Garasho guud
“Nin ragga xaajooyinka lafagura ka mid ahaan jiray ayaa
waxa uu beri dhegaystay guddi xee rbeegti ahayd oo arrin
loo saaray. Ninkaas oo arrinta xogogaal u ahaa, hase
yeesho ee aan guddida ku jirin ayaa arkay in ay guddidu
geed sare waabayso oo aanay arrintab a meeshii ay
sarteedu ka qudhuntay hoos ugu daaddegayn. Ninkii, inta
uu kor u dhawaaq ay, ayaa waxa uu yidhi: ‘Guddiyeey milil
guudkii lama dhayo’.
Sidaas ayey murtidaas caanka noqotay ku baxday
maalintaas. Mililku waa caabuq nabar ka buka hoostiisa ku
jira. Ilaa hilbaha dhinta ee nabarka hoostiisa ku jira
iyo dheecaanka si fiican meesha looga safeeyo dawadu
gaadhi mayso, nabarkuna bogsan maayo. Sidaas oo kale,
haddii aan xaajo halka ay xumaanteedu ka soo unkantay la
gaadhin wixii laga qabtaaba waa uun dhaymo milil korkii
la saaray”. (Xigasho: Afsoomaali iyo Suugaan 4).
“John waxa uu muddo shan sannadood gaadhaysa u
shaqaynayey shirkad, waxa uuna go yn jiray dhirta waaweyn
ee looxyada laga sameeyo. Shantaa sannadood ee uu
shirkadda u shaqaynayey marna lama dalacsiinin.
Shirkaddii ayaa waxa ay qaadatay nin kale oo sha qaale ah
oo Bill la yidhaahdo kaas oo sannad gudihii lagu
dalacsiiyey. John ayaa xanaaqa y oo markiiba u tegey
ninkii maamulaha ahaa si uu ugala hadlo in la dalacsiiyo.
Ninkii maa mulaha ahaa ayaa John ku yidhi: ‘Weli waxa aad
soo goysaa tiro geedo ah oo la mid ah tiradii aad shan
sannadood ka hor soo goyn jirtay. Annagu waxa aannu
qiimaynaa wax s oo saarka qofka (Result oriented). Farxad
baa ay noo ahaan lahayd in aannu ku dalacsii no haddii uu
wax soo saar kaagu kordhi lahaa’.
John waa uu iska tegay. Waxa uu bilaabay shaqo adag oo
uu ku bixiyey saacado intii hor e ka badan. Laakiin waa
uu awoodi waayey in uu dhir badan soo gooyo oo uu
wax soo sa arkiisa kor u qaado. Dabadeed waxa uu ku noqday
ninkii maamulaha u ahaa, waxana uu u sheegay arrinta
daran ee haysata. Maamulihii waxa uu ku yidhi: ‘Bill u
tag oo warayso. Waxa laga yaabaa in wax aynaan garanayn
uu garanayo e’ ‘.
Ninkii John ahaa waxa uu u tegay Bill, waxana uu
weydiiyey sida ay ugu suurtagashay in uu soo gooyo dhir
badan. Bill baa ku jawaabay: ‘Mar kasta oo aan geed jaro
labo daqiiqo ayaa aan nastaa, faashkaygana waa aan
afeeyaa (soofeeyaa). Adiga goorma ayaa kuu gu dambaysay
in aad afayso faashkaaga?!’ “ (Xigasho: dhiganaha “You
Can Win” ee uu qoray qoraaga caanka ah, Shiv Khera).
Waxa la yidhi, “Maan dad waa mudacyo caaradood”, waxana
aynu wada garanaynaa in dadku sida ay midabka iyo
muuqaalka guud ugu kala duwan yihiin si la mid ah in ay
fikirka iyo garashadana ugu kala duwan yihiin.
Qoraaga magaciisu kor ku qoran yahay ee aynu wax ka soo
xigannay waxa kale oo uu qo ray shanta dareen ee ay dadku
leeyihiin ee kala ah: aragga, taabashada, dhadhanka,
ma qalka iyo urinta. Waxa uu sheegay in dadka qaar
shantaa dareen uu u dheer yahay dare en lixaad oo ah
“garasho guud” (Common sense). Garashada guud waa waxa
qofka u suu rtageliya in uu shay ama wax kasta u arko
sida dhabta ah ee uu yahay, isla markaasna uu u qabto
haddii loo baahdo sida ugu qumman ee ay tahay in waxaa
ama shaygaas loo qabto.
Nin baa waxa uu arkayaa nin xarragoonaya oo uu garanayo
meelna maraya. Inta uu u yeedho ayaa uu lacag siinayaa
iyada oo aanu waxba weydiisan. Ninkaasi iyada oo aanay
cidina wax u sheegin ayaa waxa uu gartay in ninkaas uu
lacagta siiyey uu baahnaa. Arrimaha noloshu waa wada
caynkaas. Dadbaa markiiba wax garta halka ay qaar kalena
farta waaweyn wax ku fahmaan. Garashada guud
waxbarashada caadiga ah ee aynu naq aanno kuma xidhna ee
waa qofba inta ku jirta.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland
|