GARABKA
HAWEENKA EE XISBIGA KULMIYE IYO XAFLADII
XALAYTO EE LONDON
London (TNN)-Waxa xalayto ka
dhacdey bariga magalada London xaflad si heersare ah lo soo ag
aasimay oo ay soo qaban qabiyeen madaxda garabka haweenka ee xisbiga
Kulmiye ee UK,waxa kasoo qaybgalay dhamaan laamaha haweenka ee
London iyo gobollada dalkan Ingiriiska.
Waxa ugu horeyn madasha hadalo soo dhaweyn iyo warbixin kasoo
jeedisay gudomiyaha Bariga London Khadra Ciise oo aad ugu
mahadnaqday dadkan faraha badan iyo sida wanagsan ee aad nooga
aqbasheen inaydun kasoo qayb gashaan xafladan.Intaas ka dib waxa
hadalkii lagu ware ejiyey gudoomiyaha garabka Haweenka ee
xisbiga Kulmiye ee dalkan Ingiriiska Qadan Maxamed Cismaan oo hadal
aad u dheer kaga warantay doorashada soo socota iyo waxqabadka ay
doon ayaan inay dalka ku dhaqaan hadii aay doorasha ku
guuleystaan,waxa kale oo ay xustay in dum arku ay doorweyn ka
qadanayaan isbedelka dalka iyo horumarka dalka intaba,iyadoo
hadalkeedii kusoo guraanaday inay u diyaar garoobaan sidii ay
doorashada uga qayb qaadan lahaayeen.
Waxa kale oo shirka kasoo qaybgalay oo warbixin dheer kasoo jeediyey
gabadha kaliya ee Xildh ibaanadaa ee laga soo doorto Boorama
kana tirsan xisbiga Kulmiye Marwo Ikraan Xaji Da’uud wa rbixin
dheer oo dhinacyo badan taabanaysa,iyo wax qabadka ay ku rajo weyn
yihiin inay u qaba nayaa dalka marka ay xukunka ku
guuleystaan,iyadoo sheegtay inay horu mar lataaban karo ka samayn
donaan,dhinaca caafimaadka iyo arimaha bulshada.
Waxa iyana hadalo kasoo jeedisay Amran bile kana mid ah gudida
fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo haweenkii xaflada kasoo qaybgalay ku
boorisay inay xisbiga hiil iyo hooba isla garab istaga an,s
idan ay caawa isugu yimadeena ku amaantay.Waxa iyana dadkii madasha
ka hadlay ka mid ahaa Yurub Qaalib oo ka mid ah gudida fulinta ee
Xisbiga Kulmiye oo haweenkii u sheegtay in dhawaan doorasho inagu
soo fool leedahay oo hadaynu nahay haweenka Kulmiye aynu si weyn uga
qayb qaadano,weliba xaga dhaqaalaha.
Haweenka madasha ka hadlay ee kasoo jeeda Xisbiga Kulmiye oo aad u
badnaa waxa kale oo ka mid ahaa dadkii meesha ka hadlay Amal
Cali,Saynab,Cali,Fadumo Adan,Canab Cali Gaas,Amina Xa san
Cismaan,Saynab Ahmed iyo qaarkale oo badan.
Waxa kale oo lagu soo casumay haween kasoo jeeda xisbiga kale ee
Mucaaradka ah ee Kulmiye oo ay hogaaminayso Gudoomiyaha haweenka ee
dalka isutaga imaaraadka carabta oo dhawaa nahanba boqasho ku
joogta dalkan Ingiriiska.Marwo Safiya Da;uud
Sikastaba ha ahaatee waxay ahayd xaflad si heersare loo qaabeeyey oo
dadka madasha ka hadlay ay dhamaantood ka sinayeen in loo
diyaargarooobo doorashada soo socota sikastaba ha uga qayb qateene.
Hamse Ahmed Salaan
London , UK
hamse100@gmail.com
|