Gabiley iyo Gu'yaal Tegey



Qaybtii shanaad:

Ahlan wa sahlan mar kale akhristayaal. qaybtan shanaad ee qormadeenan la magacbaxday, " Gabiley iyo gu'yaal Tegey"; waxaynu ku soo qaadan doonnaa- haddii Ilaahay idmo- dhammaadkii dhismaha iskuulka Cabdullaahi Suldaan ( Timacadde) iyo odayaashii magaalada oo dawladda ku qaaday halgan aan loo kala hadhin. Halgankaasi oo ahaa, in iskuulka la furo isla sanadkaa uu dhammaaday; laguna furo ardaydii dugsiyada dhexe ee degmada ka baxay sanad-dugsiyeedkii 1975-76kii.
Ardayda iskuulka lagu furayaa, waxay xilligaa bilaabeen fasalka koowaad (form one) ee dugsiyada sare ee Cammuud, 1st Juulaay iyo iskuullo kale oo dalka ku yaalley. Waxa haddaba yaab ahayd, in ay odayaashii reer Gabiley oo aan u kala hadhin arrintaa soo celinta ardayda degmada sanadka ka gashay dugsiyada aynnu korka soo sheegnay; ay ku doodeen oo ay dawladdii marsiiyeen:

in iskuulka la furo sanadkaaba
in ay dawladdu keento macallimiin iyo qalabba
iyo in la soo bedelo ( transfer) dhammaanba ardaydii reer Gabiley ee sanadkaa galay dugsiyada sare! yaabka yaabkii iyo lama arag!! Ilaahay intooda dhimatay ha naxariisto, inta noola Ilaahay caafimaad iyo cimri dheer ha siiyee halgankaa way ku guuleysteen.

Haddaba, iskuulkii la magacbaxay Timacadde waxa la furay oo lagu furay ardaydaa reer Gabiley ee iskuulada kale laga soo celiyey; sanadkii 1976kii isaga oo ahaa hooy ( boarding school).
Waxa lagu furay koox arday ah - waliba wiilal ah- oo tiro yar! Waxanse odhan karnaa, waxay ahaayeen horseed fiican oo naftood hurayaal ah.
Waayo, waxay ogolaadeen; in ay aqbalaan iskuul yabyab ah oo aan magac hore, macallimiin, buugaag iyo wax loogu soo hiloobo aan midna markaa lahayn - marka laga reebo- degmadiinii ku noqda!

Waxan halyey-yadaa hibo uga dhigayaa, in aan halkan magacyadoodii ku soo taxo - inta aan xasuusto. Waxanse ka cudurdaaranyaa, in liiskani yahay mid ku salaysan xasuustayda oo kali ah ee aanan haysan haba yaratee wax raadraac ah. Waxa kale oo dhici karta, in aan muddada dheer ee aannu ismoogeyn awgeed; illoobo qaarkood. Haddii aanay ragga qaarkood raalli ka ahayn magacyadooda la qorayn- xaal ha qaateen!

Raggaa iskuulku lagu furay waxa ka mid ahaa:



1-Maxamed Cali Muxumed ( Boqorre)
2-Siciid Muxumed Maax
3-Cali Aadan Qalinle
4-Muuse Aadan Qalinle
5-C/raxmaan Sheekh Ismaaciil
6-Rashiid Cumar Sheekh
7-C/llaahi Ismaaciil Muraase
8-Cusmaan Xaaji
9-Saaxiibkay Ciidle
10-Ciise Ducaale Buuni
11-Axmed Maax Xasan
12-Maxamuud Xaaji Cabdi Caamir


Intoodii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, inta noolna Ilaahay cimri dheer iyo cibaado san Alle ha ku nooleeyo. Aamiin Allahayoow! Waanan salaamayaa saaxiibaday meel kasta oo ay dunida ka joogaanba!

Waa innoo sidaa iyo qaybo kale oo xiiso leh- haddii Alle idmo.

Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com