Ganacsato Reer Somaliland oo Casuumad Hadhimo Sharafeed ah u
Sameeyay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Dibada & Xidhiidhka
Caalamiga Somaliland Dr.Maxamed C/lahi Cumar.

Masuuliyiinta iyo Gancsatadii ka soo qayb galay oo ay ka mid
ahaayeen, Xaaji C/raxman Maxamed Xuse en (Shidaar)
Hargeisa (TNN)-Munaasabad Qado Sharaf
ah ah oo lagu soo Dhawaynayay Wasiirka Cusub ee Wasaara da Arimaha
Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr.Maxamed C/laahi
Cumar ayaa maanta lagu Qabtay Hotel Summer time ee Magaalada
Hargeisa. Casuumadaasi Qado sharafta ahayd oo ay Wa siirka u
sameeyeen Qaar ka mid ah Ganacsatada reer Somaliland ayaa waxaa ka
soo Qayb galay Xubno sarsare oo ka tirsan Xisbiga Tallada dalka haya
ee Kulmiye, Masuuliyiin tiro badan oo ka mid bulshada reer
Somaliland.
Masuuliyiinta iyo Gacsatadii ka soo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen,
Xaaji C/raxman Maxamed Xuse en (Shidaar),
Daahir X.Muuse, iyo Xariif oo ka mid ah Qurba jooga Somaliland iyo
sidoo kale Siyaasiin ka tirsan Xisbiga kulmiye oo ay ka mid ahaayeen
Abiib Diiriye Nuur, C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Black) iyo
Masuuliyiin kale.
Xafladan Qado sharafta ahayd oo lagu maamusayay Wasiirka Cusub ee
Wasaarada Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi
cumar ayaa waxaa kalmad soo dhawayn halkaasi ka jeed iyay X.C/raxman
Maxamed Xuseen (Shidaar) oo wasiirka
uga mahadnaqay ka soo qayb galay xaflada Qado sharafta ee ay u
sameeyeen, isaga oo dhinaca kalena Wasiirka illaahay uga baryay inuu
Xilka uu qaaday illaahay u fududeeyo.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah
Dr.Maxamed C/laahi cumar oo isagu na halkaasi ka hadlay ayaa
uga mahadnaqay Ganacsatadii iyo madaxdii kale oo ku Casuuntay
Munaas abadan qado sharafta ahayd, Waxa kale oo uu Wasiirku ka
waramay Xukuumada Cusub ee uu dhawa an Soo dhisay Madaxwayne
Siilaanyo, Taasi oo uu sheegay in ay 50% ka yartahay kana tayo
badan tahay Xukuumadii hore ee madaxwayne Rayaale, iyada oo ay
tanina ka mid tahay Balanqaadyadii uu xisbiga Kulmiye uu bulshada
reer Somaliland u soo jeedin jiray Wakhtigii uu ku jiray ololahii
doorashooyinka Somaliland.
Mustafe Future
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com
|