Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 

 

Qormadii Kow iyo Tobnaad

 
Akhristayaal, waa qormo cusub iyo taxanaheennii la magacbaxay; gobolnimoraadiskii Gabile y.
Qormadeennan maanta waxaynu shiishka saari doonnaa -haddii Eebbe idmo, talo aynnu sii nayno; dadweynaha sharafta leh ee deggan gobolka Gabiley. Taladaasi oo ku saabsan, sidii si muunad iyo mugba leh loogu hawlgali lahaa gobolnimada buuxda ee gobolka Gabiley.

Haddii aynnu ka duulno hal-ku-dhegga Soomaaliyeed ee yidhaahda, " Ilko wadajir ayay wax ku gooyaan"; waxa lagama maarmaan ah, in la isku tiirsanaado oo wadajir iyo si midayasan wax loo wada qabto.

" Tabantaabada ayay laba gacmood tamar ku yeeshaane
  Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidix
  Ee haddii midigtu keli taagan tahay
  Tahar ma goyseen!" 

 
Murtidaasi waxa laga guntay gabayaa Soomaaliyeed. Waana xigmadii ay ku shaqayn jireen, odayaashii gobolnimoraadiska Gabiley horseedka u ahaa ee sanadihii 1970 naadkii. 

Odayaashaasi waxay fahamsanaayeen, in sida keliya ee gobolnimo buuxda lagu heli karaa ta hay; midaynta dadweynaha gobolka ku nool. Iyada oo aan loo eegeen: ab iyo isir toona iyo halka uu qofku ka soo jeedo ee loo eegi jirey, dhalasho iyo dhaqanba reer Gabiley ma yahay!

 
Halgankii gobolnimada loo soo galay ee aynnu sida taariikhi ah uga soo sheekaynay, wuxu ku socon jirey nidaam midnimo oo degaameysan. Mana jirin waayadaa hore, qaybsanaanta maanta muuqata ee ku salaysan:

 
  1. Isirnimada qabiileysan ee dalka ka socota
  2. Kala jirashada iyo kala jiidadka dadweynaha ee xisbiyeysan
  3. Mijo iyo madaxnimo la'aanta maanta gobolka ka taagan
  4. Iyo dhammaanba midnimo la'aanta gobolka iyo dalkaba ka muuqataa.

Haddaba waxa laga maarmaan ah:
  1.  in la  soo celiyo midnimadii iyo walaalnimadii dadka reer Gabiley oo cududda iyo caqlig aba la mideeyo
  2. In oday iyo inan la kala yeesho oo mid waliba ha uu ku habboon yahay loo daayo
  3. In la mideeyo cududda iyo caqliga siyaasiyiinta, cuqaasha ama madaxdhaqmeedka iyo culimada oo hal cod la yeesho - gaar ahaanna marka laga hadlayo gobolnimada iyo da naha kalaba.
  4. In aan collaysi iyo cadaawad aan midna la tusin xisbiyada qaranka iyo madaxda toona - laakiin lagula xisaabtamo waxqabadkooda - iyadood lala doodayo oo aanu dagaal jiri n!

 
Haddaba aniga oo ka duuliya arrimahaasi aan soo tilmaamay, waxan dadweynaha reer Gabil ey kula talin lahaa:
  • In aynnu kur (madax) iyo kurxin (istiraatijiyad cad) oo gobolnimda ku saabsan yeelano, madaxda ay khusaysana la hordhigo lagulana xisaabtamo
  • In karaamada dadweynaha gobolka la ilaaliyo oo aynnu joojinno, kab dambe oo kor loo taago iyo karin eey lagu xidhaba!!
  • Hadhoowtaan wax-ku-siin iyo hadal, in aan cidna loogu godlan ee aynnu hadaaq ka dhiganno, " Wixii aad ii qabanayso, ii qaddin" oo ay gobolnimada buuxdaa kow ka tahay.
  • Waxa kale oo aan ku talin lahaa, in aan dib dambaysa gobolka loogu soo dhaweynin; badhasaab dambe oo dhiman!! Ka ima joogana muddo loo qabto uu isku soo buuxiyo! 
  • Intii aynnu gobol dhiman ahaan lahayn, aynnu degmo buuxda ahaanno! Sidii waagii hore loo odhan jirey, "lixda gobol iyo Gabiley"; haatanna ha la yidhaahdo, " Laba iyo tobanka gobol iyo Gabiley"!

 
Nin Soomaaliyeed baa la sheegay, " Cir aanan lahayn bay cadceediishii i dishay!"
Waxan taasi uga jeedaa, Gabilayey gobolnimo aan jirin, ayaan gondaal lagaaga dhigin ee ga agax!!

 
Waxan dadweynaha sharafta ee reer Gabiley kula dardaarmayaa, in dadnimada iyo diintaba la dhawro. 

 

 
Wa bilaahi At-towfiiq

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 


Qormadii Tobnaad:


Nabad akhristayaasha sharafta lahoow. Waa qormadeennii tobnaad ee taxanaheennii la ma gacbaxay, gobolnimoraadiskii Gabiley oo aynnu ka soo bilownay 1970 naadkii.

Qormadeennan maanta waxaynnu ku soo qaadan doonnaa, Gabiley oo u gardhiganaysa ma daxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxda Somaliland marka aynnu leenahay uma jeedno kuwa maanta Somaliland xukuma oo keliya iyo xisbiga Kulmiye. Waxaynuse u gardhiganaynaa kuwa xisbiyada kale hoggaamiya ee berrito marka doorashada la gaadho - haddii Ilaahay idmo - codaynta iyo sanduuqa ii buu xda, Gabiley ku tabi doona!

" Halmadaad halmadaad
  Hayaay yaan la dhashayey
  Hirigtays marinaayiyo"

Kuwaasi waa erayadii uu (Ihun) abwaan C/llaahi Suldaan ku tilmaamay siyaasiga Soomaaliye ed, marka uu ololaha doorashada ku jiro iyo xodxodashada reeraysan uu la soo baxo xilliga asi doorashada!

Su'aalaha jawaabaha u baahan ee reer Gabiley weydiiyeen - haatanna weydiinayaan- mada xda reer Somaliland, waxa ka mid ah:

1- Gabiley dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba, gobolnimo ma geydaa?
2- Dad iyo duunyo ku filan ma leedahay?
3- Haddii jawaabtu haa tahay, halkee laga haystaa?
4- Maxay Gabiley geyaankeedii kaga hadhay ee ay illaa maanta gobolka dhiman u tahay?
5- Halkay ka il iyo oofba la'dahay Gabiley ee ay qayrkeed iyo qoomaheedba kaga hadhay?
6- Halkay Gobolnimada buuxda ee Gabiley ka go'day?????
7- Ayaa ku fadhiya Gobolnimada Gabiley ee laga fujiyaa?
8- Maxay reer Gabiley gobolnimada ugu halgamayaan afartan iyo in ka badan?


Caddaaladdarrada ugu weyn ee uu Aadamuhu sameeyo dhinacyada sharciga iyo dhaqank aba (curfiga), waxa ugu weyn oo cid waliba ogtahay; Kala sarraysiinta laba sinnaa!!
Waxa iyana ka mid ah caddaaladdarrada bani'aadmigu sameeyo, simidda laba aan sinnayn sharci ahaan!

Haddaba illaa haaatan taasi Gabiley ma haysataa? Maxayse u haysataa?

Waxyaabaha gobolnimada Gabiley u xanniban tahay xilligan ee aanu qof caadiga ogeyn wa xa ka mid ah:

1- Xeerka caasimadda Hargeysa oo qabyo ah! Xagguu xeerkaasi ka qabyoobey ama yaa ku fadhiya?
2- Goboladii dhinnaa ee mar lala magacaabay Gabiley oo laga baqayo, in ay xanaaqaan amma masayraan (hinaasaan); haddii Gabiley xaqeeda la siiyo!
3- Caasimadda ayay Gabiley caasha (hoosta) kaga jirtaa! OO waayo?
4- Gorof iyo gondaal Gabiley lagu maalo la heli maayo, haddii gobolnimada la siiyo!! Waana qodobkan ka xaqiiqda ah ee Gabiley weligeedba lagu godliyaa!!


Ereyga gondaal (saanweji), waxa lagu maalaa lo'da - gaar ahaan marka uu ilmuhu ka dhinto. Waxa saanwejigaa laga soo jaray ilmihii sacee dhintay lagu dhisaa, qori leh faraaraha hangoolka oo kale. Haddaba, si aanu sacaasi u gudhin; ayaa gondaalka cusubo iyo caanihiisa loogu lisaa. Marka uu sacu leefana wuu ku godladaa - sidaasi ayaana lagu maalaa oo ku irm aanaadaa!

Gabiley waxa illaa iyo 1970 naadkii gondaal looga dhigtay, "Horta codka (vote) i sii, anigaa gobolnimo buuxda ku siine!"
Waxay Gabiley leedahay, afar arrimoodba ka ilbaxay:

1- "Hadhowtaan wax ku siine horta soofi baraarka" Timacadde (Ihun)
2- Gondaal aan cusbo iyo caano toona lahayn oo carrabkayga daashada
3- " Halmadaad halmadaad, hayaay yaan la dhashayee" Xilliga foodka ah
4- Iyo in sidii hangoolka hawsha uun la igu tebo!!


Waabaynu xiiqnay oo xabeebsanaye, illaa qormadeenna dambe - haddii Rabbi xukumo- amm aano Allah iyo isma dhaafno walaalayaal.

 

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 


Qormadii Sagaalaad

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Allaha weyn ee waaxidka ah ee inagu simay akhriska qormadeennii sagaalaad ee taxanaheennan la magacbaxay, gobolnimoraadiskii Gabiley.
Qormadeenan maanta waxaynnu shiishka saari doonnaa- haddii Ilaahay idmo- lafogurka wa xa Gabiley u galay gobolnimadan ay ku xiiqday!
Ma xuma oo waa su'aal la isweydiin karo oo jawaabteeda u baahan. Waxase barbar taalla su'aal kale oo ah, maxaa Gabiley gobolnimada buuxda loogu diidan yahay illaa iyo taariikhda aynnu soo tilmaanay?

Haddii aynnu ku horraynno jawaabta hore ee aynnu kaga jawaabeynno, maxaa Gabiley ka soo gelaya gobolnimada buuxda? Waxan filayaa in aynaan jawaabta meel fog ka raadineyn; Waana sida tan:

Gabiley gobolnimada buuxda sharaf ayaa ugu sugan (Pride).

Halhaysyada haweenka Soomaaliyeed waxa ka mid ah, " Wixii qaarkaa qabo, qosol kuugu dh an!"

Gabileyna waxay leedahay:

 



Anigoo guyaal hore
Gayaankay ka roonaa
Maxaa guunta iga dhigay?
Een guurkii u seegaa?

*****

Marka golaha loo baxee
la gorfeeyo xaajada
maxaa lay giriifee
garta layga qadiyaa?

*****

Marka gool la qalo ee
hilbihii la kala guro
Meesha lama gayaaniyo
Maxaa gowraca i baday

*****

Marka gogosha loo baxee
gadhmadoobe taliyiyo
raggu ay gabyaayaan
Miyaan sii gandoodaa?

*****

Gasiinkii dalkeenniyo
Anoo guunyo haystoo
gaajoonin waligey
Sidee lay gumeeyaa?

*****

Gobolnimada dhimaniyo
Gefka iyo xumaantiyo
Guux aan dhammaaneyn
Goormaan ka baxayaa?

*****

 

 


2) Gabiley waxay dooneysaa, in ay qayrkeed ku dherersato oo ay weliba dhaafto!
3) Waxay Gabiley rabtaa - haddii Rabbi la qabto, in aanay dhinnaan ee ay dhammays noqoto!
4) Waxay Gabiley rabtaa, caddaalad iyo sinnaan Somaliland u siman tahay oo aan la kala sed roonaan.
5) Waxay Gabiley rabtaa, ka dhabaynta iyo dhammaystirka halgankii gobolnimo ee guyaash a ku qaatay!!

Haddaba, su'aasha taagani waa sidee sida sedkaa maqan lagu gaadhayaa?

Waa innoo qormada dambe iyo qaadaa dhiggeeda - haddii Eebbe idmo.

Wa bilaahi At-towfiiq

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 



Qormadii siddeedaad:

 

 


Allaa faxane nimanyahoow
Maxay fooshu igu raagtey

*****

Fadka oon da'ayniyo
maxaan foore la caweeyey

*****

Faalkii la ii rogey
iyo maxaan fooxa dabajoogey

*****

Faruuryaha maxaan haystey
oon ficilka diidaayey

*****

Fudayd iyo Allahayow
maxaan fililig diidaayey

*****

Foolxumo maxaan diidey
iyo faraha la taagaayo

*****

Foodhida kol ay tahay
Maxaan faawdo ka carraabay

*****

Facaygii intay iga tageen
Maxaan feedha ka istaagey

*****

Fajac iyo anoo yaab i helay
Muxuu foorar igu raagey

*****

Faxfaxii la kariyaba
Maxaa fuudka igu beegay?

*****

Feenashada lafaha iyo
maxaa firida ii diidey?

*****

Foodka iyo hawsha uun
Maxaa faraqa ii saaray?

*****


 


Nabad walaalayaal, waa mar kale iyo qormo xiiso leh oo aynnu ku qaadaa dhigi doonno; taxanaheennii gobolnimoraadiskii Gabiley ee noqday, " ninkii rimay"!

Waxa jira halhays Soomaaliyeed oo yidhaahda, waxaasi waa " hangoolkii hawsha lagu tebe y!" Hal-ku-dheggan waxa loo cuskadaa, shayga aan la daryeelin ee hawsha uun lagu tebo - sida hangoolka oo kale!
Hangoolka oo ka mid ah agabka oodda loo adeegsado, waxa lagu tebaa hawsha ee cidina ma daryeesho ; dugaagana lagama xereeyo! Maalinta loo baahdo ayuun la isweydiiyaa??

Gabiley miyaanay sidaasi ahayn?? Goormaa la tebaa Gabiley illaa 1970 naadkii?

Muxuu guddoomiye kasta oo degmo/gobol oo yimaaddaa ku geeddigeliyaa Gabiley? Gobolnimaan soo wadaa ayaa ah geeddigalinta Gabiley! Bal mid walba u fiirsada? Wafdi kast ana eega? Waa cajaladda reer Gabiley u daaran illaa iyo xilliyadii aynnu ka soo hadalnay ee bilowgii 1970 naadkii!!

Alle ha u naxariistee murtidii Timacadde laga dhaxlay waxa ka mid ahayd:

"Hadhowtaan wax ku siin
horta soofi baraarka
Malaha waad sixran tihiin
sabiba hooyo ka diid!!
"

Sheekooyinka dheg- ku-qaadka ah ee oday amma islaani tebiseyda ahna waxa ka mid ah:

In ay beri hore haweeney caqli badnayd oo caydh ahayd ay carruurteedee wax cunto ah u weydey. Markii ay cabbaar ciishootay ee waxba u weydey ayay fikirtay oo ay tidhi, " Maxaad caawa carruurta ku seexisaa?" Waxay hooyadaasi go'aansatay markii ay talo-u-ru n-sheegtay, in ay carruurtii khiyaamayso oo ay saantii ay ku seexanayeen badh uga jarto oo ay dherigu ugu riddo - si ay hilib u moodaan.
Haddaba, sidii ay carruurtii u dulfadhiyeen saantii dheriga ku jirtey ayay wada seexdeen! Hadba kii gamma' ayuun bay halkiisa seexisaa!

Haddaba waxa isweydiin leh, intee in le'eg ayay madaxda reer Somaliland; Gabiley saanta u sii karin doonaan? Intayse reer Gabiley si aqbali doonaan saantaasi loo karinayo ee aan bisl aaneyn ee weliba soo daashatay?


akhristayaasha sharafta lehoow, waa innoo qormada xigta iyo ammaanno Allah.
 

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 

Qormadii Toddobaad

Kulan wacan walaalayaal. Waa qormadeennii toddobaad oo aynnu diiradda saari doonno ol olihii ay odayaashii iyo dadweynaha reer Gabiley qaadeen markii ay maqleen, in ay gobolnim adoodu ku xidhan tahay; natiijada (haa)da ah ee ka soo baxda aftidii loo qaadayey distoork ii loo codeenayey 1979kii oo iyaga iyo Boorama lagu kala saarayo! Alla maxaa dadka been lo o sheegay!

Haddaba si aanay Boorama uga guulaysan Gabiley, waxa la qaaday olole (campaign) aan loo kala hadhin oo haa raadis ah. Tallaabooyinka la qaadayna waxa ka mid ahaa kuwan hoosta ku qoran:

In dhammaan dadweynaha la wacyigeliyo oo loo sheego waxa la raadinayo oo gobolnimo ah iyo shardiga ay dawladdu ku xidhay oo ahaa; (haa)da distoorkii ee Gabiley oo ka badata ta Boorama!
Waxa kale oo suuqa la geliyey, in sanduuqa mayada (no)da oo midabkiisu huruud (jaalle) ah aa uu Mengiste leeyahay oo qofkii waraaqdiisa ku ridaa uu Mengiste u codeeyey! Sidaa awg eed, ayaa tuulooyinka qaarkood u diideen ammaba u jajabiyeen; sanduuqii mayada loogu ta logalay!
Waxa kale oo cajalado lagu duubay, dhammaan qodobadii distoorkaasi ka koobnaa oo ahaa; 114 qodob - si ololaha loogu galo oo ay dadku uga dhergaan uguna codeeyaan!
Cajaladahaasi oo si wanaagsan loo duubay ayaa tuulo kasta loo shidi jirey, marka ay odaya asha iyo kooxihii aftida distoorku tagaan.

Waxa kale oo iyaguna maalintii codbixinta distoorkaasi dhacaysey, goob wal oo aftidu ka dh acayseyba taagnaa haween calaamadsanayey oo ceebeynayey; qofkii sanduuqa mayada waraaqda ku rida!

Halkaasi waxad ka arkaysaa, sida dadweynaha reer Gabiley gobolnimada ugu soo halgamee n iyo sida dadweynaha walaalaha ee reer Gabiley iyo Boorama la isugu diri jirey; iyada oo aan midkoodna waxba loo haynin oo ay sheekadu ahayd; ku dalac iyo darajo ku hel.

Akhristayaal, haddii aynnu intaasi ku soo dabaalno qormooyinkeennii ahaa kor-ka-xaadiska taariikheed ee gobolraadiskii Gabiley ee 1970naadkii illaa bilowgii 1980naadkii; waxaynu had dii Eebbe idmo ku soo qaadan doonnaa qormooyinka soo socda, dood iyo talooyin ku socda madaxda hay'adaha fulinta iyo xisbiyada Somaliland iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Ga bileyba.
Haddaba, inta aynnu qormo kale oo xiiso leh ku kulmaynno - waa haddii Ilaahay idmo'e- nab ad gelyo iyo noole kulantideen!

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 


Qormadii Lixaad


Walaalayaal, intiinnii sida joogtada ah ula socotey taxanahan amma soo akhriday qormadii shanaad; waa tii aan ballanqaaday, in aan qormadan ku soo bandhigi doono soo laba kaclay ntii halgankii gobolnimoraadiska ee  Gabiley iyo weliba sababaha keenay arrintaasi!

Sannadkii 1979kii oo ahaa sannadkii ugu horreeyey ee laga soo doogey dagaalkii qadhaadh aa ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya - 1977/78, ayaa dalkii la odhan jirey Soomaaliya laga qabtay doorasho loo qaaday; distoor (constitution) cusub oo dalka loo sameeyey.

Distoorkaasi oo haa iyo maya midkood loogu codeynayey, ayay si taban (negative) oo lool an ah u soo bandhigeen labadii guddoomiye kala joogey Gabiley iyo Boorama.

Labadaasi nin oo loo tiriyo, in ay ahaayeen kuwii ficiltanka taban ee qaybiyoo xukunka ah dh exdhigeen dadkii wada dhashay ee degmooyinka Gabiley iyo Boorama; ayaa ololahaasi disto orka u soo bandhigay si been ah oo taban!
Nimankaasi oo la kala odhan jirey: Aadan Buulle Maxamuud oo ahaa guddoomiyihii degmada Gabiley iyo Subeer C/kariim Boodhle oo ahaa guddoomiyihii degmada Boorama,ayaa si weyn uga faa'deystey aftidaasi - si ay (haa)du u badato oo ay dallacaad u helaan!
Haddii aan wax yar ka iftiimiyo taariikhda labadaasi nin iyo markii ay yimaadeen labada degm o, waxay kala ahaayeen:
Aadan Buulle wuxu ahaa markii uu Gabiley yimid, xiddigle ka tirsan ciidankii guuwadayaasha ee markii dambe loo bixiyey maleeshiyada. Ninka kale oo ay mar wada yimaadeenna wuxu ahaa, laba xiddigle ay ciidankaasi maleeshiyada ka wada tirsanaayeen. Waxayna labaduba u dalaceen si xawli ah - gaar ahaanna Buulle!

Haddaba ololahaasi distoorka ee 1979kii ayaa dadweynaha labadaasi degmo loogu soo band higay si taban oo ficiltan leh! Waxana la soo nooleeyey aragtidii gobolnimoraadiska ahayd e e muddada shiiqsanayd oo ay si gurracan u soo bandhigeen!
Habkaasi gurracnaa ee dadweynaha labada degmo ee walaalaha loogu soo bandhigay wuxu ahaa, in labada degmo teedii aftida distoorka haa badataa gobolnimadii helayso!

Arrintaasi iyo saamayntii ay ku yeelatay halgankii gobolnimoraadiska ee Gabiley, fadlan la soco qormada soo socota oo aynnu ku qaadaa dhigi doonno - haddii Ilaahay idmo.

Wa bilaahi At-towfiiq

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 

Qormadii Shanaad

Akhristayaal, waa kulan wacan iyo qormadeenii shanaad ee taxanihii la magacbaxay, gobol nimoraadiskii Gabiley ee 1970naadkii.

Intiinnii soo akhriday qormadii afraad haddaan dib-u-xusuusiyo, waxan ballanqaaday; in ayn nu qormadan kaga hadli doonno; shiiqiskii amma hakadkii galay halgankaasi muddadii u dhax aysey 1976 -1978kii.

Arrimaha hakadkaasi dhaliyey oo dhawr ahaa, waxaynnu ka xusi doonnaa saddex dhacdo oo aan is leeyahay waa kuwii ugu muhiimsanaa. Kuwaasi oo kala ahaa:

1. Sannadkii 1976kii waxa dalka si rasmi ah looga aasaasay xisbigii la magacbaxay, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Curashadii xisbigaasi waxa ka dhashay dareenno badan oo leh: kuwo siyaasadeed, kuwo diineed iyo kuwo bulshaba. Halkanse ku faahfaahin maynno dareenadaasi ka dhashay- waayo, ma aha mowduuca aynnu ka hadlaynno!

Ku dhawaaqiddii xibigaasi waxa kale oo ay dalkii Soomaaliya la odhan jirey gelisey, marxalad-kala-guur ah oo siyaasadeed. Waayo, waxa xafiisyadii askarto fadhidey la wareegey intood a badan; rag rayid ah oo xisbiga hantiwaagga ka tirsan.
Sidaa awgeed, muddo ayuu dalku ku jirey; xafiis la kala tirsado iyo jihowareer. Taasina waxa ka dhashay, is faham la'aan iyo ka dhursugid intii lala qabsanayey madaxda iyo nidaamka cu sub! Taasi ayaana dhalisay, in gobolnimodoonkii Gabiley hakad galo sannadkaasi.

2. Sanadihii 1977/78 kii waxa dhacay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Labadaasi sannadood wax aan dagaalkaasi ahayn dhego looma lahayn - shicib iyo dawladba. Waxana halkaasi ka cad akhriste, in ay hawlihii dalka ka socdey oo dhammi hogosho galeen; marka laga reebo hawlihii dagaalka.
Sidaasi awgeed, saddexdaasi sannadood ee is ku xigey; waxa dhaqdhaqaaq gobolnimoraadis kama soconin Gabiley.
Haddiise aad rabtid kaalintii ay degmada Gabiley dagaalkaasi ku lahayd oo faahfaahsan, fad lan akhriso buugga la magacbaxay: Sal iyo Baar oo dhawaan lagu daabacay dalka Ingiriiska - oo uu qoray qoraha taxanahani!!

3. Arrinta saddexaad ee aan is leeyahay way wiiqday halgankaasi iyo wadajirkii odayaasha ba ayaa ahayd, siyaaro la yidhi Gabiley baa lagu dhigayaa oo keentay qaybsan iyo khilaaf!
Waxayna ahayd siyaaradaasi tii ay ka bilaabantay, siyaasaddii la odhan jirey; " Qaybi oo xukun" ee ay dawladdii Siyaad Barre ku kala qaybisay dadkii wada dhashay ee reer Gabiley!

Akhristayaal, haddii aynnu nafta haynno oo aynnu gaadhno; waa innoo qormada lixaad oo aynnu ku soo qaadan doonno, halgankii gobolnimoraadiska oo dib u soo magoolay; sannadkii 1979kii iyo wixii dhaliyey fufkiisa ama soo labakaclayntiisa!

Wa bilaahi at-towfiiq

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 

Qormadii Afraad

Kulan wacan walaalayaal, waa qormadeenii afraad oo aynnu ku soo qaadan doonno - haddii Eebbe idmo - dhacdooyinkii dhaliyey; firfircoonidii gobolnimoraadiskii Gabiley ee bilowgii 1970 naadkii.

Dhacdooyinkii arrintaasi dhaliyey oo aynnu soo qaadan doonno intooda muhiimka ah oo keli ahi waxay u kala horreeyeen sidatan:

Markii uu inqilaabka ku qabsaday Siyaad Barre xukunka dalkii la odhan jirey, Jamhuuriyada S oomaaliya; bishii Oktoobar 1969kii; ayaa dhammaan hay'adaha dawladda madax looga soo dhigay niman askar ah oo ka wakiil ah golihii Sare ee Kacaanka.

Haddaba, guddoomiyihii (district commissioner) ugu horreeyey ee degmada Gabiley ninkii loo soo magacaabay wuxu ahaa, Ciise Tarambi Ugaas oo ahaa gaashaanle (majour). Ciise Taram bi, wuxu ahaa: nin wadaad ah, waayo'arag ah, daacadna ka ahaa shaqadiisa oo degmada m ashaariic badan ka fuliyey muddadii uu joogey.

Ciise Tarambi wuxu ahaa, ninkii kala habeeyey ee qurxiyey magaalo madaxda degmada ee G abiley. Wuxu ahaa ninkii kala saaray, daaraha iyo dasada (aqal soomaaliga) ee sameeyey; habkii loo yaqaanney (new G)da oo laga soo gaabiyey (new Gabiley) - dabcan isaga oo kaas hanaya dawladda hoose ee degmada iyo madaxdeedii.
Ciise Tarambi oo degmada joogey dhawr sannadood, markii dambana degmada la xididay oo gabadh ka guursadey; si wanaagsan ayay dadweynaha degmada u wada jaanqaadeen - ga ar ahaanna odayaasha degmada iyo ururadii bulshadaba.

2. Ninkii Ciise bedeley ee degmada yimid wuxuu ahaa, dhamme (captain) Maxamed X. Jimca ale oo ku magacdheeraa Jimcaale. Guddoomiye Jimcaale, inkasta oo uu ahaa nin aan lahayn astaamihii Ciise; haddana si weyn ayay dadweynaha degmada isku fahmeen. Markii damba na isna degmada inan buu ka guursadey oo wuu la gacaloobey!


3. Dhacdooyinka kale ee saamayntooda lahaa xilligaasi waxa ka mid ahaa: xafiis dalka oo dh an ka furnaa oo dhan oo la odhan jirey, xafiiska hanuuninta dadweynaha (public Relations o ffice); ayaa degmada Gabiley la keenay dhawnr nin oo firfircoon oo ay ka mid ahaayeen: C/raxmaan Aw Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo nin kacaamaysnaa oo la odhan jirey, Ibraahim Boolitsiye oo ahaa ninkii soo halhayska u lahaa ee dadka baray; Gabiley horey u martay!

4. Waxa iyana saamayn weyn oo dhan walba ah ku yeelatay degmada waqtigaasi, geeridii gabayaagii weynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde (IHUN) ee sannadkii 1973kii. Geeridaasi Timacadde oo siyaabo badan degmada u saamaysay waxay keentay in magaciisa lagu weyr axo oo la raadiyo meelo muhiim ah oo lagu magacaabo - gobolnimoraadiska doorkeeda ku la hayd.
Fadlan dib u dheeho qormooyinkii ku saabsanaa dugsiga sare Timacadde - haddii aad heli kartid.

5. Ololihii hor-u-marinta reer miyiga ee sannadihii 1974/75kii oo ay degmadu guulo waaweyn ka soo hooysey - kuna mutaysatay billad dahab ah oo dhinacyada kacaannimada iyo hor-u-marka ah iyo arrimo kalaba waxay kor u sii qaadeen hammigii gobolnimoraadiska ahaa ee xil ligaasi.

Waxa kale oo aad akhriste maanka ku haysaa, in dhaqdhaqaaqa gobolnimoraadiska ee deg mada Boorama socdey iyo hadba heerka uu marayo isha lagu hayey. Waxadse ogaataa akh riste, in loolankaasi labada degmo ee walaalaha ah ka dhexeeyey ahaa mid caafimaad qaba oo aan cilad iyo caabuq toona lahayn.

Waxyaabahaasi aynnu korka ku soo tilmaannay waxaynu uga dan lahayn, maragmuujin iyo soo bandhigiddi is fahamkii degmada iyo madaxdii la keenay dhexmaray iyo inay beryahaasi degmadu ku tallaabsatay hor-u-mar la taaban karo oo dhan walba leh. Taasi loo arkayey, in heer degmo laga gudbey oo gudbey; heer gobol.

Guntii iyo gegegabadii qormadeenan afraad, toojkii (torch) gobolnimoraadiska ee degmada Gabiley - wejigiisii hore wuxu si fiican u shidnaa illaa 1975kii!

Saddexdii sannadood 1976 illaa 1978kii halgankaa gobolnimodoonka ahaa, wuxu galay marx alad hogosho ah (hibernation period).
Haddaba, la soco qormada shanaad oo aynnu ku falanqayn doonno - haddii Ilaahay idmo- sa babaha uu halgankaasi u shiiqay muddadaasi.

 

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 

Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 

Qormadii Saddexaad

Nabad walaalayaal, qormadeenan saddexaad waxaynnu ku falanqayn doonnaa; jawaabta s u'aashii aynnu ku soo qaadanay qormadeennii labaad.
Haddii aynnu is xasuusinno su'aasha aynnu maanta ka jawaabeyno ee aynnu ku soo xusnay qormada labaad waxay ahayd; maxaa keenay firfircoonida gobolnimoraadiska ah ee Gabiley ka curtay bilowgii 1970naadkii - gaar ahaanna 1973/74kii?

Su'aashaasi ka jawaabiddeedu waxay innagu kallifayso, in aynnu dib u milicsanno taariikho iyo dhacdooyin gogoldhig u ahaa arrintan iyo qaabdhismeedkii degmada Gabiley ee waagaa si!!

Haddii aynnu ku horraynno dhinaca qaabdhismeedkii juqraafiyeed ee degmadii Gabiley ee xi lligaasi, wuxu bed (area) ahaan ahaa amma ku fadhiyeen inta maanta baaxad ahaan gobolk u ku fadhiyo. Waxana degmo ahaan ku yaalley magaalooyin waaweyn oo mid waliba baaxad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la tartamayso, caasimadii degmada ee Gabiley. Sida: Togwajaale, Allaybaday, Arabsiyo, Kalabaydh iyo kuwa kalaba.

Magaalooyinkaasi iyo mid waliba waxay caanka ku tahay iyo kaalinteed dhaqaale ee gobo l/ degmo ahaan, kaga bogo heestan yar ee aan sameeyey berigii aan gobolka Gabiley u bixiye y; Ceeg.

Waxayna leedahay heestaa yari:

 


Waxad caan ku tahay
Ceeg
oo kuu calaamada
Ceeshkii dalkeenniyo
Cilmi Jaamacoo baxay

*****

Caasimadaad Gabiley
caynkay u taalliyo
midabkeeda caankee
caashaqa abuuraad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Carradaada hodankee
Caadil kugu manaystee
cayn kastaba ka baxayaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

calcalyada xareeddiyo
Codcodkii lo'deeniyo
Cosobkii Allaybadee
cuudkeennu daaqaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Canbihiyo khudaartii
Ceelbardaale taaliyo
Arabsiyoo camiranbaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Caleentii Wajaaliyo
Kalabaydh cashuurtaa
carligeenna deeqdaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Cilmigiyo aqoontiyo
culimada digriyayiyo
gabayaa caankee
cidkastiba taqaanbaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Cidlo lama ammaanee
culamaa'u diinkiiyo
cadradaha xishoodaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Dhirta cuud sidiisiyo
canbarkii u soo ureed
carfigooda yaabtaad
ayaad caan ku tahay
Ceeg

*****

Ceeshkii dalkeeniyo
Cilmi Jaamac oo baxay
ayaad caan ku tahayoo
calankaaga lagu wadhay!!

*****

 



Akhristayaal, haddii Eebbe idmo; waa innoo qormada afraad iyo dhinaca dhacdooyinkii (even ts) godliyey gobolnimoraadiskii Gabiley ee bilowgii 1970naadkii

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 


Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley

 

 


Qormadii Labaad:

Akhristayaasha sharafta lahoow, intiinna hore u soo akhrisatay qormadii koowaad ee mow duucan aynnu ula magacbaxnay Gobolnimoraadiska Gabiley oo gogoldhig u ahaa qaybahan s oo socda, waxan ballanqaaday in aan soo bandhigi doono taariikhdaa gobolnimoraadiska wi xii aan ka ogaa.
Waxase dhici karta, in halgankaasi lagu doonayey gobolnimadu xataa ha horreeyey taariikh da aan hore u soo tilmaamay - markii aan bilaabey qoritaanka cinwaankan ku caanomaalay: Gabiley iyo Guyaal Tegey ee shabakadaha qaarkood ku soo baxay, sannadkii 2014kii!

Fadlan dib u dheeho, qaybtii Kowaad ee aynnu kaga hadalnay; taariikhdii dugsiga sare ee Ti macadde iyo sidii u dhismihiisu ku bilaabmay.

Akhristayaal, dib-u-milicsiga qormadaasi waxad kula kulmi doontaan qodobkan hoosta ku qo ran oo aynnu odhan karno wuxu ahaa bilowgii inta aan garanayo gobolnimoraadiskii Gabiley.

Qodobkaasi oo ahaa ka saddexaad wuxu u qornaa sidatan:


3. Iyo iyada oo loollan gobolnimodoon ahi ka dhexeeyey, labadii degmo ee Boorama iyo Gabil ey- loollankaasi oo bilaabmay 1974kii oo ahaa sanadkii uu bilaabmay; ololihii la magacbaxay: Ololaha hor-u-marinta reer miyiga.

Waxayna odayaasha magaaladu u arkayeen lahaanshaha dugsi sare, in uu magaalada u soo kordhin doono; magac iyo maamuus miisaan u yeeli doona; arjigeeda gobolnimodoonka ah.

Haddaba walaalayaal, waxaynnu odhan karnaa; gobolnimodoonka Gabiley wuxu bilaabmay 1973kii, wuxuse si weyn u soo shaacbaxay sanadkii 1974kii.

Haddaba su'aashu waxay tahay halgankaasi gobolnimoraadiska ah ayaa xiligaasi wadey??
Su'aashaasi jawaabteeda meeldheer u dooni maynno oo la iskuma haysto lamana dafiri kar o, in ay odayaasha magaalada Gabiley oo ganacsatada u badnaa wadeen.
Waxa aan iyadana la dafiri karin kaalinta ay halgankaasi ku lahaayeen ururadii loo yaqaann ey, ururada bulshada ee haweenka iyo dhallinyarada degmadu!!

Su,aal kale oo jawaab waafi ah u baahani waxay tahay, halgankaasi gobolnimoraadiska ah ee Gabiley muxuu taariikhdaasi aynnu korka ku soo tilmaannay u firfircoonaaday amma uba bilaamay??

Waa innoo jawaabta su'aashaasi iyo qormada dambe idam Allah...
 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

 


 


Gabiley iyo Guyaal Tegey

Gobolnimoraadiska Gabiley

 



Haddii aynnu isweydiinno su'aal aad u fudud oo ah, waa maxay qaddiyadda Somaliland? Jawaab aad u fudud ayaad bixin lahayd oo ah, waa aqoonsiraadis!

Haddiise lagu weydiiyo, waa maxay qaddiyadda ay raadinayaan dadweynaha reer Gabiley - dal iyo dib - waxa laga yaabaa; in qof waliba meel ku dhufto! Waxase aan shaki ku jirin, in dadka reer Gabiley qaddiyadoodu tahay, ka midho dhalinta gobolnimo dhab oo aan dhalante ed iyo dhedo toona ahayn!!!

Waxay ahayd bilowgii 1970naadkii markii aannu aniga iyo da'dayduba ku garaadaysteen, hal ganka gobolnimoraadiska Gabiley.
Halgankaasi gobolnimodoonka ahina wuxu soo maray marxalado kala duduwan oo la jaanqaa dayey hadba waayaha dalku marayo iyo xaaladda taagan. Taasoo macnaheedu yahay, in go bolnimoraadiskaasi Gabiley; uu soo maray xaalado kala duduwan oo firfircooni (activeness) iyo shiiqsanaanba leh (dormant or hibernation period).

Haddaba, innaga oo taasi ka duuleyna iyo xummadda gobolnimoraadiska ah ee haatan aloos an; ayaynnu soo qaadan doonnaa - waa haddii Eebbe idmo e- dhawr qormo oo gaagaaban oo aynnu arrintaasi kaga warramayno.
Qormooyinkaasi oo si taxane ah ugu soo bixi doona (website)yada haddii aynnu nafta haynn o oo Ilaahay innagu simo.

Qormooyinkaasi waxaynnu si milicsi ah oo guudmar ah diiradda u saari doonnaa - haddii Eeb be idmo- qodobadan soo socda:

Milicsiga taariikheed ee halganka gobolnimoraadiska ahi soo maray iyo ciddii waddey ama h orseedka ka ahayd bilowgiisii iyo waliba inta aan shakhsi ahaan u soo joogey ee aan ka mar khaati kici karo
Xilliyo uu halgankaasi shiiqay iyo sababaha keenay shiiqiddiisa
Waqtigii uu waayadii hore ugu firfircoonaa halgankaasi iyo wixii dhaliyey
Garnaqsiga ah, maxay reer Gabiley ugu sufiyoobeen - gudo iyo dibadba - gobolnimoraadiska
Talo ku socota hay'adaha dawladnimo ee Somaliland oo ku saabsan qadiyaddan gobolnimada ee Gabiley
Maxay reer Gabiley ku fulayaan gobolnimo dhab ah? Maxayse ka helayaan? Maxayse gobolnimo dhab ahi kala maqan tahay reer Gabiley?


Iyo talo ku socota dadweynaha gobolka Gabiley - qurbejoog iyo qolqoljoogba- iyo inta reer Somaliland ee qadiyadda gobolnimada Gabiley taageersanba.

Sidaa iyo la socod wacan - haddii Eebbe idmo.


 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com