixinta Gobolnimada Gabiley oo shuruud walba buuxisey ama aad isku daydaan fulinta formula ISXAMBAAR GOBOLEEDKA xildhibaanada gaarkood wataan waa sharci jabin iyo danbiyo culus oo laga galay guud ahaan Qaranka,gaar ahaan REER GABILEY. Justice delayed justice
denied.

 


Mohamed Abdillahi Nur
Economist and Electrical Engineer
Ottawa ,Canada.