Gobolka
Saaxil oo Baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray
Saan-saan colaadeed oo ka taagan

Caaqil Geeddi Saleebaan Ismaaciil oo ka mid sallaadiinta gobolka
Saaxil, ayaa ka digey isku dhac ka iman kara saan-saan collaadeed oo
ka taagan Degmada Qoyta ee Gobolka Togdheer oo u dhaxaysa qaar
ka mid ah beelaha halkaas wada dega oo ku jira diyaar-garow.
Caaqil Geedi, ayaa sidaas ku sheegay Bayaan qaylo-dhaan ah oo uu ka
soo saar ay Magaalada Berbera, taas oo uu kaga digayo xaaladda
Collaadeed ee dhex mir anaysa laba beellood oo wada dega
deegaankaas, isagoo sababteedana dusha ka saaray qaar ka mid
Wasiiradda Xukuumadda ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo uu sheegay
inay masuul ka yihiin xaallada collaadeed ee ka taagan halkaas, ka
dib markii ay farogelin ku sammeeyeen saamigii Maamulka Beelaha wada
dega Degm ada Qoyta oo ay keeneen dad aan deegaanka u dhallan.
Caaqilku waxa uu baaqaas qaylo-dhaanta ah ugu baaqay Xukkuumadda,
Hay’ad aha amniga iyo goleyaasha qarankuba inay ka hawlgallaan
dejinta xaaladda colla adeed, isagoo sheegay wixii ka yimaada
inay dusha u ridan doonaan wasiiradda farogelinta ku haya maamulka
degmadu.
Bayaankaas qayblo-dhaanta ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay
Shebekadda Be rberanews, ayaa isagoo dhammaystiran u qornaa
sidan
“Anigoo ah Caaqil Geedi Caaqil Saleebaan Caaqil Ismaaciil, ahna
Caaqilka Beesha Cabdalla Qoyan [Ciisa Muuse] waxaan ka digayaa
xaallad cusub oo ka soo koro dhay Degmada Qoyta ee Gobolka
Togdheer oo qarka u saaran iska hor imaad ka dhex dhici kara beelaha
wallaalaha ah ee ku wada nool degmada, ka dib markii W asiirro
ka tirsan Xukuumadda oo ka soo jeeda Deegaanka Saaxil ay soo
fara ge liyeen maamulka Degmada, iyagoo ku hawlan
magaacaabista dad aan degmada ka soo jeedin oo ay doonayaan inay u
dhiibaan maamulk Degmada Qoyta oo ay iyagu dabada ku wataan.
Arrinta farogelinta qaawan ee wasiiradaasi ku hayaan maamulka
degmada, ayaa qarka u saaran isku dhac dhexmari karta qaar ka mid ah
beelaha deegaanka oo ka cadhaysan tallaabada gardarada ah ee ay
wasiiradaasi ku hayaan Qoyta, taa soo dhalisay saan-saan collaadeed
oo ka taagan Degmadaas oo haddii aan si dha khso ah wax looga
qaban keeni karta khasaare aan la saadaalin Karin.
Hadaba, waxaan halkan qaylo-dhaan uga dirayaa Madaxda Xukkumadda
Somalila nd, Goleyaasha Qaranka, Hay’adaha amniga iyo Xisbiyadda
qaranku inay isha ku hayaan, kana hawlgallaan sidii loo dejin lahaa
xiisadda collaadeed ee ka soo soco ta Degmada Qoyta oo wixii
ka yimaadana masuulliyadeeda ay dusha ku qaadi doo naan
Wasiiradda farogelinta ku haya.
Waxaan halkan digniin uga dirayaa wasiiradda iyo shalhsiyaadka ku
hawlan haw laha abuuritaanka nabadgelyo daradu inay ka
waan-toobaan, farahana kala bax anaan hawlaha aan shaqadooda
ahayn ee ay ka abbaabulayaan deegaanka ay dadkaas wallaalaha ahi ku
noolyihiin.
Ugu danbayntiiw axaan ugu baaqayaa dadka deegaanka Qoyta inay
illaashadaan nabadgelyadooda iyo wada-jirkii soo jireenka ahaa ee ay
ku wada noolaayeen, islamarkaana ay ogaadaan dadka aan dantooda ka
tallinayn ee duullaanka ku ah nabadgelyada, kuwaasoo u muuqda nimman
aanay ka muuqana masuulliyad iyo xil-kasnimmo. "
Caaqil Geeddi Caaqil Saleebaan Ismaaciil
Berbera Somaliland
|