Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 



Qaybtii Kow iyo tobnaad:

Akhristayaal, intiinii taxanahani la socotey, haddaan dib u xasuusiyo halkii aynu mareyney iyo qaybtii tobnaad halkii ay innoogu joogtey; waxaynu soconey, aniga iyo carruurtaydii oo ka tallowney dooxii.
Su'aasha aynu isweydiiney waxay ahayd,
ka tallowney dooxii ee dabadeed maxaa dhacay?
Haddaba, haddii aan isku dayo in aan si waafi ah uga jawaab su'aashaasi; waxa dhacay wax filashadaydii ka weyn!
Horaba waan u maqlay waanan daawaday, in iskuulkii Timacadde la gurtay -xilligii dagaalada- oo aanay waxba ka taagnayn. Waxase aan u haystey, in gurashadu ku kooban tahay dhismihii cusbaa ee aynu ka soo sheekaynay taariikhdiisa ee la dhisay 1970 naadkii.
Waxanan marnaba meesha soo dhigan, iskuulkii Qalax ee la dhisay 1950 naadkii ee in la ogyahay le'ekaa ayaan midh ka taagnayn!!
Haddaba, intaanaan soo gaadhin, halkii uu iskuulku ahaan jirey, ayaannu weyney haba yaraatee wax dhaqdhaqaaq nololeed ah. Aniga oo yaabban oo dhawr jeer shaydaanka iska naaray, ayaan soo duljoogsadey sibidhkii dhulka ee iskuulkii Timacadde! Inta aan indhaha marmartay oo aan is diidsiiyey waxan aan arkayo ayaan hareeraha eegay. Ma riyaa ma run baa?

Waxan eegay dhinicii guryihii macallimiinta, ha soo sheegin! Galbeed iyo waxan eegay, guryihii ardayda iyo madbakhii. Iyaguna waa galgalin! Illayn geed la cuskadaana!
Markay halkaa marayso; ayaan ardaydii, macallimiintii iyo shaqaalihiiba aan midmid u soo qocday. Sidii wax la rogey oo aanu ruux ka hadhin ayay ila noqdeen.
Waxan dabadeed ku war helay, gadhkaygii oo ilmadu qoysey!
Inta aan ilmadii degdeg iskaga tiray, ayaan carruurtii eegay oo aan is idhi, malaha way ku arkayeen?
Waxa la yidhi, " Muruqa laba suulle, ninba si la ah." Waxan arkay, yaryarkii oo inta ay gurteen jaygii sibidhka ku daadsanaa; geedaha ku tuurtuuraya!
Kama qasnayn yaryarka oo horaa loo yidhi," Geeriyi nin aan la garaneyn iyo geeljire ayay ku wacan tahay!" Iyagu ciyaar ayayba ka heleen.
Intaa kadibna, inta aan ilmadii si fiican iskaga biiyey, ayaan carruurtii ku idhi, " Waar inna keena". Waxannu dabadeed u dhaqaaqnay, dhinaca Galbeed oo uu ka muuqday dhismo na fogaa oo aan is idhi; malaha waa iskuulkii cusbaa ee la dhisay.

Waxa la yidhi, nin soomaaliyeed oo indho la'aa ayaa maalin maalmaha ka mid ah la fadhiisiyey, dundumo hadhkeed. Markaasuu dareemay, in meeshan la fadhiisiyey aanu ahayn geed hadhkiisa ee uu yahay hadh ka duwan. Markaasu taataabtay meeshii. Wuxu dareemay, in uu waxani yahay wax adag oo ciidi ka daadanayso. Ninkii hagayey ee hadhka fadhiisiyey ayuu la hadlay oo wuxu ku yidhi, " Waar waxani waa maxay?" Ninkii baa ugu jawaabey, waa dundumo. Indhoolihii ayaa ninkii ku yidhi, "Oo dundumada ayaa dhisay?" Ninkii baa u celiyey," Aboorka ayaa habeenkii candhuuftiisa ku dhisa".
Ninkii indhaha la'aa ayaa dabadeed yidhi, hal-ku-dheggan taariikhda galay ee ah; " Hal waa yaab, halla waa yaabka yaabkii, hal kalana waa amakaag! Wuxu yidhi," Hal waa yaaboo, dundumada intaa le'eg ayuu aboor sameeyey waa yaab! Halna waa yaabka yaabkii oo habeen buu sameeyey waa yaabka yaabkii! Hal kalana waa amakaag oo candhuuftiisuu ka sameeyeyna waa amakaag iyo lama arag!!!"
Waxan taasi uga socdaa , labadii iskuul ee la dhisayey illaa 1950 naadkii ayaan midh ka taagneyni; waa yaab! Midna waa amakaag iyo anfariiroo, madfac iyo miino midna looma adeegsane; gacan Bani Aadam ayaa sidaa u gashay; ayaan illaa maanta liqi laayahay!!!

Qiiradii Jabbaankiyo
ninka qosol haystoow
Qalbigaygu kama lado
Qalax baa la xaabsaday
oo qurub aanu taagneyn!

Inkastooy qarracankii
ilmadaydu qubatana
weli waan qab weynahay
oo qoortaydu may jabin
Qadarkii Ilaahiyo
Haddii Qaadir igu simo
Dhisme loo qushuucaan
ka qotomi is leeyahay!

La soco gabagabada iyo gunaanadka oo aynu dardaaran iyo duco ku kala tegi doonno!

Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com