GARAADKA BUKA ---SHACBI LA ISKA ILAABAY OO DALKA
KULA JOOGA

 


Waxa jira shacbi dhan oo sidii ilaahay u abuuray loo ilaabay
shacabkaas oo dhawr jeer oo hore aanu ugu hadalnay balse ilaa imika sidii
la doonaayay aan waxba loogu qaban.


WAA UMADA MAANKA KA JIRAN ee ayagu aan garanayn wax na siiya ama waxaasaanu xaq u leenahee na siiya.Waxay ahayd in loo aasaaso WASAARAD U GAARA oo u gargaarta loona magacaabo gudideeda iyo gudoomiya lagu ogaado.Kaama foga meel dheerna ha ka eegin bal dhinacaaga fiiri ama gidaarka kaasoo horjeeda yara eeg.Waxaad arkaysaa qaar badan oo iska fadhiya ilaahayna uu og yahay goor cunto ugu danbaysay.


dhaxanta iyo roobka iyo dabaylaha, qoraxada oo dharaartii kulayl ku haysadadkaasi waxay ku jiraan xaalad xun.Akhristoow hadii wax kale loo waayay ma waxa loo heli kari waayay hangaro ay habeenkii dhaxanta ROOBKA ka galaan ama maalintii qoraxda ka galaan.Cuntada waabaynu qubnaa oo xashiishka ayaynu ku darnaa markaynu ka dharagnolaakiin nin damiir qabaa maba dhergeen ayadoo agtiisa ay jiifaan dad waalanoo gaajo u liita SHacabkani waxay u baahan yihiin in maamulka dawlada loola hadlo loogana soo qaado qaybtoodii ay xaqa u lahaayeen.


kaliya maaha in dadka caafimaadka qaba LA NAASNUUJIYO.
Dalku waa inaga dhaxeeyaa hantiduna way inaga dhaxaysaa markaa AAN CADAALAD samayno.
QURUSKIII DADKA MAANKA KA JIRAN WAA IN LOO SOO JARAA IYO WALIBA DHEERAAD WAAYO WAA DAD XANUUSAAYA.

garaadka buka ee gidaarka jiifa hadalna garanayn
gaajadiyo rafaadka umadan dhibku wada gaadhay
gaboodiyo umadan aan lahayn guri la seexdo
gidigoodba umadan dhaxantu gaabisay lafahooda
roobkuna guudka ka haystee gariir dardhanaaya
marna gaadho cadceeduyee gubanaayo jidhkoodu
umadan gafka laga galee gayiga kula jooga
garashiyo umadan nina gaar wax usiinayn
ayaguna wax goosan karayn hadalna sooba gocanayn
garba maaha dhibka caawa haysta GARAADKA BUKA

umadani waa kuwa ilaahay sxw inagu arsaaqaayo ee sadaqadu ku baxayso xaqna waxay u  lee yihiin in masaajidada iyo meel kasta looga kaco waxa markaa haboon in lo gurmado tirakoobna lagu sameeyo iyo meelaha ay joogaan.


Aduunyada dadkan buka iyo kuwa baahidu hayso waxa lagu eegaa il gaara waxaana loo same eyaa waxtar iyo kaalmo joogto ah balse xageena waxaad moodaa in dadkani aanay inooba  tirs anayn

INTAYNU KU HARDAMAYNO SIYAASADA IYO AXSAABTA IS HAYA .
EE TALADEENI NOQOTAY DOORASHO IYO KURSIGA HANASHADIISA WAAR DADBAA AGTEENA KU DHIMANAAYA.[ALAAHU MAA BLAQATU]


fadlan caawiya garaadka liita .
wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK