Ganacsatada Xoolaha iyo Dadweynaha Tog-Wajaale oo Wasii rka
Xanaanada Xoolaha Ku Amaaney Dhismaha Xarumaha Xanaanada Xoolaha ee
uu Ka Wado Tog-Wajaale

Tog-Wajaale(TNN)-Ganacsatada Lo'da damaanta ka ah ka dhoofiya
Seylada Weyn ee Magaalada Tog-Wajaale iyo qeybo ka mid ah dadweynaha
ku nool Tog-Wajaale ayaa uga mahad celiayay
Wa siirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland
Dr Cabdi Aw Daahir, iyagoo Ku Tilmaamay
in uu yahey Wasiirkii u horeeyay ee
Wassaaradaa qabsada oo ka hir galinaya Tog-Wajaale
dhismaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Qeybo badan oo kamid Ganacsatada Seylada Tog-Wajaale ka dhoofiya
Lo,ada damaanta ah iyo Daweynaha ku nool Magaalada Tog-Wajaale oo
lasoo Xidhiidhay Shabakada Wararka Timacade News ayaa Sheegay in ay
Soo Dhaweynayaan Talaabooyinka Waxqabad ee Wasiirka Xanaanada
Xooluhu ka Qabtey Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale iyagoo Dhinaca
kalena ka codsadey in ay ka rajeynayaan in uu usoo dhameys tiro inta
ka dhiman oo ay ka mid yihin talaagadaha oo la kordhiyo iyo
Gaadiidka Wasaarada oo ay Tog-Wajaale lagama maarmaan u ah, Waxaanay
Xuseen in ay uga mahad celinayaan Dhismaha Xarunta Wasaarada
Xanaanada Xoolaha Tog-Wajaale ee uu hada ka wado Wasiirku Tog-Wajaale
"Anagoo kamid ah Ganacsatada Lo,da damaanta ah ee Deegaanka ku ah
Degmada Tog-Wajaale waxaanu halkan bogaadin iyo Mahad celin uga
jeedineynaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir
oo ah Wasiirkii u horeeyay ee Tog-Wajaale ka hirgalinaya Dhismaha
Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo laga bineeyay dhismaheeduna
hada dhameys yahey , oo la dhigaypo Marmarkii Sibidhka Xafiisyada ka
sareeyay aad iyo aad ayaan uga mahad celinaynaa Dhismahaasi, anagoo
ka rajeyneyna kana Codsaneyna in uu Dhameys tiro inta ka hadhsan oo
ah Kordhinta Talaagadaha Daawada Xoolaha iyo Gaadiidka Wasaarada oo
aanay Tog-Wajaale ka maarmin Howl-wadeenada Wasaarada ee Tog-Wajaalena
aad ugu mahad celineyna"Sidaa waxa yidhi Axmed Mawliid Muumin oo
kamid ah Ganacsatada Lo,da ka dhoofiya Magaalada Tog-Wajaale.
Waxa kale oo iyaguna taa ku taageeray Qeybo badan oo kamid ah
dadweynaha Tog-Wajaale oo Sheegay in Wasiirka Wasaarada Xanaanada
Xooluhu yahey Wasiirka kaliya ee intii Somaliland jirtey dhisme
Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha ah oo dhameys tiran maca Deyrkii
ka hirgaliya Degmadan Tog-Wajaale oo xudun u ah Xoolaha Nool oo
kumanaan in ka badani had iyo jeer marin u tahey Magaala Marsada
Berbera Xoolaha ka dhoofa oo Tog-Wajaale iibkoodu ku go, o waxey ku
tilmaameen Wasiirka masuul dareemay Degmadani inta ka dhimana u
dhameyn doona.
Dhismaha Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Tog-Wajaale ayaa
dhawaan la dhameys tirayaa kadib markii dhawaana la xeyndaabey
nawaaxiga uu marayo Deyrka Xarunta oo ah dhul muhiim ah oo wax ka
tari doona Howlaha Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Tog-Wajaale.
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland
|