Faysal Wuxuu Siisay Jamaal Dambas Jamaalna Wuxuu U Dhiibay Digo !

 



Xisbiga Ucid waa xisbiga maanta ugu da’aada wayn xisbiyada qaran ee ka jira Somaliland waa na xisbiga ugu ayaanka daran ee la isku waydaarsanayo digo iyo dambas. Xisbiga waxaa mans abkii guddoomiye sida mara boobta ugu dheggan Faysal Cali Waraabe, waxaana musharax mad axweyne aan wakhtigeedii soo dhawayn baryahaas ka ah Jamaal Cali Xuseen, waxaana guddo omiye ku xigeenka sedexaad isna ka ah waa Cali Gurey (Ina Luduf). Gudoomiye ku xigeeenka 1a ad iyo ka labaad UCID horta war baahinta lagama maqlo ee waa kuwama? Lama yaqaan magac yadooda, meel ay ka hadleenna wali lama soo sheegin.

Hadaba waxaan u dhigaya sidatan, Faysal waa mulkiilaha kobaad ee xisbiga UCIDDII hore. Mulkiilaha labaad ee lacagta naqadka ah ku iibsaday xisbiga UCIDDA cusub isna waa Jamaal Cali Xuseen, Cali Gureyna dilaal buu ka ahaa UCIDDA Cusub. Faysal iyo Jamaal waxaya isku noqdeen Abnnawaas iyo Benawaas, midna dambas iibinayo midna digo iibinayo oo aqal madow wax ku ka la iibsanaya.

Labada hogaamiye ee UCIDDII hore iyo UCIDDA kala ah , mid kastaa ka kale ayuu u dabbaal jo ogtaynayaa sidii ka kale uu uga takhalusi lahaa. Faysal xisbiga UCID toban jeer ayuu fagare ka sheegay inaanu qof kale ku aaminayn xisbigana ka yahay aabbihii aasaasay isag oo sheegay in aanu marnaba tacabkiisii cidla kaga dhaqaaqayn. Faysal wuxuu aaminsanyahay inuu yahay mul kiilihii lahaa qormada sharci ee xisbiga UCID (Trade mark) , halka Jamaalna uu ka aaminsanyah ay in uu xisbigan iibsaday xisbigan oo ka busaaradaysan dhaqaale iyo taageerayaalba sidii duk aan madhan oo kacay, khaanadaha mafrishikuna wada haawanayaan . Jamaal wuxuu aaminsan yahay in codadka xisbigani dib ugu soo noolaaday doorashadii deeganka ee bishii Nov 28 keedii ay isaga iyo UCIDDA cusbi keeneen.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu iibsanayaa wakhti uu ku madadaaliyo madaxana ugu salaaxo Jama al Cali Xuseen inuu yahay musharax madaxweyne doorashadeedii wakhti badani ka hadhsan ta hay. Wuxuu ku maaweelinaya darajo iyo olale aan wakhtigeedii la joogin oo ku mashquuliyay Jamaal inuu yahay musharaxii madaxweyne ee xisbiga UCIDDA cusub oo ah dhoofitaan dibadee d oo joogto ah iyo ruwaayado kala duwan.

Jamaal Cali Xuseen, isna wuxuu isu dhigay inuu yahay mulkiilaha cusub ee xisbigan iibsaday, mu sharaxa soo socda ee madaxweyne ,cododkii xisbigu ku soo baxayna keenay waxaa se ka maq an aqoonta iyo khibrad uu u leeyahay in Faysal isla malin kaliya uu sedex goor is bad badalo barina la soo ku soo toosayo go’ aan aanu ku farxi doonin isaga. Siyaasaddo sadiiq iyo ballan midnaba ma leh waliba ta Faysal Cali Warabe macruuf iyo rasiidh iyo wax la kala qortayna ma leh. Maalin aan fogayn ayuu isku rogi doonaa Jamaal, Jamaalna waxaan u sheegaya markaad Faysal aaminaysay waxaa kuu haboonayd inaad daawato filmkii Md Maxamed Cabdillahi Cirro, marxuum Adan Waqaf iyo madaxda xisbiga cusub ee Wadani iyo wixii kala qabsaday ina Cali Waraabe.

Faysal waxaan u soo taagnaa isaga oo sanadkii 2009 kii ay isku dhaceen golihiisii dhexe iyo goli hii fulintaba. Faysal wuxuu cadhadii ku yidhi golihii dhexe dhamaantiin xilkiibaan idinka qaaday! Waxaa kale oo jirtay in Faysal wakhtiyadii doorashadii golaha wakiilada oo ay is khilaafeen xild hibaan xambaar kaga soo baxay gobolka Sool . Waxaa dhacday in xildhibaankaasi ku biiray xisb igii markaa talada hayay ee UDUB, maalintaasna Faysal isaga oo caadhaysan ayuu warbaahinta ka yidhi xildhibaankaa xilkii waan ka qaaday waxaanan ku badalanayaa xildhibaan kale oo reer Sool ah. Faysal Cali Waraabi distoorka dalka u yaal iyo xeer hosaadka xisbigiisa u yaal midnaba aqoon ma laha haba yaraatee.

Hadaba Jamaal waxaan xusuusinayaa inanay sidaa u sii fogayn maalinta Faysal ku odhan doono xilkii musharaxnimada madaxweyne iyo xubinimadii xisbigaba waan kaa qaaday haddaad tahay Jamaal ! Faysalna waa Faysalkii lagula heshiin waayay UCID ee looga wada dhaqaaqay damaciis u na waa halkiisii ee waxaynu sugnaa waa ruwaayadii Dambaska iyo Digada ee ay inuu matilaye en Abnawaas iyo Beenawaas !




 


Mahad Muuse Samatar

Dubai, UAE