Gaadhigii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo Dayn Qaad Loola Wareegay

 


Fadeexaddii 2aad oo doorashadii kadib la soo daristay Xoghayaha UDUB


Hargeysa (TNN)- Gaadhigii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa nin shacab ah ula wareegay dayn qaad xad-dhaaf ah oo uu ka macmiishay muddadii xisbigiisu talada dalka gacanta ku hayey.

Gaadhiga Xoghayaha Guud ee UDUB oo noociisu yahay Landcrusser, lambarkiisuna yahay SL. 30188, ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa mulkiyaddiisa si rasmi ah ula  war eegay oo haatan gacanta ku haya nin shacab ah oo ka ganacsada qaadka oo sida ilahaasi  cadd eeyeen ku yeeshay dayn dhan $10 kun oo doollarka Maraykanka oo uu muddo dheer kaga  macm iishay qaad uu si joogto ah u bixin jiray xilliyadii uu socday ololihii doorashada Madaxtooyada ee xisbigiisa lagaga adkaaday.

fadeexaddan ayaa noqonaysa tii labaad ee soo foodsaarta Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka  qabso ontay 26kii bishii June ee la soo dhaafay, sidoo kalena waxa maxkamadda kaga socota dacwad labaad oo la xidhiidha dayn xad-dhaaf ah oo uu galay bilihii ugu dambeeyey ee xisbigiisu ganacta ku hayey hoggaaminta dalka Somaliland.

Daynta kale ee xoghayaha UDUB lagu leeyahay oo sida uu qirtay gaadhaysa $35,727 doollar, ay aa markii xisbiga UDUB bixin waayey, waxa xoghayaha UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax  dabaya aqadii bishii Augost 2010 looga yeedhay maxkamadda, basle sida uu ku sheegay waraysi uu  xilli gaas siiyey wargeyska madaxa bannaan Ogaal, ma uu tagin maxkamadda, kadib markii  dacwadd iisa ku tilmaamay mid siyaasadaysan.



Source: Jamhuuriya Online