Free Nimco Samriye Campaign

 

 

Haddii aanu nahay ragga ku nool UK ee dumarkii guryaha ka eryeen caruurtoodiina eeri dhabanka ka noqday, merfishka qaadkana ay naftoodii kala goosteen mijin iyo laba uurbeyte oo Kenya lagu soo buufiyay iyo siyaasad fadhi-ku-dirir ah sida Ina-Ali Waraabe iyo Cirro kee ayaa xusbigiisu soo baxayaa, xilalka ay Gaboose , Ina-Warancade iyo Ismail-Faqah SNM ka soo qabteen.

 

Marka saacaddu gaadho 11.30 pm habeenkii ee Blood-Pressure iyo Macaankii nagu kaco, rag bada na merfishka gudihiisa lagu kala qabto ,waxaa na qaboojiya oo miyirkii nagu soo celisa qosalka, fad higa iyo heesaha qabow ee Nimco noo saarto, Yaa Salaam.

 

Taa waxaa noo dheer, xinaha, dirica iyo garbasaarta xariirta ah, Allaa Kariim, waayo-waayo, waxa anu xasuusannaa wakhtiyadii aanu guryahayaggii iyo dumarkayaggii la joognay ee aanu ragga rag ga ah ahayn.



Nimco shaqo-qaran ayay haysaa, Madaxweyne adiga oo mahadsan inantaa reer Somaliland il nax ariisa ku eeg oo xoriyaddii u soo celi. Waddanka UK, London iyo magaalooyinka kale oo laga daaw ado HCTV rag badan oo markii horeba maskaxda Alle siiyay yarad, Qaadka Kenyana intii sii fuuqsad ay ayaa Suicide Is-biimayn qarka u saran.



 

 

 

Ahmed J Hure
ahmedsoleman@tiscali.co.uk