Faysal ma waalnee Dowlada maskaxda yar baa waalan
"Xirsi eedii uu soo jeediyey daliil kumuu darin oo waxa uu cadayn ku
sheegayo ee uu leeyahay faysal inuu khaainul wadan yahay "Muhamad
Jama Koodbuur-Shiine,Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID
Shalaybay ahayd markii Gudoomihii Kulmiye (Silaayo) uu hanjabaada
iyo aflagaadada aan kala go’a lahayn.. kuna soo wada koobi karin
halkan ay muncaarinadadiisu ahayd.
Shalaybay ahayd ninka xilka ka weyn loo dhiibay(Xirsi) ee la daala
dhacaaya, xilka qaran ee uu hayo ku qaldaaya xafiisyadii Dahabshiil
ee uu islaamada ku dhibi jirey. Shalaybay ahayd markii uu baabuurta
qoryaha ku xidhaayey.
Shalaybay ahayd marka madaxweynihii dhamaa ee dalka lagu aaminay
saqdii dhexe lasoo toosay UF iyo AQAS sidii dumar (Nin kuu xigga
naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye).
Shalaybay ahayd markii suaasha la weydiiyey ee sidii caadadu u ahayd
cadho cadiifadeysan ku jawaabey ee lahaa hanala ixtiraamo (London)
Shalabay ahayd wasiirkii dhamaan ee qurbo jooga ingiriis-ku
meelkasta uga yimaadeen si uu wax ugu sheego, la shiryimi gabay iyo
hanjabaadii ruush...se umadii lamay yaabin waayo inintii yareed ee
mudada u xidhnayd ayaan la ogaa markaa inay waxkastaa ka suurowdo
cidi kama ay hadsoonayn.
Wallee tan in gorayo heeryaysanina way inagu soo mari, Intaas oo
marxaladood inagoo la soo marnay sadexdii sanno ee ay xilka hayeen
iyo waliba qaar kale oo badan, uguna dulqaadanayna, cabudhin, boob,
dhac, dil, hanjabaad iyo maamul xumo, miyey maanta cay iyo aflagaado
ku darsadeen.
Waxaan layaabey labada nin ee kala ah Xirsi iyo abdi dheere afkooda
iyo erayada ay isticmaalayaan oo u eeg kuwii maqaaxida danlaawe iyo
mafriska saaqidiinta. jawaabna siday u hadlayeen baa inoo ugu filan,
waxayna yahiin laba nin xil oo culus umada u haya talow yaa
saaqidnimo u dhashay?...
Xirsi eedii uu soo jeediyey daliil kumuu darin oo waxa uu cadayn ku
sheegayo ee uu leeyahay faysal inuu khaainul wadan yahay waxaa
cadayn u ah kan iyo kan iyo kan muu dhihin..sidaad uga sugayso inuu
facts soo bandhigo ayuun buu khadkaba ka baxayaa oo uu bad kale iyo
cay bilaabayaa. waligay maanta ka horba maan dhagaysan waxaan
moodayay inuu intan dhaamo ee waa waaba MR ama wasiir Zero. Tallo:
Fadlan dhiigshiil iskaga noqo.
Abdi dheere waxaan u malaynayaa in layidhi hadal se aanu isba
waydiin waxii uu odhan lahaa, markaa xalay marfiskii saaqidiinta ee
uu fadhinyey ku hadraayo saaka.
Umada Reer Somaliland waxaan u sheegayaa in lagaadhay waqtigii
xukuumadan gacanteena ayeynu ku dooranay layska ridi lahaa intii aan
qaranimadeena meel fog laga deydeyin.
Silaayo dalka ma xukumo, waa doorateen oo waad u hiiliseen laakin
markii uu intan kayaraaba waa uu rakaab xumaa maantana maqaarkiisa
uu baa madaxtooyada dhex yaal oo wax badan ma oga. Dhalinyarada reer
somaliland kama liitaan reer masar ayaan filayaa. Raga dalka
lexejecladu ka hayso ee ay ka mid yahiim Xasan Ciise & Moh’d Xaashi
waxaan odhan lahaa dhakaad iga xigtaanbey dhaxantu umada ka haysaa.
Afka ayaan ka dhowrayey in badan oo waxaan sugaayey maalinta umadu
taariikhdii Silaayo hoos u eegi dooto. Waxaan sugaayey maxkamad
Silaayo aan saarilahaa oo suaalilahaa dil madaxdii SNM (hada laga
bilaabona way bilaabantey waxna laysu dhowran maayo)oo ay kamid
yihiin Ibraahim Koodbuur, Ina Koosaar, Adan Shiine iyo qaar kale oo
badan. Xirsina waxaan odhan lahaa hadii aad difaaceyso oday ama uu
ku soo direy guriga uu ku jiro eeg (waa quraarad) koleyn hada adna
waad kula jirtaaye waayo dhalintii Ahmed dhagax lagu laayen baa kaa
dhexqaylinaysee.
Muhamad Jama Koodbuur-Shiine
Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID
|