Faysal iyo Siiraanyo
ayuu maanta masiirkii umadu saaran ya haye ee amma ha badbaadshaan
amma Dahir Rayaale ha la gunaanadaan qarankan
sakaraadaya, masuuliyada burburkiisana
hala qaybsadaan
Faysal iyo Siiraanyo ayuu maanta
masiirkii umadu saaranyahaye ee amma ha badbaadshaan amma Dahir
Rayaale hala gunaanadaan qarankan sakaraadaya, masuuliyada
burburkiisana hala qaybsadaan.
Baryahan-ba waxa iskasoo daba baxayay baaqyo ay qurba jooga reer
Somaliland iyo urur ada bulshadu kasoo saarayeen xaalada
Somaliland ka taagan ee walaaca iyo xanuunka bad an leh.
Baaqyadaasi badankoodu waxay uun xusayeen amma tusaalaynayeen
xaalada taag an iyo cawaaqib xumadeeda, amma waxay
tilmaamayeen khaladka xaalada abuuray oo ay markaa ku baaqayeen in
laga noqdo ee laakiin siday anni ila tahay marnaba xal cad oo
laga ga gudbi karo may soo jeedin. Khilaafkan imika taagan iyo kuwii
horee inasoo marayba waxa y ii cadeeyeen inay cadaaladu inagu
yartahay umad ahaan oo aynu lakala safano uun labba da dhinac
ee ishaya iyadoon loo kala aabo yeelayn cidda khaldan iyo iyadoon la
adeegsan ayn wixi lagu kala saari lahaa dhinacyada ishaya.
Dhaqankaasi waa ka horena u nugleeyay qarankan imikana sabab u noqon
kara dumintiisa.
Sideedaba ibna-aadamka waxa kobciya ee horumarka u horseeda waa
cadaalad. Cadaaladu waxay ibna-aadamka ku abuurtaa amma siisaa
kalsooni iyo dhiiranaan ay ku fikiraan inay wax walba samaysan
karaan iskuna filanyihiin. Cadaaladu waxay sababtaa amma hormood ka
noqota inay bulshadu dhaqankeeda kobciso oo ay iska reebaan
caadooyinka xun-xun iyo kuwaan la jaan qaadi karin kolba wakhtigay
marayaan.
Haddii aynu eegno dunida horumartay (The West) ee ay dhalinta reer
Somaliland baddaha iskugu gurayaan si ay usoo gaadhaan, qaar badan
oo reer Somaliland-ahina (oon anigu ka mid ahay) ay maanta ku
noolyihiin, horumarka iyo nabada ay ku naaloonayaan waxay
bilaa been markii ay iska xoreeyeen boqoradii kiniisadaha ku xidhna
ee nolosha ku gubbi jiray haddii ay fikrad toodaa ka duwan keenaan.
Markay cadaalad daradii iska xoreeyeen, waxay bilaabeen geedi dheer
oo xanuunkiisa lahaa oo ay sees adag ugu dhiseen umadahooda si ay
uga hortagaan in cadaalad darro marnaba dib ugusoo noqon. Waxay
yagleeleen xeerar iyo sharciyo kala haga oo lagu dhaqmo oo xoriyada
iyo masuuliyada shaqsiga qeexaya iyo siday isku xukumayaan. Iskusoo
duubo waxay abuurteen caqiido cadaaladu sal u tahay.
Hadaba si ay umadahoogu u noqdaan kuwo ku dhaqma oo u hogaansama
xeerarkaa iyo sha rciyadaa ay u dhiggeen, waxay ku sunteen
waxbarashadoodii oo markaa aad odhan kartidba waxay u gashay halkay
diintu ugu jirtay. Taasi waxay sahashay inay ku dabaqaan dhaqa
nkoodii oo markaa ilmaha sabiga ah lagu ababiyo cadaalad iyo xaq u
hiilin. Waxa xusid mudan in intay geedigaa kusoo jireen, ay halyeeyo
ka dhashay u kacayeen kolba markay qaloocato ee ninka sahanka loo
diray uu u weeciyo geediga dariiq kii loo socday ahayn.
Xaalada Somaliland haddii aynu usoo noqono, waxay xaqiiqadu tahay in
ilaa maanta aanu jirin qorshe qarankan taaba galkiisa iyo
horumarkiisa loogu tala galay. Qorshaha qudha ee aad ka dheehan
kartid dhaqanka hogaankeena waa mid ah in la niyad jabiyo umadan
iyadaa oo markaa ay isku qanciyaan in Somalia dib ugu hoos noqdaan.
Dadka sida dhaw ula socda geedi socodka Somaliland waxay samayntii
dastuurka u haysteen bilowgii qorshe qaran dhisid ah oo markaa
bilaabmay ee laakiin sidaynu la wada socono, das tuurkaa isagaa inta
lagu dhaqmaa way yartay amma maba jirto. Dadwaynaha reer Somal
iland inta dastuurkooda akhriday aadbaay u yaryihiin, qorshe
dawladeed oo dhiiri galinaya akhriska dastuurka iyo aqoonta xuquuqda
iyo masuuliyada muwaadinkuna maba jiraan Taasi waxay ina tusaysaa in
kuwa umada hogaanka u hayaa rabin inay umadu horumarto oo ay ka
xorowdo aafooyinka dhaqan ee carqalada ku ah horumarka ee ay ka
midka yihiin qabyaalada iyo isla waynida jahligu abuuray. Sidaa
daraadeed waxa la odhan karaa qoridii dastuurka Somaliland waxay
ahayd uun ficil lagaga jawaabayay amma xal loogu eekaysiinayay
xaalado dhacay amma taagnaa wakhtigaas ee qayb kamuu ahayn qorshe
balaadhan oo umadan loogu sal dhigayay.
Haddii aan inta hordhac ka dhiggo, ujeedada aan qalinka uu qaatay
waxay tahay bal inaan umada usoo bandhiggo ra’yigayga ku aadan
xaaladan dalku ku jiro ee soo noq-noqonaysa uun, iyo waxaan xal
waara u arko, idiina iftiimiyo waxaan ku salaynayo araadayda.
Murti amma maah-maah-yo badan ayaa tilmaama isku xidhnaanta wixii
tagay iyo waxa soo socda oo markaa sheegaa in wixii tagay (the past)
ay cashar saxa tahay waxa soo socda (the future). Hadaba go’aan amma
ra-yi markaad ka qaadanaysid dhacdo amma xaalad qaran dhan qusaysa,
waxa lagama maarmaan ah inaad qiimaysid murtidaa iyadaa oo aad
eegtid halkii laga yimid iyo halka dhacdadani qaranka gayni garto.
Muranka dastuurigii waa mid inagusoo noq-noqonaya oo sideedaba
joogto Somaliland ka ah, mar walbana xaalad cusub abuuraya.
Dhibaatada ugu waynee jirtaa waxa weeyi muranku kama imanayo mar
walba xeerar amma sharciyo u furan fasiirad kala duwan (xeerar qofba
si u fasiran amma u fahmi karo oo dabcan ku jira dastuurkeena) ee
xitaa waxa lagu murans anyahay xeerar qeexan oo ujeedadoodu
cadahay. Si walba dastuurka xukuumadu ha u baal martee, waxa la isku
maaweelin jiray wada hadal iyo waxaanu nahay umad isku tanaasusha oo
wada hadasha. Maanta taasina way ku daysay oo madaxwaynihii dalku
wuu hanjabayaa oo cid aan go’aankan kala hadlayaa ma jirto ayuu
leeyahay, wuxuuna diyaar u yahay innuu kaligii isdoorto (á la
djiboutienne, sida djibouti) oo uu 5 sano dib isku caleemo saaro.
Bal hadaba xaaladan sababtay go’aanka madaxwaynaha aynu hoos u eegno
bal si aynu qalbiga saliimka ah ee xortaa ee aan xisbi iyo qabiil
toona ku xidhnayn ula kaashan karno oo aynu eegno bal in si uun
loogu garaabi karo.
Xaladan imika taagan waxay salka ku haysaabaa la leeyahay liiskii
diwaangalinta lagasoo sa aray. Hadaba diwaangalinay maxaad
tahay? Diwaangalintu waa shay laf dhabar u ah qaran walboo jira oo
waxyaabaha ay tarto waxa ka mid ah in umada qaranka ku abtirsa
naysaa ogaadaan tiradooda si ay u qorshayni karaan horumarkooda iyo
inay abuurto ahaanshe midaysan (common identity) oo ay dadka kale
iskaga gartaan xaquuq gaar ahna siisa. Waxa nasiib daro wayn ah oo
ay siyaasiyiintu guud ahaan horseed u ahaayeen in hadafkii diw
aangalinta la qaloociyo oo laga dhiggo beelo la tira koobayo oo ay
markaa ta ugu badani meher xaaran ah ku haysan doonto beelaha kale.
Halkii fursadan qaaliga ah qarankan looga faa’idayn lahaa ee lagu
abuuri lahaa dhalasho umadan midaysa ayeey siyaasiyiinteeni
diiwangalintii ku nusqaameen qarankii markiisii horeba liitay. Taasi
waxay ahayd khaladkii ugu wayna ee lagu majara habaabiyay
diwaangalintii ee laakiin waxa kaloo jiray qalado badan oo kale oo
ay ka mid yihiin in aan la dhaarin, taba-bar fiican-na la siinin
dadkii wax diwaangalinayay.
Dhinaca kale waxaan aad ula yaabay markaan arkay kaadhkii (card)
dhalashada oo afsoom aali mooye luqad kaloo ku qorani jirin.
Bal dal dhan oo aqoonsi raadinaya oo kaadhkii dhalash ada ee
muwaadiniintiisa dalka jaarka ay yihiin akhriyi karin amma fahmi
karin wuxu yahay, sideebu rabbaa innuu aqoonsi u raadiyo?
Runtii markaan dhinacyo badan ka eegay siday hawsha diwaangalintu u
socotay, arkayna go’aankan lagu gabagabeeyay, waxa suuragal ah in uu
jiray qorshe hore loosii qorsheeyay in diiwangalintu noqoto mid
qaranka Somaliland ku dumo. Hadiise aynu khaladaadka dhacay u
nisbayno hawl karnimo la’aan, wadaniyad la’aan iyo xil gudasho
la’aan, guud ahaan qaranka Somaliland masuul ayuu ka wada ahaa,
haddii cid gaar ah farta lagu fiiqi karana xukuumada ayaa umadu xil
u dhiibatay oo masuul ka ah mashruuc walboo magaca qaranka lagu
fulinayo. Mar aan nin taageersan xukuumada ka wada hadlaynay
xaaladan dalka ka taagan ayaan ku idhi: “waar haddii dadka lagu
yidhi reer hebelow yaan la idinka badan maxaa lagafilayay inay
sameeyaan, inay 8-jir iyo 1-jirba diwaangaliyaan sow gartood maaha”?
Ninkii wuxu si daacad ah iigu jawaabay: “walaahay wasiir-buu-ba ahaa
ninkii nagu lahaa reer hebelow tirada maanta la idiin diwaangaliyo
ayaa 50-ka sanadood ee soo socda la idinkula xisaabtamayaa”. Hadaba
madaxwaynuhu ma wuxu umadiisa khiyaamaynayay markuu magac qabiil ku
diwa angalinayay mise wuxu khiyaameeyay haddii uu maanta yeelo
liiska kasoo baxay shaxdii uu ciyaarteeda hormoodka ka ahaa? Waxa
kaloo la yaab leh in, marka xukuumada la waydiiyo sababta Hargaysi u
biyo la’dahay, inay ku jawaaban in Hargaysa dadka dagani milyan ku
dhawyihiin ceelasha waraabiyana loogu tala galay 50 kun, dalkii
dhammaana milyan iyo 2-ba boqol ma gaadho Dahir Rayaale leeyahay!
Markay xukuumadu been sheegaysaa?
Dahir Rayaale go’aankiisan laalida liiska diwaangalinta iyo erida
interpeace wax kalooy ku salaysan tahay ma jirto aan ahayn innuu
kursiga kusii fadhiyo oo haddii uu cidhiidhi daree mana uu ku
dul goolaftamo, go’aan uu ka noqonayana maaha. Si uu kursigan ugu
goola ftamo, wuxu madaxwaynuhu abuuray cadifad qabiil oo uu si kas
ah usoo qaban waayay budhcadii dadka masaakiinta ah laysay, labadda
qoys ee Ceelbardaale beerta isku haystana xalkooda laga war-wareegay
si ay colaad qabiil iskugu badisho. Mida kale laalista liiska
diwaangalintu wuxu ahaa dhagax uu 2-ba shimbirood ku dilay
madaxwaynuhu. Midi waa isagoo ishortaagay doorasho sababi karta
innuu kursiga ka daggo iyo isagoo reer Awdal ilawsiiyay 4-tii
muwaadin ee xaq darada lagu dilay oo markaa kasbaday baddi
taageerada gobolkaas uu kasoo jeedo madaama ooy natiijada
diiwangalinta ku kalsoonayn. Dhinaca kale wuxu madaxwaynuhu haysta
odayaal iyo shaqsiyaad kale oo ku taageeraya go’aankiisan,
yaraynayana jaanis walba oo uu kaga noqon karo go’aankaas. Waxa
kaloo jirta in mararkii badnaa ee khilaafyadu dhacayeen uu isagu
marnaba kasoo dagin halkuu taagnaa ee ra’yigiisa uun loo
sharciyaynayay. Sidaa daradeed waxaan boqolkiiba sagaashan (90%)
saadaalin karaa in madaxwaynuhu go’aankiisa kasoo noqon doonin ee uu
doorasho kaligii gali doono.
Hadaba maxaa la gudboon umada reer Somaliland gaar ahaan
hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka si ay u badbaadiyaan geedi
socodka qarankan nugul? Anni waxay ila tahay in maanta xal-lal badan
oo lakala doorto la haysan markaynu qiimayno dhacdooyinka ilaa
maanta iskasoo daba dhacayay iyo sidii loo abaarayay-ba. Cidda
maanta ku labbaysa Dahir Rayaale ee qarankan si kale ugu talin
kartaa waa Faysal iyo Siiraanyo. Xaaladan aynu ku jirno maanta mid
sahlan maaha ee waa mid khatar leh oo haddii ay sii socoto dumin
karta amma aad u dhaawici karta Somaliland, sidaa daradeed waxa loo
baahanyahay in Faysal iyo Siiraanyo kaga dhabeeyaan oo ay dadka
tusaan inay dalka uga lexejeclo badanyihiin UDUB oo ay go’aan
taariikhiya qaataan kuna noqdaan halyeeyo taariikhda Somaliland ka
galla meel aan cid kale kaga jirin. Go’aanka aan kula talinayo 2-da
gudoomiye inay qaataan ee badbaadada u ah Somaliland waa iyagoo isku
daaya tartanka doorashada oo Daahir Rayaale u saara nin qudha oo
bilaa diwaangalin kula tartama iyo dabcan madaxwayne ku xigeenkiisii.
Haddii musharax qudhi la tartamo oo 2-da xisbina olole wada galaan,
waxay xaqiiqadu tahay in Dahir Rayaale aqlaabiyad buuxda lagaga
guulaysan doono, waxay musuqmaasuqaana waayi doonaan. Doorashadu
markay dhacdana xukuumad wadaag ah oo 2-da xisbi ka kooban soo dhisa
oo masuuliyiintiina midkiinba inta ugu daacadsan ee hawlkarnimo iyo
dal jacayl ka muuqdo soo xula. Dabcan go’aan fudud maaha ee laakiin
haddii in uun dal jacayl idinka dhab yahay, waa idinku waajib mar
horena innuu idinku dhasho ayeey ahayde fadlan dalkan badbaadsha
abaal wayn ayaanu idiinku qabi doonaaye.
Haddii aad go’aankaas qaadatiin wuxu suuragalin doonaa in geedi
socodka qaranka Somalil and istaagin ee ay abuurmato jaanis
qorshe loogu dajiyo geediga qarankeena laguna adkee yo oo uu
ku taabo gallo. Dabcan 2-diinuna waxaad noqon doontaan kuwa salka u
dhiggay ee aanu caruurahayaga uga sheekayn doono. Laakiin haddii aad
ku adkaysataan diwaangalin baanu rabnaa, saadaashu waxay tahay in
Dahir Rayaale doorasho qaban doono kaligiina isla tartami doono,
idinkuna ku dambayn doontiin sida mucaaridka Djibouti. Ta kale dhici
kartaa waxay tahay in barlamanku isku dayo inay tallo xayuubin ku
sameeyaan oo markaa dagaal iyo khal-khal dalka uu galiyo sidaana
qaranku ku curyaamo. Maanta ayaa loogu daranyahaye ilaahay xilka
idin saaran ha idin garansiiyo, aamiin.
Umadda reer Somaliland waxaan kula talinayaa inay mustaqbalka dalka
eegaan iyagoo ka shidaal qaadanaya waxyaabihii hore u dhacay ee
taariikhda noqday. Qabiil ku dhaqanku qarankan wuu aafaynayaa ee
halaga fogaado oo nafihiina iyo ta caruurtiinaba kala dar-daarma
cawaaqib xumadeeda, ilaahayna ka barya innuu idin siiyo
hogaamiyayaal cadaalad iyo sinaan idinku hogaamiya.
Labbada gudoomiye (Faysal iyo Siiraanyo)
iyo xisbiyadoodana waxaan leeyahay masiirkii um adu idinka ayuu
maanta idin saaranyahaye ee amma badbaadshaa amma
Dahir Rayaale la gunaanada qarankan
nafbaxaya, masuuliyadiisana taariikhda kula qaybsada.
Allow riyadayda ii dhabee.
Iid Xasan
Aw Muuse, London
iidsl@hotmail.com |
|