Geeddi oo Ku Sii Jeeda Jabuuti Walina u Taagan Xilka Madaxwaynenimo

 

Ra'iisul-wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Ku-meel-gaarka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, ayaa soo dhaweeyay qorshaha ay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya la isugu geeynayo dalka Jaabuuti.

Mudane Geeddi oo waraysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa mar kale ku celiyay in uu wali u taagan yahay doorashada madaxwaynenimada ee Soomaaliya isaga oo intaa sii raaciyay in qorshaha ay xilligan sharci-dajiyayaashu isugu tagayaan Jabuuti ay tahay tallaabo lagu fududaynayo howlaha lagama maarmaanka u ah sidii ay mucaaradku ugu soo biiri lahaayeen dawladda ku-meel-gaarka ah.

Mudane Geeddi ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo dhisidda xukuumad midnimo qaran, balse waxa uu dhinaca kale tilmaamay ahamiyadda ay leedahay in la ilaaliyo axdiga ku-meel-gaarka ah, sidaas darteedna lagama maarmaan ay tahay in la doorto madaxwayne marka hore saxiixa heshiiskii Jabuuti, isla markaana dikreeto ku ogolaada in la ballaariyo golaha barlamaanka.

Hogaanka Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya ayaa isugu tagaya magaalada Jabuuti, iyada oo la filayo in halkaas lagu qabto wareeggii ugu dambeeyay kulamo dib-u-heshiisiin ay taageerayso Qaramada Midoobay. Shirkaas ayaa la filayaa in lagu ballaariyo tirada uu ka kooban yahay barlamaanka Soomaaliya kadibna uu barlamaankaas doorto madaxdii hogaamin lahayd xukuumad midnimo qaran.

 


Source:VOA