Garabka Haweenka Ururka Nomad ee Dalka Holland oo Munaasad Balaadhan ku Xusay 8 March

 



Xuska maalinta Haweenka adduun weynaha ee 8 March ,ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Rotterdam ee Cariga Wadanka Holland  ........


Rotterdam (TNN):- Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 march ayaa Xalay lagu Qabtay Magaalada Rotterdam ee Cariga Wadanka Holland. Munaasa badan oo ay soo qaban qaabiyeen Garabka Haweenka Ururka Nomad ee Hooyo Waa Lama Hu raan ayaa si wayn loo soo looga xusay halkaasi, waxaana ka soo qayb galay Haween wayna ha reer Somaliland ee Dalka Holland iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan.


Madaxda Ururuka Nomad oo halkaasi hadal ka soo Jeediyay ayaa si Mugleh uga Waramay Ka alinta Haweenku ugu jiraan Bulshada, hadday noqoto horumarka iyo Dhismaha Qoyska iyaga oo ku dhiiri galiyay Haweenka ku dhaqan wadanka Holland inay ka qayb qaataan dhismaha wadanka iyo sidii gacan muuqata looga gaysan lahaa horumarka ka socda Somaliland.
 

 


Timacade News Desk
Rotterdam,Holland