“Gef bay ku tahay Suldaanku Hubsimo la’aan hadalkiisu hawaawi dhaco. Waa
nasiib daro weyn oo khaas ku ah walaalkay Suldaan Maxmaed Suldaan
Cabdiqadir"

Hargaysa (TNN):-Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal
Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxm aan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay
hadalo ka soo yeedhay suldaan Maxamed Suldaan Ca bdiqaadir oo uu ku
sheegayay in ay isu soo dhawaan doonaan dalalka somaliland iyo
Somalia
Suldaan Xassan oo Qoraal soo Dhigay Boogiisa uu ku leeyahay Facebook
ayaa wax auu yidhi. “Gefbay ku tahay Suldaanku Hubsimo la’aan
Hadalkiisu Hawaawi Dhaco. Waa nasiib daro we yn oo khaas ku ah
walaalkay Suldaan Maxmed suldaan Cabdiqadir Oon Xadhigiisa ahay
tiraa btan kasoo yeedhay ee lidka ku ah gobonimada iyo qaranimada
Jamhuuriyada Somaliland wa a feker uu madi ku yahay shaqsiyeed oon
cid ka dhageysanaysaa jirin in go’aan umadeed oo masiiri ah gef uu
kula dul kufo iyo riyo dhalanteeda oon cago ku taagnayn guud ahaan
isku soo wada xooriyoo hadalkiisu waa hawo gabal ka dhac ah, waa
hadal ka jilicsan xuub caaro jawaabna u baahnayn.
intaas waxa uu raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”
isla mar ahaantaana kuba haboonayn in aynu wakhti isaga lumino ku
mashquulo wax kasoo qaadno asaga laftiis aa og in aan xaajadasi
dalkani oolin cid kula riyoonaysaana joogin ama ku uunayn Runta biyo
kama dhibcaanka ahi tahay in qarankani siqiir iyo kabiir Raasamalka
aynu haynaa yahay gob onimada eebe ku galaday gayigan ee
dawladnimadaa aynu hadhsanayno hadaan murtiyeeyo waaqaca yaala
dalkani waa soomaliland.
shaqsi riyoonaya hadal uu ku tiraabay waxba mayeeli karo masiirka
umada haduu madaxwey ne yahay iyo haduu suldaan yahayba go’aan shacab
rabitan umaded oon gorgortan lahaynb aa dalkani kaga badbaaday
masaa’ibkaa somaliya bariidsaday waa dal shacabkiisu u tashad ay
ninkii aanu u cuntamayn waxa umadiisa u cuntamay isagaa cirka roob
ku og. Gabogabo waxaan shacabka reer somali land kuboorinayaa
inaanay damaqsan Suldaan Maxamedna waxaan leeyahay usoo noqo
dalkaaga iyo dadkaaga xishmada kuu haya.
soo baydh oo raali galin ka bixi hadaladaa ibliisku kaa keenay Fiiro
Gaara dadweynaha reer somaliland waxaan kula dardaarmayaa inaan
lasii wadwadin maadama aan qarankan doodi ka taagnayn oo dedaal iyo
karti iyo ta alle aynu kusoo gaadhnay halka aynu joogno waajib na
tahay inaynu kasii horu marino Waxaan hoosta ka xariiqayaa waa
waajib in xaqa la sheeg o oon laga aamusin anigoo xishmad u haya guud
ahaanba umada reer somali land hiilbay utahay qofka jarka ka dhacaya
in khaladkiisa latuso sixidbay u tahay marka farta lagu fiiqo gefka
umadeed ee uu faraha kula jiro si looga waantobo in si jilicsan
loogu dhaco deelqaaf umadeed casharna u noqoto cid danbe oo ku kacda
gef fal danbiyed ku ah umadiisa waxaan kusoo ururinayaa xadiiskii
nabiga csw walaalkaa laba goorba u hiili haduu gar daranyay u hiili
oo qabo hadii laga gar daranyayna u hiili oo garab joogso”.
|