Feysal Cali Waraabe iyo xubnaha Golaha dhexe oo sheegay inay xilka
ka qaadeen sagaalkii xubnood ee ka tirsanaa guddida fulinta ee
dhawaan Hogaanka cusub ku dhawaaqay

Hargeysa (TNN)-Iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyayba Khilaaf
culus ka dhex aloosnaa Hogaanka sare ee Xisbiga UCID ayaa maanta
Guddoomiyaha Xisbigaasi Eng: Faysal Cali waraaba waxa uu Magaalada
Hargeysa ka furay shirweynihii Afaraad ee Golaha dhexe ee Xisbiga
Ucid, kaasoo saaka ka furmay Hoteelka Scandanevian ee Magaalada
Hargeysa.
Shirweynahan oo ay ka oo qayb galeen 107 Xubnood kk ka mid ah Golaha
dhexe eeXisbiga UCID , waxa sidoo kale Xilkii lagaga qaaday Sagaal
xubnood oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbigaasi, kuwaasoo
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay inay jabiyeen Qodobo ka
mid ah Xeerarka Xisbiga u yaala.
Waxaanu Xubnahaasi qaarkood ku bedelay Siyaasiyiin kale oo iyagu ku
cusub Xisbiga, isla markaana buuxin doona Jagooyinka ka banaanaaday
Guddida Fulinta ee Ucid.
Xubnahahan uu Eng: Faysal Cali Waraabe Dibada uga saaray Xisbigiisa
oo ay ka mid yihiin, Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad Aadan Mire
Waqaf, Xoghayihii Guud Muuse Xaaji Maxamed (muuseInji), Afhayeenkii
Xisbiga ucid Xasan Xuseen Codyare, Guddoomiyaha Golaha wakiiladda C/raxmaan
Cirro iyo shan Xunood oo kale, waxa sadex ka mid ah lagu Bedelay, C/lahi
X. Cumar Jawaan oo uu u Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad, C/qani
Garaad Maxamed cali shire Guddoomiye ku xigeenka Labaad iyo Maxamuud
Cali Madoobe oo uu isna u Magaacanbay Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi.
Guddoomiye Faysal cali Waraabe ayaa markii uu Magacaabay Xubnahaasi,
isla markaana uu bedelay sagaalkaasi siyaasi ee uu xil ka qaadista
ku sameeyay waxa uu Golaha dhexe ee Xisbiga ka codsaday inay
ansixiyaan Saddexdaasi Xubnood, isla meel mariyaan Xil ka qaadista
sagaalkaasi kale ee uu bedelay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali waraabe waxa kale oo uu
shirkaasi maanta kaga dhawaaqay in shirweynihii Xisbigaasi dib loo
dhigay wakhti aanu cayimin, isagoo tilmaamay ilaa inta Ururada
Siyaasada ee la furay kala baxayaan in shirweynihiii Xisbigaasi dib
loo riixay.
Shirkan Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Maanta uga furmay Magaalada
hargeysa oo hal maalin ah socday, waxa sidoo kale xilalkii lagaga
Guddoomiyanimo lagaga qaaday, qaar ka mid ah Guddoomiyayaashii
Gobolada ee Xisbiga UCID, kuwaasoo uu xilka xayuubintooda halkaasi
kaga dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee UCID Maxamed Ibraahim
Aadan.
Waxaanu Mr Aadan jagaayinkaasi u Magacaabay xubnahan:
1-Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Mawliid Keyse Muxumed
2-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ee gobolka Maroodi
Jeex Jimcaale Maxamed Ciise
3- Xuseen Geelle Abokor Gudoomiye ku xigeenka labaad.
4-Xoghayaha guud ee xisbiga ucid ee gobolka Maroodi jeex Qareen
Mawliid C/laahi Cumar.
5- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mustafe Jaamac Xasan
6-Gudoomiyaha Awdal iyo Salal Cumar Daahir Cilmi
Source:Waaheen
|