Ninka Gen  ka ah ee la sawiran Wasiir Dube magaciisa waxa la yidhaahdaa Gen Cali Maxamed Maxamuud ( Bog-madow) waxaanu ku magac dheer yahay Ina bogmadow .

 


Hadaba waa kuma Ina bogmadow , maxaadse ka taqaanaa Dembiyadi dagaal ee uu galay ?

Gen Bogmadow wuxuu ka tirsanaan jirey ciidamadii Dawladdii Maxamed Barre gaar ahaan Guutadii la odhan jirey Guutadda Dabar-goynta Isaaqa ee ku santanayd Guutadda 86aad ee fadhigeedu ahaa Cadaadley .

Sanadihii 80 maadkii isagoo ah Kabtan wuxuu haysan jirey urur xaruntiisu tahay Tuuladda Xayndaanle ee Degmadda Oodwayne iyo Lebi-sagaala , Ururkiisuna wuxuu ku qalabaysnaan jirey baabuurta dheeraysa ee loo yaqaaney Sabaa xyadda ( Farda-jaan) Toyote/4le yaasha dheeraya iyo Beebeeyo , waxaanu ururkiisu fulin jirey dilka , dhaca , boobka iyo kufsiyada , waxaanu dhibaato badan ka gaystay deegaanadda Oodwayne , Cadaadley ilaa xuduudka Ina-guuxa iyo Laas-geel .

Sheekooyinka la iiga waramey waxaa ka mid nin beerlay ah oo naafo ah oo imika degen Saba-wanaag ayay ciidankisu ugu yimaadeen casar gurigii uu joogey ka dibna saacad yar bay ku maageen muran yar ka dib lugta ayay xabad kag ga dhufteen sidii ayaanu ku naafoobey .

Waxa kale oo ka midda inan iyo hooyadeed oo wata awr raashin sida oo inantii iyo islaantii ay meel ku wada kufsadee n , awrkii iyo raashinkiina isku karsadeen .

Si kastaba ha ahaatee , Ina Bogmadow markii dambe wuxuu ahaa taliyihii guutadda Cadaadley 1989-90 , waxaanu waagaa gaystay xasuuq aan xisaab la hayn , waxaanu Taliye kooxeed , taliye urur ilaa Taliye guuto uu ka gaadhey hogaaminayay Guutadii naxariista darayd ee la odhan jirey Dabar-gaynta Isaaqa .

Markii ay burburtay dawladii Maxamed siyaad , Ina bogmadow weligi ma imanin Somaliland waxaanan maqli jirey in uu joogo Dhagax-buur , hassa yeeshee sanadkii 2018 ayaa Farmaajo u magacaabay taliyaha qaybta 43aad una dalacsiiiy ey derejeda Gen isagoo ku abaal marinaya doorkii uu ka qaatay xasuuqii Beelaha Isaaq .

Soomaaliddu waxay ku maahmaahdaa cimrigaaga oo dheeraada geel dhalaayana wuu ku tusayaa , Maanta Ina Bogma dow maanta waakaa la yaaban oohinta Wasiir dubbe ee u qajjilsan .

FG , taariikhda ina bogmadow si loo baadho waxaan codsanayaa in la waraysto dadka deegaanadda Lebi-sagaala , Xayndaanle , Daba-gorayaale , Cadaadley ilaa laas-geel iyo saraakiishi snm , sidda madaxda sooyaal .
 

 


Waxa Qoray, Ahmed Nuur Guruuje