FURASHADA ASXAABTA [WA ISUGU TIMOO ISMA OGA] SHURUUDAHA LOO BAAHAN YAHAY


 

 


ASCWW CIID MUBAARAK


Somaliland waxa ka socda qorshaha xisbi furashada waxaana lagu dhawaaqay xisbiyo badan
hase yeeshee ilaa imika ma hayno wax nooga warmay in la og yahay waxa loo abuuray xisbiyadan
ilaa imika ma hayno mana ogin qodobadan hoos ku qoran

. xisbigu ma ayidsan yahay s/land
. xisbigu ma wuxuu rabaa soomali wayn

Tusaale ahaan xisbiga israac oo uu sheegay inuu ku dhawaaqi doono axmed ismaaciil samatar oo ah muwaadin u dhashay
somaliland balse aaminsan fikirka soomaali wayn ee ay qabaan rag badan oo uu ka mid yahay
1, ismaaciil buubaa 2, cismaan kaluun 3,mohamed oomaar 4, sifir , iwm
sidee loo waafa-jinkaraa dastuurka s/land muwaadinku xaq u yeelan karaa inuu fikirkiisa u madaxbanaanaado
ma tahay fikrad shaqaynaysa oo qofku inuu diidi karo s/land at same timena uu ayidi karo mabda,a soomali wayn.
waxa kaloo jira xisbiga ssc oo aaminsan mabda,a soomaliwayn waana mid u baahan in la qadariyo oon lagu cunsuriyadaynin
hadaba dastuurka s/land miyay ku taala in qofku aamini karo fikirkuu doono haday noqoto s/land iyo haday noqoto
soomaliwayn mise dadkuunbaa la maaweelinayaaye waa fikrad furan oo marba dhinicii la doono loo adeegsado

Islaantii waxay tidhi [awoowgay cabdi qaadir jaylaaniyoow awrka noo kici] wiilkeedii ayaa yidhi hooyo ninkan
cabdiqaadir jaylaani muxuu ahaa aad u qaylinaysay waxay tidhi awrkeena ayuunbaynu hooyo ku kacsanaynay
marka kalmadaha somaliland iyo soomaaliwayn waxaad mooda in noqtay kalmad la isticmaalo marka dan gaara
la wato marka waxaad mooda in shacabka uun marba filim loo dhigaayo ayadoo awrka lagu kacsanaayo [nice one].

Xisbiyada wadajir iyo wadani ood moodo inay u sansaan eegyihiin qaar aan wax taageero ah u hayn soomaliwayn
ama aan aaminsanayn mabda,a soomali wayn siday u arkaan in somaliland ay tahay wadan dimuquraadiya muwaadinku
xaq u leeyahay inuu asagoo s/land jooga uu fikradiisa xaq u leeyahay laguna dhibsan karin.

Ma jiraan ilaa imika shuruudo kala soocaya asxaabta iyo wax iskuba dayay in la qodobeeyo
habka asxaab furashada[ xaalku waa jaantaa rogan adiguna ] waa magac uun raadso
ama aamin-sanoow s/land ama aamin-sanoow soomaali wayn kaliya waxa lagu tartamayaa waa codka
dadwaynaha waana ninkii cod bata ayuunbaa cumaamada dusha laga saarayaa[way isugu timo isma oga].

Gabagabdii

Waxa ila haboon in la is waafajiyo dastuurka iyo asxaab furashda waxaana lagama maarmaan ah in shuruudo
lagu furto xusbiga si aan hadhaw dhibaato uga iman
markaan sidaa leeyahay maaha in axmed ismaaciil samatar iyo maxamed oomaar oo dalka yimi la xidho maya taasi waa
xaaraan waa rag u dhashay dalka waanay iman karaan xaqna way u leeyihiin inay hadlaan fikirkooda iyo mabda,ooda
balse dalka ay imanayaa waa inuu asagu samaystaa xuduuudo u gaara oo dastuurkiisa waafaqsan kuwaas oo lagu tix galiyo
ugu danbayntii si kastaba giraantu ha u wareegtii waxa inaga go,an oo muhimada ugu wayni tahay qodobadan hoos ku qoran

1-- ilaalinta nabad-galyada
2-- taageerada madaxwaynaha somaliland xaaji axmed maxamuud siiraanyo
3--adoon waligaa ku fikirin inaad dagaal sokeeye laabta ka doonto
4--horumarka dalka
5-- iscaawinta iyo wada jirka
intaasi waa xuduuha lagama gudbaanka ah ee u baahan in muwaadinkastaa ixtiraamo oo qadariyo
wabilaahi tawfiiq
 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London