Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 



Qaybtii siddeedaad:

Kulanti wacan walaalayaal, waa mar kale iyo taxanaheennii la magacbaxay; " Gabiley iyo gu'yaal tegey".
Qaybtan waxaynu kaga hadli doonnaa - haddii Eebbe idmo- dhawr qodob oo ay ka mid yihiin:

hor-u-markii uu iskuulkii Timacadde sameeyey intii u dhaxaysay sanadihii 1976 kii illaa 1980kii oo dhinacyo badan lahaa. Sida: korodhka ardayda - gaar ahaanna gabdhaha
Arday badan oo degaanka labadii degmo ee Gabiley iyo Boorama ka baxsan oo iskuulkii soo galay
Iyo dhalanrogan ama isbedel hooynimada iskuulka saamayn weyn ku yeeshay oo dheeynimo ah (as a day School).


Haddii aynu ku horrayno dhinaca hor-u-marka ee iskuulku sameeyey muddada aynu korka ku soo xusnay, waxa la odhan karaa; wuxu sameeyey hor-u-mar dhinacyo badan leh. Waxana la tilmaami karaa oo talaabooyin waaweyn ahaa, dhismayaal lagu soo kordhiyey oo loogu talogalay; in lagu barto farsamada gacanta, xidhiidho booqasho (visits) oo ay iskuulka ku yimaadeen dhawr jeer labada iskuul ee sheekh Bashiir ( Burco) iyo dugsigii sare ee Sheekh. Iyo ardayda Timacadde oo iyaguna bishii Feebarwari 1980kii booqasho qaadatay lix maalmood ku soo maray labadaa iskuul ee aynu korka ku magacoownay.
Booqashooyinkaa waxa ibafurkood lahaa oo aannu abaalweyn ugu haynnaa, iskuulka Sheekh Bashiir ee Burco oo na soo booqday markii ugu horraysey 1979kii!

Dhinaca ardayda iyo qaabdhismoodkoodii waxa ku dhacay isbedel weyn. Labadii kooxood ugu horreeyey ee iskuul soo galay, waxay ahaayeen arday ka timid labadii degmo ee Gabiley iyo Boorama- inkasta oo ay markii dambe badhxeen arday soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala duduwani.
Ardayda markii dambe Timacadde soo gashay, waxay ka koobnaayeen baa la odhan karaa saddex qaybood oo kala ahaa: kuwo ka yimid labadii degmo ee caadiga ahaa, kuwo ka yimid gobolada kale oo is reer bariyaysan jirey iyo kuwo ka soo jabay Kililka shanaad dagaalkii 1977kii -kuwaasi oo iskuulka ku dhigan jirey samofal (welfare).

Haddii aynu jaleecno dhinaca hooynimadii iskuulka iyo isbedelka ku dhacay, waa tii aynu ku soo sheegnay qaybtii toddobaad; in arday ardayda reer Gabiley ka mid ahi dheey (day) ku dhigtay iskuulka- bilowgii 1977kii. Haddaba intii dhacdadaasi ka dambeysey, ardaydii u dhalatay magaalada Gabiley gudaheedu waxay xaqiiqsadeen, in iskuulka dheeynimo (day) lagu dhigan karo! Maalintaa kadibna, dhammaan ardayda magaaladu -in yar mooyaane-waxay iskuulka iman jirey subaxii, waanay ka rawixi jireen!!

Waxa iyana guul lama iloobaana ahayd, tirada gabdhaha iskuulka dhigta oo sanad walba kordhi jirtey!
Waxaynu odhan karnaa, soo badashadaa gabdhuhu waxay ahayd; riyadii odayaasha reer Gabiley oo Ilaahay u rumeeyey!! Alxamdu lilaahi...

La soco qaybaha kale ee qormada oo aynu diirada saari doonno - haddii Ilaahay idmo- dhacdooyin kale oo xiiso iyo xasuusba mudan.

Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@Hotmail.com