Gabiley oo gurmad horumarineed u baahan

 



Gobolka Gabiley wuxu ka mid yahay gobolada Somaliland kuwa safka hore kaga jira xagga wax soo-saarka beeraha, xoolaha iyo xidhiidhka baayac- mushtarka ee ay Somaliland la leedahay waddamada dariska ah sida dalka Ethiopia.Gobolku wuxu ku yaal meel istaraatiiji ah, waxa gob olka ku yaal Customska ugu waaweyn dalka Somaliland sida Customka Kalabaydhka ,Tog wajaa le iyo Allaybaday oo ka mid meelaha cashuuraha ugu badan uga soo hoydaan dawladda Somali land marka laga reebo dekeda Berbera.
Gobolka Gabiley heerkiisa dhaqaale waxa lagu qiyaasaa darajada “A”, xagga horumarkiisana waxa lagu qiyaasaa darajada “C ”marka la barbar dhigo gobolada dhigiisa ah sida Maroodijeex (Hargeisa) ,Togdheer, Awdal,Saaxil ,Sanaag iyo Sool.

Gabiley oo dadweynaha reer Somaliland badankoodu u haystaan in xukuumadihii Somaliland soo maray sida xukuumaddi Maxamed Ibrahim Cigaal,xukuumaddii Dahir Riyaale Kaahin iyo xukuuma dda hadda joogta ee Axmed Maxamed Siilaanyo in ay wax weyn ka qabteen xagga adeegyada aasaasiga ee gobolka sida waxbarashada ,caafimmaadka ,beeraha,biyaha iyo iwm ayaan haba yaraatee waxba laga qaban marka laga reebo 2 ceel biyood oo dawladdii Dahir Riyaale ka qod ay tuulada Botor ee ku taal duleedka galbeed ee magaalada Gabiley.
Waxbarashada, dugsiyada gobolka oo arday tiro badani dhigato ayaa waxay dhammaantood la daala dhacayaan qalab la’aan,iyo daayactir la’aanta kuraasta ,miisaska iyo iwm.Caafimmaad k a, adeegga caafimmaad ee gobolku wuxu u baahan yahay waxqabad weyn,magaalooyinka qaar koodna ma laha adeeg caafimmaad sida Togwajaale,waana nasiib darro magaalo xad ku taal oo dad tiro badani ku nool yihiin oon lahayn adeeggii caafimmaad.Gabiley general Hospital wuxu u baahan yahay taakuleyn iyo tayeyn uu ka helo wasaarada caafimmadka ee Somaliland.
Beeraha ,gobolku wuxu ahaan jirey “Bread Basket-kii” dawladdi la odhan jiray Somalia,haddii ay dawladda Somaliand dhiirigaliso wax soo- saarka beeraha wuxu markale gobolku hannan karaa kaalintiisii hore ee ahayd “BB”.Waxay dawladdu cashuur ku soo rogtay beeraha ,taasina waxay niyadjab ku keentay beerlaydii gobolka.

Maqaalkan waa maqaal wax ka taataabanayaa baahiyaha ka jira deeggaankeenii, waa maqaal dhiirigalinayaa waxqabadka baahiyahaas, waa maqaal soo noolaynayaa hab-dhaqankii wax so o-saarka ee loo yiqiin GUUSKA ee marwaba beer lagu GUUSI jiray sidaa darteed waxan soo jeed inayaa in marba mid ka mid ah baahiyaha qaarkood sida waxbarashada, caafimmaadka iyo iwm lagu guuso.

Waxa dhammaan ammaan muddan qurbajooga gobolka gaar ahaan haweenka oo dadaal weyn ugu waxqabadka gobolka, waxa kale oo ammaan muddan golaha deegganka oo iyana dedaal weyn ugu jira sidii ay horumar weyn ugu talaabsan lahaayeen,waxa kale oo iyana ammaan mu ddan dadweynaha gobolka ee diyaarka u ah waxqabadka gobolkooda.
 

 


Allaa Mahad leh,
Eng. Mahamed Abdillahi Nur
Ottawa,Canada
Almis302002@yahoo.ca