Gabilay oo uu Mudaharaad ka socdo iyo Booliiska oo xabsiga dhigay
Kow iyo Toban Xildhibaan
Gabilay (TNN)-Magaaladda Gabilay waxa ka socda kacdoon ka dhashay 11
xildhibaan oo Golaha Deegaanka ah oo saaka xabsiga la dhigay kadib
markii ay saaka isku dayeen inay qabsadaan fadhi ay doonayeen inay
ku doortaan Maayar.
Xildhibaanada la xidhay waxay kala yihiin:-
Xildhibaan Muxumed Geelle Seed
Maxamed Muxumed Nuur Land-rover
Maxamed Siciid Cige Toyota
Muxumed Xasan Meecaad
Aadan Muxumed Badde
Maxamed Axmed Qaalib Samir
Maxamed Cumar Warsame
Maxamed Ibraahim X Maxamed
C/raxmaan Ibraahim Faarax
Maxamed Cabaas Jaamac
Xuseen Maxamed Jameeco.
Xildhibaan Maxamed Muxumed Nuur Land-rover oo aanu khadka Telefoonka
kula xidhiidh nay ayaa Waaheen u xaqaiijiyay xadhigooda “ waxaanu ku
xidhanahay 11 Xildhibaan wa xa isku weer naga qabtay Ciidan Booliis
ah anagoo ku guda jirna fadhi aanu ku dooranay nay Maayar. Sidaad la
socotaanba waxa dhawaan is casilay maayarkii hore, markaa Wa siirka
Arrimaha Gudaha iyo Xukuumadda ayaanu ka codsanay fadhigan Wasiirka
ayaa na gu yidhi Badhasaabka Gobolka ayaan warqad idiinku soo
dhiibayaa waxba markuu u soo dhiibi waayay ayaanu maanta xafiiska
fadhiisanay.
Anagoo hawshii wadna ayay Booliiska ka soo dareera na yidhaahdeen
markaa dagaal baa dhacay Booliiska gacanbaa na dhex martay kolay
khasaare wuu na kala gaadhay inta uu leegyahay’se ma ogi.
Rabshadaana ka socda Saldhiga hortiisa intaan ogahay” ayuu yidhi
Xildhibaan Land-rover
Rabshadahan ayaa ka dhashay ismaandhaaf u dhaxeeya Golaha Deegaanka
iyo xukuuma dda Dhexe kaasoo soo taxnaa in muddo ah isla markaana
salka ku hayay Eedo ay xukuu maddu maayarkii hore u jeedisay kaasoo
ay go’aan ka soo saari kari weyday wixii ay ku Eedaysay, waxaanay
Xildhibaanadu ku doodayeen in fadhi loo qabto si ay maayar cusub u
doortaan.
Mudada uu khilaafkaasi soo jiitamayay waxa si ku meel gaadh ah xilka
maayarnimo u sii h aysay Maayar ku-xigeenka Golaha Deegaanka Khadr X
Gaydh, taasoo intii ay xilka haysa yba ay hortaalay xaalad adagi
source:waaheen
|