FIFA oo ku Dhowaaqday Dalalka Martigelinaya
Koobka 2018 iyo 2022
Dalalka Martigelinaya Koobka sanadaha 2018-ka iyo 2022-ka waxaa
lagaga dhowaaqay magaala da Zurich ee dalka Switzerland.
Zurich (TNN)-Guddiga Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta ee FIFA
ayaa magaalada Zurich ee dal ka Switzerland kaga dhowaaqay dalka
Martigelin doona koobka kubadda cagta adduunka ee sa nadka 2018-ka
iyo kan 2022-ka.
Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta ee FIFA Seb Plata ayaa ku
dhowaaqay in dalka Ruu shka uu martigelin doono ciyaaraha
dhici doona sanadka 2018-ka, halka sanadka 2022-kana uu martigelin
doono koobka dalka Qadar.
Wakiilada labada dal ee Ruushka iyo Qadar ayaa soo dhoweeyay in
dalalkoodu ay ku guuleystaan martigelinta koobka.
Russia ayaa kula tartantay sanadkaasi dalalka Britain, Holland,
Portuqal, Spain iyo Bilgium. Halka Qadar-na ay kaalintaas kula
tartantay dalalka Maraykanka, Australia, Japan iyo Kuuriyada
Koon fureed.
Russia iyo Qatar waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee ay
martigeliyaan Koobka Adduunka.
Sanadkan waxaa Koobka martigeliyay dalka dalka Koonfur Afrika, halka
sanadka 2014-ka uu martigelin doono dalka Brazil.
Source:VOA
|