Furashada ururada-dhaarta siyaasiyiinta iyo dawlada jirta iyo taageeradeeda[waxa qaadaa dhigaya siciid cabdi dheen]

 



Diiwaan-galinta ururada dalka oo hada laga bilaabay dalka maanta loona dhaariyay xubnihii diiwaan galin lahaa kitaabka quraanka kariimkana gacanta loo saaray[waloow dhaartu aanay qaban siyaasi yiinta oo ay iska dhaaartaan waxay doonaana iska dhex dabaashaan]


DHaarta siyaasigu maaha mid inagu cusub waayo waad ogtahay in masuul kasta oo dalka xil u qabta la dhaariyo
ka hor inta aanu shaqadiisa qaban.
1-DHmaaan madaxwaynayaasha dalka soo maray
2-wasiirada
3-maayarada
4-gudoomiyayaasha wasaaradaha
ilaa xubnaha hoose ee dawlada u haya xilalka mid kasta waa la dhaariyaa kitaabkana gacanta wuu saaraa
hadana MUSUQMAASUQ - dhac - boobka hantida dawlada iyo ta dadwaynuhu waa shay iska caadiya
akhristoow raga siyaasiyiintu waakuwaa intay sadex magac ilaahay maraan oo ku dhawaaqaan[WALAAHI ].
hadana waxay doonaana cuna waxay doonaana qafkay doonaan siiya.[walciyaadu bilaaah].

Waxaad arkaysaa nin masuula oo xisbi ku jiray xilna u hayay oo hadana mudo ka bacdi ka baxa
isla maalinka uu ka baxana wuxuu yidhaa xisbigaan ku jiray wuxuu ahaa sidaa. waxaanu ku socday wa
wado qaldan waxaanu ku takri falay xuquuqdii umada.
waxase fiicnayd in masuulkaa la wadiiyo oo intii xisbiga aad ku jirtay waxaas oo qalada dalka ka waday
adiguna aad la waday miyaan adiga masuuliyadi kaa saarnayn umada iyo dalka maxay dhaartii aad martay
kuu qaban wayday laba sano ka hor ee aad hada markaad xisbigii kasoo baxday la hadaaqaysaa.

Tan diiwaan galinta ururada qaranka waxa haboonayd inay yeelato shuruudo hordhaca inta aan la diiwaan galin
hadii kale oo xaalku yahay sawka hebelba furay ma hebelbaan ka liitaa markaa arinku waa is dhexyaac
ugu horayn xisbi furashada waxa haboon in la qadariyo qodobadan
1. ururku inuu cadeeyo mawqifkiisa soomaliland
2. ururku waa inuu yahay mid aduun iyo dhaqaale haysta[ hadii kale hantida dadwaynaha ayuunbay sidii kuwii hore u socdan]
3. furashada xisbiga ugu yaraan waa in lagu xidhaa hanti aan ka yaran 100 kun dolar[ oo qasnada dawlada lagu shubo]
4. raga xisbiga furanayaa waa inay ahaadaan rag aan dawladii hore ee siyaad bare lasoo shaqayn[ jiilka cusb waqti lasiiyo]
qodobkan afraaad sababta aan u leeyahay rag aan lasoo shaqayn siyaad bare dabcan ilaa imika waxa ina hortaagan waa
askar saraakiila iyo tiro yar oon askar aan ahayn ahaana siyaasiyiin oo nidaamkii kacaanka lasoo shaqeeyay runtiina dhib badan
waa laga arkay nimankaa odayaasha ah.
inkasta oo somaliland dhibka ragaasi baday uu ka yar yahay sida ka wadanka jaarkeena ee soomaliya hadana waxa ila saxsan in laga
gudbo halyayadii kacaankii siyaad bare la soo halgamay. jiilka cusubna waqti lasiiyo ayaguna raga ka riixdaan meesha si habsamiya

5. sharciga somaliland ee qoran ma ayidsan yihiin dhamaantiiba mise waxay ay diidan yihiinbaa jira[ ma qabo nin kamida oo xataa akhriyay
ama arkayba sharciga iyo dastuurka qoran ee soomaliland]!!!!!!!!

Waxa jira qodobo badan oon u baahnayn in aynu wada diiwaan galino ama halkan kusoo qorno dadka badankiisu ila fahmi karo
waxaanse ka wadaa ama ujeedadu tahay ka hor intaan asxaabta la furin waxa quman in marinkeeda la maro
waayo waxa bari iman kara xisbi ayidsan in mar kale la unko soomaliwayn iyo xisbi taa ka soo horjeeda ka diban
labadiiba hadii la sharciyeeyo waxa dastuurku siinayaa in midkastaaba xaq u leeyahay inuu fikirka siyaasadiisa xor u yahay
inuu soo bandhigi karo fagaarayaasha khayriyadana iman karo.
halkaasi markaa waxay keeni kartaa khilaaf bulsho waxaana ay horseedi kartaa isku dhac laba geesood ka yimaada.

furashada asxaabta

Asalkaba furashada asxaabtu ma tahay wax baahi loo qabo?
hadiiba ay jiraan xisbiyo qaraneed oo sadexa sida;-
-xisbiga talada haya ee uu godoomiye ka yahay mujaahid muuse biixi cabdi
-xisbiga ucid eng faysal cali xuseen
-xisbiga udub ex president daahir riyaale kaahin
miyaa loo baahan yahay in waqtigan la keeno asxaab kale oo kuwuu hore badala lana yimaada siyaasad cusub
asxaab cusub oo 20 sano oo kale isfahan la,aan ka dhex socoto
asxaab cusub oo laga yaabo sida sadexdan hore inay ilaa imika isla jaanqaadi waayaan
asxaab cusub oo markale dhaqaale urursi dalka ka bilaabi sidii kuwa horeba ay yeeleen

miyaanay ahayn waar kuwan ayaaba dhargee aan iyaga ka dhursugno [ sida gafanaha anagaa ka soo gonay waa mid ka mida wasiiradii udub]
niyaaanay markaa ahayn in sadexdeenan gafane kulmiye, udub , ucid, aan iska haysano
oo aynaan maatada iyo caruurta sadex gafane oo cusub oo gaajaysan aynaan u keenin[halkaasi waxay u baahan tahay inaan doorano
gafanaha inoo wanaagsan ee dhiigeena cabaya ka aynu doorbidno]

Gabagabdii
dhamaan umada soomaliland waxa la gudboon in ay dawladooda iyo madaxwaynaha taageero buuxda siiyaan
hadba dawlada jirta waa in taageero buuxda la siiyo iyo maamulka jira xataa hadii hadii dawladu cadhooto
ama wasiiradu cadhoodaan waqtiyada aakhiru laylka waa in aan laga ficil qaadan ee waliba kalgacayl lagu salaamaa
waayo waxaanu mudane alxaag cabdikariim xuseen cabdi waraabe ka haynaa meel aan dawladi jirin waxba ma jiraan
Taa macnaheedu waxa weeye hadii dawlada dhaxe ee talada inoo haysaa burburto
waxa dhamaan burburaaya dalkii oo dhan waxa lumaysa nabadgalyadii iyo kala danbayntii waxa bilaamaya amaan-daro
ka dibna waxa arinku ku danbaynayaa dagaal colaad iyo gaajo.[walciyaadu bilaah]
sidaa daraadeed waxa ay taladau tahay in la garab istaago mudane madaxwayne alxaag axmed maxamuud siiraanyo
garab iyo gaashaana la siiyo waqti kasta iyo goor kastaba .

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London