Furista Xisbiyo badan looma baahna xilligan ,laakiin Dowlada ayaa dano gaar ah ka leh !!

 



Runtu waxay tahay Somaliland,ma awoodo,tamarna uma hayso furista Xisbiyada badan xilligan ee dano yar yar oo gaar ahi yaanay inaga duminina wixii aynu ku soo tabacnay mudada dheer”.



Marar badan ayaan ka hadlay dhibaatada ka dhalan karta haddii wadanka dib looga furo tartanka Xi sbiyada badan.waxaa wax lala yaabo ah hadal dhowaan ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland kaas oo lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka soo talo bixisa furitaanka Xisbiya Siyaasadeed,waxaa ka sii fool xumayd sida loo qaybiyey,meelaha laga soo kala xulayo oo waxaa ka mid noqonaya laba qof oo ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada,runtii waa wax laga xishoodo in shaqaalihii Madaxtooyadu ay la miisaan noqdaan 3 Xisbi Qaran ee hadda jira.


Marar badan ayaan soo gudbiyey sababaha aan u cuskanayo in aan xilligan wadankeenu qaadi  Karin, awoodna u lahayn in dib loo furo tartanka Xisbiyada badan,waxaa ka mid ah sababahaas:-


1. Waxaan hubaa in xaalada xilligan lagu jiro guud ahaan dunida ,gaar ahaana Geeska Afrika aanay  m unaasib ahayn in aynu khalkhal gelino Siyaasada wadanka,cid kasta oo ku talisa in Xisbiyada la  furaa na,waxay ka talinayaan burburka Somaliland,waxayna u adeegayaan dano shisheeye.


2. Weli diyaar ma aha guud ahaan shuruucdii lagu kala saari lahaa Xisbiyadaa badan,runtiina waxaa loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Qaranka,gaar ahaan qodobada ka hadlayaa Xisbiyada Siyaasada,si aynu uga badbaadno muran Siyaasadeed.


3. Dowlada waxaa xilligan u yaala howlo badan oo muhiim ah ,sida daminta colaadaha,xalinta  Mudah ar aadada joogtada ah,soo qabashada cida Guryaha maalin kasta gubta,gurmadka Abaaraha iyo biyo la,aanta,laakiin muhiim ma aha in lagu mashquulo furista Xisbiyo badan.


4. Haddii Somaliland laga furo Xisbiyo badan,waxaa loo kala bixi doonaa,BEELO,waxaa iman doonta  Qa byaalad xoog badan, Siyaasadeysan,kana fool xun tan maanta jirta,waxaan hubaa in lagu dhawaaqi doono DOWLAD GOBOLEEDYO Somaliland dhexdeeda.


5. Waxaa jira dhibaato dhaqaale,Abaaro,Sixir barar dhaqaale ,Mushahar la,aan shaqaalihii  Dowlada, Mudaharaadyo cabasho,markaa waxaa ila haboon in aynu dib u yara dhigano furista Xisbiyada oo aynu dhibaatadaa xalino,marka hore.


6. Waxaa dhici karta in ay timaado fara gelin xoog badan, waxaa iman doona AFKAAR kala duwan,oo laga yaabo in ay ku soo dhex dhuuntaan,ururo xag jir ah oo badan ,in mudo ahna raadinayey daaqad ay maruun ka soo galaan arimaha Siyaasada Somaliland. .


7. Waxaa joogsanay koritaanka,horumarka Xisbiyada,,waxaa iman doonta in marba qaar cusubi yim aadaan,kuwii hore meesha ka baxaan,sheekaduna noqo halkii uun taagnoow.


8. Waxaa imanaysa in Siyaasad uun lagu mashquulsanaado, dad badanina ka jeestaan dhinaca  horu marka,Dowlado iyo shaqsiyaad dalka maalgashan lahaa dib u joogsadaan iyagoo ka baqaya muran  Si yaasadeed ,ka dibna waxaa wax weyne iska bedeli karaan kobcinta horumarka guud ee dalka.

9. Waxaa dhici kara isu dhac Siyaasadeed oo horseedi kara maamul Goboleedyo, dagaalo sokeeye iyo dhibaatooyin aan wadanku qaadi karin

Hadal iyo dhamaan waan hubaa in cid kasta oo maanta doonaysa in dib loo furo habka Xisbiyada  bad an ,in aanay hoos u eegiin xaaladaha kala duwan ee maanta ka jira guud ahaan geeska Afrika,gaar ahaanna Somaliland.Waxaa haboon in loo tudho dalka iyo dadkaba oo xilligan la kacaa kufaya ABAAR sababtay BAAD IYO BIYO LA,AAN.



F.G: la soco qaybta dambe oo aan ku eegi doono,danaha Dowladu ka leedahay furista Xisbiyada  bad an xilligan iyo weliba Dowlad Goboleedyo la filayo in laga dhawaaqo qaybo ka mid ah Somaliland dhowaan.

Mahadsanidin
 


 

 


 

 

Abdi M.Saleiman (Mingiste)
Political Analyst
abdi_saleiman@hotmail.com