GARABYADA KULMIYE OO MARKII SADEXAAD XALAY KULAN FOOL KAFOOL AH KU KALA KACAY AMBASSADOR

 


Habeenkii xalay waxa huteel Ambasadoor soo buuxiyey ergooyin ka kala socdaylabadda garab ee xisbiga kulmiye kala hogaaminaya oo ay horkacayaan Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Mujaahid Cabdiraxman Aw Cali.

Kulankan ayaa waxa uu ku bilawday jawi fiican iyo salaan dhex martey labada dhinac lakiin jawigaasi mudo yar ayuu hawada ka baxay ka dib markii sheekadu furantey ee la isku afgaran waayey qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin:

1- In dib shirweyne xisbi qaran loo qaban qaabiyo lagana tanaasulo sheegasho jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye.

Arintan ayaa waxay ka cadhaysiisey hogaamiyaha kulmiye garabka Axmed Maxamed Siilaanyo oo sheegay in markii hore garabka Mujaahid Cabdiraxman Aw cali ay ka hadlayeen oo kaliya jagada muranku ka dhashay ee madaxweyne ku xigeen , lakiin ay sii fogaanayaan mar haday ka hadlayaan jagada Madaxweynaha ee xisbiga kulmiye oo aan horey muran uga dhalan.

Inkastoo saxaafada albaabada laga xidhay hadana waxa sayalc.com u suurto gashay in warar xogogaal ah ay ka hesho ergooyinka ka socday garabka mujahid Cabdiraxman Aw cali hogaaminayo oo shabakada u cadeeyey inay is taageen mawqif adag si ay u badbaadiyaan xisbiga kulmiye.

Dhinaca garabka Axmed Maxamed Siilaaniyo waxa noo suurgo gali weyday inay warar intaa dhaafsan na siiyaan waxaanay noo sheegeen in kulan danbe lagu balan san yahay is afgaran waaguna dhamaan doono.
Garabka kulmiye ee uu hogaaminayo Cabdiraxman Aw Cali ayaa sii xoogaysana maalinba maalinta ka danbeysa dhawaana lagu wadaa inay magaalada Berbera dhoola tus la mida kii ay Boorama dhawaan ka sameeyeen ay ka samayn doonaan.

Isku soo wada duuboo hada waxa magaalada Hargeysa dadku hadal hayaa badbaadinta xisbiga kulmiye haday suurto gali weydo side buu xisbigani uga qayb gali doonaa doorashooyinka inagu soo fool leh mase suurto gali kartaa in meel dhexe oo cid walba qancisa la iskugu yimaado? wixii jiraaba horteenuu iman.
 


Source:SN