Ganacsatada Xoolaha ee Burco oo Bilaabay in ay Xoolaha Ka Iibiyaan Shirkadda Al- Jaabiri

 


Qaar ka mida Ganacsatadii Xoolaha ee hor taagnayd iibka xoolaha ee Shirkada Al-jaabari ayaa todobaadkan gudihiisa ka bilowday Saylada Xoolaha ee Magaalada Burco dhaqdhaqaaq cusub oo ay xoolaha ugu iibinayaan Shirkadaasi.

Dhaqdhaqaan iibka xoolaha oo ay hormood u yihiin ilaa shan gacmood oo ay abaanduule u tahay Shirkada INDHA-DEERO GROUP waxay si siman wax uga bedaleen sicirka adhiga, kaasi oo la qaatay cadadkii ay shirkadan Al-jaabiri isla qaateen Xukuumada Soomaaliland inay ku kordhiso qiimaha xoolaha.
 

Muuse Aadan Ducaale oo ah Wakiilka Xoolaha ee Shirkada Indhaa-deero oo ugu waramayey maanta Saylada Burco Weriyeyaal ka tirsan Somalilandnation.com, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay shirkadan iyo ilaa shan wakiil oo kale ay go’aan sadeen inay si daacada ugu shaqeeyaan Al-jaabiri.

Wakiilkani waxa uu warkiisa ku sheegay inay maalmahan u dabeeyey ay dhaqdhaqaaqa sayladu hoos u dhacay, balse la iibsado wixii xoolo ah ee la keeno.”Mucaarid iyo Muxaafidna maanta ma jiro oo waxa loo wada shaqaynayaa Al-jaabiri’ ayuu yidhi.

Shirkadan Indha-deero iyo xubnahan xiligan ku guda jira iibka xoolaha Burco ayaa iyaguna ka mid ahaa ganacsatadii si maroorsiya uga rartay Dekada Berbera ilaa iyo 30.000 oo neef oo adhiya ka dib markii wada wadeyn iyo waan waan ay dhinacyo badani isaga qaadeen labada dhinac.’kaasi oo Xukuumada Soomaliland ku adkaysatay in mido shan bilooda loo xidho iibka xoolaaha Al-jaabiri.
 

 



Yuusuf Ibraahim Warsame

Burco, Somaliland