Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 


Qaybtii Tobnaad:

Gabiley iyo gu'yaal tegey
waxan uga golleeyahay
gumaadkii dadkeenniyo
gulufkii na soo maray
inaan geliyo taariikh
Iskuulada ninkii guray
ee gacantiisa ula tegey
inuu galay gef weynoo
abidkii gaboobeyn!

Waxay taariikhdu ahayd 27kii Juulaay 2006 dii markii aan ka soo degey gegida diyaaradaha ee Cigaal ( Egal airport) ee Hargeysa, Somaliland- aniga oo muddo 22 sanadooda dalka ka maqnaa.Waxa ila socdey oo socdaalka igu weheliyey, laba ka mid ah carruur aan qurbaha ku dhalay.
Ujeeddada aan carruurta u kaxaystayna waxay ahayd, soo tus dadkoodii iyo dalkoodii.
Isla maalintiiba waxannu u gudubney, dhulkii aan garanayey iyo Gabiley.

Inkastood gabowdoo
gebax yidhi jidhkaagii

Geyigaad taqaaneed
Geedkiisa fuushaa
uurkaaga kama go'o
Ido gorod madowiyo
halkaad geel ku raacdaa
Uurkaaga kama go'o
Goobtii tacliintee
Garashada aqoontiyo
garaad kuu horseedaa
Uurkaaga kama go'o
Ee goobtaan aqaanneen
Garowda quutiyo
Gabiley ma joogaa!

Dhawr maalmood markii aannu magaalada joogney ayaan go'aansaday, in aan yaryarka soo tuso halkii aan waayo ku caweyn jirey iyo iskuulkii Timacadde! Salaaddii hore ee subaxnimo oo khamiis ahayd, ayaannu lug kaga baxnay magaalada- annaga oo u socona dhinacii iskuulka oo magaalada waqooyi kaga beegan.
Cabbaar haddii aannu soconey oo aanu meeldhexe marayno, ayuu gaadhi naga hor yimid- waanu na agjoogsadey. Salaan kadib, ayuu dirawalkii na weydiiyey xagga aannu ku soconno? waxan u sheegay, in aannu ku soconno iskuulka Timacadde.
Intaasi markii aannu is dhaafsanay dirawalka, ayuu noo raaciyey; in uu subax walba isagu macallimiinta iskuulka qaado oo uu haatan macallimiintii soo dhigay- wuxuna raaciyey, " soo fuula aan idin sii dhaweeyee."
Halkii buu naga soo qaaday, wuxuna na dhigay; dooxa qarkiisii. Intaasi wuxu noo raaciyey, " macallimiintaba halkan ayaan dhigaa oo gaadhigu dooxa kama talaabi karo ee raalli ahaada". Markaannu erayo mahadnaq u badnaa isdhaafsannay kadib, gaadhigii wuu naga soo noqday.
Dhulku wuxu ahaa sanadkaa barwaaqo. Waxannu ka tallownay dooxii oo biyuhu galalka jiifaan oo gobkii baxay. Weliba, geraarka gobyahandooraha iyo laamaha dabayshu waddo mooyiye, ma jirin shimbir jiiq lihi!!

Dareenadii I gudhay baa
Dambar uu ku joogsadey
Dib waxaan u soo rogey
Bogag duug ahaayoo
Dibadaha ku daaliyo
Dubaaqii qarsoon!

Ka tallownay dooxii, dabadeed maxaa dhacay?

La soco qaybaha dambe ee qormadan iyo wixii aannu la kulanay oo aynnu ka bogan doonno- idam Allah!
Wa bilaahi At-towfiiq
C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com