Garabka KULMIYE ee Muuse Biixi oo Laba Shardi ku Xid hay Wadahadalo
Dhexmara Garabka Siilaanyo
Hargeysa (TNN):- Hoggaanka sare (Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka 1aad)
iyo garabka ay hoggaamiyaan ee xisbiga KULMIYE, ayaa shardi ku
xidhay inay madaxweyne Siilaan yo iyo garabka xisbiga ee uu hormuudka
u yahay la yeeshaan wadahadal toos ah oo la xidhiidha khilaafka u
dhexeeya.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si guud mar
ah saxaafadda ugu sheegay waxyaabaha ay kala hadleen ergada guurtida
ah ee ay kulanka la yeesh een shalay, isagoo xusay inay u bandhigeen
in go’aannadii shirweynaha 3aad ee KUL MIYE lagu daray waxyaabo aan
shirweynaha lagaga hadal, sidoo kalena ay u sheege en in dagaal lala
galay markii uu ku dhawaaqay murrashaxnimadiisa iyo dhibaatooyin
xadhig iyo tacadiyo ku jiraan oo lagula kacay dadka isaga taageersan.
Guurtida iyo KULMIYE
Hasayeeshee, xogo Jamhuuriya ka helay kulankaas, ayaa iftiimiyey in
garabka Muuse Biixi garqansi dheer la hortageen ergada guurtida ah,
iyagoo ergada dhexdhexaadinta ah u faahfaahiyey halka khilaafka
xisbigu salka ku hayo, isla markaanna u soo bandhig ay labada qoddob
oo ay shardi kaga dhigeen wadahadalo dheeraad ah oo ay la yeesh aan
garabka madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo.
Sida xogaha wargeysku helay tilmaameen, hoggaanka sare ee xisbiga
KULMIYE, gaar ahaan Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ku-xigeenka 1aad Md.
Maxamed Kaahin, ayaa garn aqsigooda si adag uga hor sheegtay ergada
guurtida ah oo ay hormuud u yihiin xubn aha shirguddoonka oo uu ku
jire Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaasoo si faahfaah san u sharaxay
waxyaabaha xudunta u ah khilaafka KULMIYE oo ay sal u tahay
murra shaxnimada Muuse Biixi ku dhawaaqay.
Waxa kale oo labada masuul u sheegeen Guurtida in awoodiihii xisbiga
laga faromaro ojiyey, lana samaystay guddi fulineed, gole dhexe iyo
go’aanno la sheegay in shirwe ynihii 3aad ee KULMIYE laga soo saaray,
iyadoo aan waxba laga weydiin, lagana talog elin Guddoomiyaha xisbiga
oo arrimahaas awood u gaar ah u leh, kuwaasoo tilmaamay in
inqilaabka awoodaha guddoomiyaha lagu sameeyey iyo farogelin
xukuumaddu ku hayso hawlaha xisbigu yihiin waxyaabaha xudunta u ah
khilaafka xisbiga KULMIYE.
Sida xogaha Jamhuuriya helay iftiimiyeen, waxa ay ergada guurtida ah
hordhigeen la ba shardi oo ay ku sheegeen inay waajib tahay
fulintoodu, ilaa arrintaas la dhaqan ge liyana aanay wax wadahadal ah
la yeelanayn madaxweyaha iyo garabka xisbiga ee uu hoggaamiyo,
labadaas shardi oo kala ah;
In faraha laga qaado, lana tixgeliyo awoodaha uu leeyahay
guddoomiyaha xisbiga KU LMIYE, awood shaqo oo guddoomiyuhu leeyahayna
aanay cid kale farogelin karin.
In xoriyadooda loo celiyo dad badan oo loo xidhxidhay sawiradda
Muuse Biixi oo ay qaateen iyo arrimo siyaasadeed oo ku saabsan,
qaybna ka khilaafka, kuwaasoo uu ku jiro Wasiir-ku-xigeenkii hore ee
amniga oo si fool-xun loola dhaqmay.
Labadaas qoddob ayuu garabka Muuse Biixi ee xisbiga KULMIYE shardi
uga dhigay wa dahadal dheeraad ah oo laga yeesho khilaafka xisbiga,
iyagoo dalbaday in labadaas qoddob sidooda loo fuliyo, ka hor inta
aan wadahadalo kale la gudagelin.
Waxa kale oo hoggaanka sare ee KULMIYE ku soo qaadeen kulanka ay la
yeesheen er gada guurtida ah arrin ku saabsan murrashaxnimada
madaxweynaha ee xisbiga dhex diisa, arrintaasoo lagu sifeeyey inay
xudun u tahay khilaafka kala qaybiyey KULMIYE, waxayna guurtida u
sheegeen in khilaafka murrashaxnimada lagu dhameeyo xisbiga
dhexdiisa iyo wadahadal dhinaca dhaqanka ah, lana mid ah habkii Md.
Siilaanyo looga reebay murrashaxiintii shaaciyey inay la tartamayaan
xilligii KULMIYE mucaaridka ahaa, Axmed Siilaanyo-na guddoomiyaha ka
ahaa, taasoo suurtogelisay in aan shirkii Golaha Dhexe ee Burco
murrashaxnimada xisbiga ciddi kula tartamin madaxweyne Siilaanyo.
Sida ilo-wareedyadu tilmaameen, waxa kale oo ergada guurtida ahi ay
kulankoodaas ku waraysteen Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar, kaasoo ahaa guddoomiye-ku-xigeenka shirguddoonkii
shirweynaha 3aad ee KULMIYE, iyagoo ka xog-waraystay qaabkii
shirguddoonkaasi u soo saareen liisaskii Golaha Dhexe iyo guddida
fulinta, iyadoo la sheegay in Dr. Maxamed Cabdillaahi u sheegay
ergada guurtida ah in aannu arrimahaas waxba kala socon, lagana
qaybgelin, lana ogaysiin shirarkii lagu go’aamiyey in liiskaas la
soo saaro, isagoo odayaasha dhexdhexaadinta ku hawlan u sheegay in
aanay shirguddoonku awood sharci u lahayn shaacin liisaska iyo
go’aannada shirweynaha xisbiga ka soo baxay, balse arrimahaasi
yihiin awoodaha Guddoomiyaha KULMIYE leeyahay.
Ergada guurtida ah ee hawlaha dhexdhexaadinta ah ku hawlan ayaa
markii uu dhama aday kulanka ay la yeesheen garabka Muuse Biixi Cabdi,
waxay shir gaar ah ka yeesh een waxyaabaha ay kala kulmeen iyo
shuruudaha hoggaanka sare ee xisbigu hordhig ay si loo sii wado
waanwaanta iyo wadahadalka lagu doonayo in khilaafka KULMIYE lagu
dhameeyo, lamana oga go’aanka ergada guurtida ahi arrimahaas ka
qaateen.
Hasayeeshee, sida xogaha Jamhuuriya helay tibaaxeen, waxa la filayaa
inay kulan kaas oo kale ah la yeelan doonaan Madaxweynaha iyo kooxda
xisbiga ee taageersan, una bandhigi doonaan shuruudaha ka soo baxay
hoggaanka sare ee KULMIYE, iyadoo la filayo in guurtidu si degdeg ah
u soo saarto go’aanno lagu xallinayo khilaafkaas.
Source:Jamhuuriya
|