Gabay Baroor Diiq Ah

 

 


Tix baroor diiq ah oo aan u tiryay AHUN Yussuf Warsame Sa'ed oo ahaa Mayorkii caasimadda ee dhowaan u Ilaahay oofsaday.

 

 

 


EEBOW YUUSUF MAGANTAA

ajashaba mar buu yurdaha
yeelku idlaadaaye
baajin waa yaasinkuna naftii
malag u yeedhaaye
geeridu yac weeyaan illeyn
yurid la'aaneede
yuusuf mowdka helay baan
yarxam leeyahaye
Eebow yalaalugaa naftii
igu yahoontaaye

*****

yaahuudan maqlay buu wadnuhu
yawda gurayaaye
ha yeesho eh xaq weeyaan
qaddarka yaallaaye
yaqiinka Eebahay iyo ninkii
yaminka garanaaya
ka yaayuuli maaye ducaduun buu
ugu yaboohaaye

*****

nolol adduunyo kii yu'anayow
yallam baa xigye
yowm baa jira qaddarku uu
yug ku soo odhonne
Eebow yuhuunta adigaan
nagu yakoomayne
Yasic oo u nuur qabriga
yasir su'aashiisa

*****

Eebow yiciistaadaannu nahay
yar iyo weynkiiye
Eebow yoomal qiyaamaha
yuusuf magantaaye
yabaarag oo halyayga baxay
ka yeel mid liibaanay
Eebow yoolkii uu lahaa
mid aan yaraynin
Eebow dalka mid noo yabyaba
yacwilka noo doori

 

 

Ali Mohamoud Noor Ali Eid