Geeska Africa oo Somaliland oo keliya lagu casumay Shir laga
hadlaayo horumarinta Tamarta

Hargeysa (TNN)- Waxaa magaalada Abu Dhabi ee Dalka Isu-taga
Imaaraadka Carabta soo g aadhay maanta Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo ka qayb gelaaya
shirweyne caalamiya oo lagu falanqaynaayo arimaha Tamarta.
Haddaba shirkan oo ah heer dawladeed, Wasiirka Somaliland wuxuu ka
mid yahay dadka far o ku tiriska ah ee ka hadlaaya shirkan, gaar
ahaan Bariga Africa. Waxaa xusid mudan, in ay Somaliland tahay dalka
keliya ee laga soo casuumay dalalka Geeska Africa. Taas oo ah guul
guud ahaan usoo hoyotay dhamaan dadka Somaliland oo dhan.
Xiliga Shirku dhacaayo : Berito oo bishu tahay 9th January 2013
Meesha iyo Xiliga : Yas Viceroy Hotel, Yas Island, Abu Dhabi, 07:00
to 02:00.
Cida ka hadlaysa shirka:
Wasiirka Tamarta – UAE, Mudane Maxamed Bin Dhaen Al Haml
Wasiirka Madacdanta iyo Biyaha Somaliland, Mudane Hussina Cabdi
Ducaale
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Tanzania, Prof. Sospeter Muhongo
Wasiirka Tamarta, Mozambique, Mudane Salvador Namburete
Dr. Tony Hayward, Chief Executive Officer, Genel Energy
Iyo mudanayaal kale oo faro badan..
Suleiman Fadal
suleiman_fadal@hotmail.com
|