fikradaha
ay somalidu wataan ee siyaasiyiinta s/landerku aanay ka
warqabin[mayorka muqdisho oo arinka daboolka ka qaaday]

Bismilaahi raxmaani raxiim
SHirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada london ayaa waxa
inooga bidhaaamay qodobo u baahan in halkooda loogu tago si
fahankoodu inoo deeqo.
had iyo goor markaad masuultahay waxay umadu cabirtaa weedhaha kasoo
baxa afkaaga
Mayerka magaalada muqdisho mr maxamed nuur tarzan oo aha mid kamida
kooxdii uu hogaaminaayay
madaxwaynaha somalia sheekh ahmed sharif ayaa mar kaliya kaga
dhawaajiyay hadal afkawayn.
waxa mayarku yidhi sida wax loo qaybsanayaa way cadahay waana 4
qaybood oo isku mida iyo nus ay heleyaan
dadka laga tirada badan yahay hadaan si kale hadalka u dhigana waxa
mayorku u jeeda qaaciidada 4.5
Qaaciidadan 4.5 oo ah mid uu cabdilaahi yuusuf abuuray waqtigii
dawladii TFG uu madaxwaynev ka ahaa
ayaa waxay u taalaa qaab aanay somalilanderka badankoodu aanay ogayn.
inkastoo aan hore ugu sheegay qoraal hore hadana markale ayaan
jecelahay inaan u bayaamiyo qaladka ku jira
qaaciidada wax qaybsiga ee 4.5.
Marka ugu horaysa waxa dulman dadka la siiyay nusqaybta ee la yidhi
waa laga tiro badan yahay
dadkaas oo ah beesha gabooyaha
waxaanay tahay hadii qaab beelo wax loo qaybsaday in 5 qurus oo isku
mida wax loo qaybsado
oo aam hal beel la odjan ha qaataan nusqayb
laakiin waxa meesha taalaa waxay tahay gabooye ma leeyahay
siyaasiyiin quruskooda dhacasan kara
waxaan qabaa inay leeyihiin waxaana haboon in maamulka soomalida
koonfur ee 4.5 wata ay iska qabtaan
Somalida koonfureed waxay aaminsan yihiin in sidan wax lagu qaybsado
.qaaciidada 4.5 in kuraasida barlamanaka lagu qaybsado.
kuraasida baarlamanka oo dhan 270 uu abuuray madaxwaynihii hire ee
soomaliya cabdulaahi yuusuf
iyo madaxwayanaha hada ee soomaliya sh shariif oo markuu awooda
dalka qabsanaayay yidhi anaguna
waa in aanu rabnaa kuraas u dhiganta kuwii hore u jiray sidaana kula
yimi 270 kursi
waqtigan xaadirka ah kuraasida baarlamanku waaa 540 sida loo
qaybsanayaaana waa sidan hoos ku qoran
1,hawiye 120
2, daarood 120
3,raxanwayn 120
4,dir 120 dir waxay reer koonfureedku ugu yeedhaan[dad koonfur degan
oo dir la yidhaa iyo isaaq +gadabuursi+ciise
0thers 60
Hadaynu usoo noqono quruska afraad ee dirku qaatay waxa loo sii kala
qaadanayaa laba qaybood oo isleeg
dir koonfureed oo aynaan aqoon ciday yihiin iyo dir waqooyi oo lagu
sheego isaaq+gadabuursi+ciise
waxa midkiiba halaysaa 60 xubnood kuraasta palrlamanka
hadaba dirta koonfureed waa isla reer soomaaliya oo qurus kale sii
ruqsaday waxaana isku soo hadhay waxa lagu sheego
dir waqooyi oo ayaguna quruskii yaraa ee 60 ahaa sii kala jabsanaya
isaaq 20
gadabuursi 20
ciise 20
Waxa kuu quumata in halka somaliland isla joogto iyo halka reer
koonfureedku kugu wadaan ay tahay KAAF IYO KALADHEERI
waxay rabtaa hadiiba wax midnimo laga hadlo in kuraasta parlamanka
loo kala qaato laba nus oo isleeg
oo noqon doono 270 s/land ah iyo 270 somalia ah
isku soo wada duub kuraasta parlamanka ee reer koonfureedku waxay
noqonaysaa 480 kursi
halka somaliland isku wada haysato 60 kursi oo kaliya.
sidaa waxa kuu muuqata in waligaa aad ahaanayso nin cagta ku hoos
jira hadaad arimaha qaarkood ogalaato
SALFUDAYDKU XAAWUU JANADII KA SAAREE
RUUXAAD SUGAYSOO MAQAN WAA LA SAADSHAA
SAHAN WAA LA DHAWRAA.
Hadaba waxa haboon in shacabka degan soomaliland gaar ahaan kuwa
saylac , boorame iyo hargaysa ay si wanaagsan
uga tashadaan nidaamkan wax loo qaybsanaayo
waxa haboon in su,aalo la waydiiyo siyaasiyiinta aaminas fikrada
midnimada SOMALIWAYNTA loona bandhigo qaaciidada 4.5
cabdi samatar iyo maxamed oomaar iyo yuusuf dheeg iyo dhamaan
siyaasiyiinta kale oo aamisan nidaamka soomaliwayn
ma ku qanacsan yihiin habqaybsigan aad u liita mise wali may aragba
.
GABAGABDII
Madaxwaynaha soomaliya sh shariif sh axmed runtii wa nin aad u degan
waxaanan odhan karaa waa nin dadku si wayn u qadariyo
waxa uu had iyio goor yidhaa markuu ka hadlaayo somaliland
somaliland waa dad walaalayahaga ah oo nabad iyo cadaalad samaystay
waananu taageerayna lakiin lama gabado in midnimadu
tahay wax muqadasa
waxase uu afka ka dhawraa inuu hadal qunbalada rido oo uu yidhaa
waxa wax loo qaybasanayaa 4.5
waxase runtu tahay in sida mayarka muqdissho cadeeyay in sida kaliya
ee wax loo qaybsan karaa tahay qaa madaxwaynihii
hore ee soomaliya dhigay mr cabdilaahi yuusuf
hadalkuna waxa uu isugu soo biyo shubanayaa [ XAMAREEEEEEEEY
CAQLIIII KEEEEEEEEEEEEEEEN ]
wabilaahi tawfiiq
Siciid
Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London |
|