Gabagabadii diiwaangalinta codbixiyayaasha: Wadaninamada shacbiga, tijaabada gudida doorashooyinka iyo wadashaqeynta xisbiyada

 

 

Sida aan la wadda socono waxa  goboladda Somaliland oo dhan ka qabsoomay diiwaangalintii codbixiyaasha. Markaa waxaan hambalyo u dirayaa ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sida habsamida ah ee ay ku soo dhamaatey diiwaangalintu.

Amaan waxa mudan shacabweynaha reer Somaliland ee gudaha ku sugan, sida xamaasadda iyo qiiradda waddaninimo ku dheehantahay ee ay ugu soo baxeen diwaangalinta, iyaga oo hantiyey kaadhkii dhalashadda iyo kii codeynta. Diwaangalintaa oo ka bilaabantay gobolka Saaxil 14/10/2008, ayaa ku dhamaatay gobolka Sool 07/01/2009. Sida aan la socono muddo bil ah ayey diwaangalinu hakad gashey , taasoo ku timid markii qaraxyaddii fulaynimada ahaa lagula kacay caasimadda/ Hargeysa. Cadawga soo mareegay qaraxyadaasi wuxuu is lahaa carqaladeeya nabadda Somaliland ka jirta iyo diwaangalinta oo iyana ka mid ah jidkii loo marayey maamul wanaaga. Haddaan si kale u dhigno waa dad ka xun horumarka ay Somaliland hiigsaneyso. Ummadda Somaliland way ka jawaabtay dhacdadaas, iyaga oo yidhi; Somaliland go’aan bay qaadatay, masiirkeedana cid ka leexin- kartaa  ma jirto.

Barnaamijkan diwaangalinta  oo loo isticmaaley hab-casriya oo kombiyuutaraysidh ah, kaasoo laga isticmaalo waddamadda horu- marey oo kaliya. Taasoo dadka qaarkii is weydiinayeen sidii barnaamijkaa loogu suurto-galinlahaa Somaliland. Taasi maata way cadaatay; iyadda oo xaga alleh ka qorneyd ayey Somaliland suurto-galisey inay barnaamijkaasi fuliso.

Iyada oo jid dheer loo soo maray barnaamijkan codbixiyayaasha doorashooyinka, taasoo ay ka gaybqaateen hay,addo kale duwan oo ay khusayso (stock holders) sida dawladda, guddida doorashooyinka, xisbiyada mucaaridka iyo deeqbixiyayaasha ayaa bal waxaan jecleystay inaan dib u yar eego gudidadoorashooyinka iyo arimihii ay soo dhex jibaaxeen si loo hirgaliyo barnaamijkaas.

Marka hore sida aan la wadda soconay muddo dheer ayey qaadatay in la soo dhiso giddan doorashooyinka qaranku. Hadana khilaafaad ayaa bilawgiiba soo kala dhexgaley taasoo adkaysay wadashaqeyntoodii. Muddo dabadeed gudoomiyihii ugu horeyey ee guddida doorashooyinka ayaa jagadaa gudoomiyanimada baneeyey, isaga oo ku sababeeyey inuu safar muddo ka qaadanaya uu u baxayo, aanu jecleystay inaanu waqti ka lumin hay,adaas una beneeyo qof kale si hawsha u socoto. Halkaa markay arrintu maraysay Guddidu waxay iska dhex doorteen Gudoomiye. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa haddana waxa soo ifbaxay khilaafaad u dhexeeya Gudoomiye ku xigeenkii iyo guddida inteedee kale. Tana waxay iyana noqotay caqabad kale oo adkeysay inay gudidu hawl-maalmeedkooduu qoban kari waayaan. Aakhirkiina waxay guddidu xilka ka qaadeen gudoomiye ku xigeenkii, taasoo keentay inoo isna is casilo.

Arimaha kale ee jiray waxa iyana ka mid ahaa kala jiidashadda ay xisbiyada dalku kala jiidanayeen xubnaha guddida, taasoo iyana mararka qaarkood xanibaysay ama carqaladeynaysay waxqabadkooda.

Waxyaalahaas oo dhan marka la isku daro ayaa waxay dad badani shaki ka muujiyeen guddidan doorashooyinka qaranku, siday u maarayn/ maamulo karaan hawlaha culus ee horyaala/y (Diwaangalinta iyo Doorashooyinka).

Haddaba waxaa soo baxay inay tijaabadii hore ku guukleysteen. Waxaanay muujeen hawlkarnimo iyo waxqabad muuqda. Waxaan odhan karaa arimahaas dusha ku xusan ee ay soo dhexjibaaxeen waxay dhaxalsiisay inay noqdaan dad xalin kara khilaafaadka wada shaqeyn karana.

Haddaba inkastoo hawshan dhamaatey ee diwaangalintu qudheedu aanay mid fudud ahayn, ayaa haddana waxa inagu soo food leh  doorashooyinkii madaxtinimada, taasoo loo mudeeyey 29ka Maarso 2009 “Haddii alleh idmo”.

Haddaba waxaan ku dhiirigalinayaa guddida doorashooyinka qaranka inay mar labaad guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay ku dadaalaan in dalka doorasho xor ah oo xalaal ihi ka dhacdo. Si taas loo helo waxaan leeyahay guddidu waa inay shaqadooda u madax banaanaadaan oo ay iska ilaaliyaan in xisbiga dawladda iyo kuwa mucaaridkuba ay saameyn ku yeeshaan. Wixii talo-wanaag ah ee la isla waafaqo waa la kala qaadan karaa, laakiin waxaan leeyahay markasta eega,raaca oo tixgaliyana distoorka dalka isaga ayaa idin hagiye. Waayo distoorka waxaan u sameysanay inaan ku dhaqano oo lagu fuliyo hawlaha waddanka.

Xagga xisbiyadda ku tartamaya madaxtinimadda waxaan leeyahay sidan aad waqtigan diwaangalinta doorashooyinku socdeen u wada shaqeyseen ee aad xoog ugu qeybqaadateen inay hirgasho, ayaa waxaa la idinka rajeynayaa inaad u hawl gashaan sidii doorasho wanaagsan oo ummadda Somaliland qancisa u dhici lahayd.

 

SOMALILAND DAL YOOLKIISA HIIGSANAYA DHEH

 

 

 


Engineer: Cabdisamed Nuux Cute  
 
Leicester United Kingdom