Faysal haddii u yidhi wa in cabashooyinka iyo khilaafeyda la dh ameeya ma deyrkii Makku gubey maxa loogu dardar warineya
 

 


Baryahan ba waxa jirey socdaalo duplamaasiyeed oo runtii an odhan karo wa guul uso hoyatey JSLand gaar ahaan siyaasada dibada.. guulahaasi so kordhi wa kuwo uu hormood u yahay mad axweynaha JSLand mudane Axmed Mohamoud Siilaanayo wa guulo an la dafiri karin, intii uu ma amulka Siilaanayo hogaanka dalka gacanta ku dhigay siyaasada dibadu maalin ba maalinta ka d anbeysa ayey so koreysay ila ay maanta gaadhey heerkii aynu u baahneyn oo ah maanta miisk a wada hadalka caalamka qadiyadeeni gaadhey inoogo kala ah laba dawladood oo siman taasin wa mid bogaadin iyo hambalyo an ugu direyo madaxweynaheena mudane Siilaanayo.. guul baan u rajeynayaa inta hadheyna inu ilaahey u fududeyo oo u dariiqa toosan mariyo..

Haddii an usoo daadago arimaha gudaha somaliland Runtii waxbadan ba dhiman oo inaga qabya ah islamarkan mudan in la daweyo sida 1. Cabashooyinka beelaha qaar ey tirsaneyaan 2. khilaa feydii ka dhashey doorashooyinkii golaha dagaanada oo an wali boogihiisi iyo dakharadii inaga soo gaadhey an la dhayin 3. Maamulka dawladnimo la gaadhsiiyo gobolada inta maamulada u ooman ee bari ila galbeed leh. 4. In la saxo saami qeybsiga madaxda qaranka ee maamulka daw lada midida daabkeeda heysa..5. In dhaqaalaha iyo heyadaha caalamiga ah la gaadhsiiyo gobol ada dalka oo dhan.. intaasi iyo in ka badan ba ila maanta dhiman oo u baahan in laga wada hadalo oo wadatashi qaran laga yeesho..


Mar labad an uso daagago nuxurka qoraalkeygan Shirarka turxaan bixinta ah ee u ku baaqay gudoomiyaha xisbiga qaran ee UCID mudane Faysal Cali Xussein yaan si kale loo turjuman oo shacabka si khaldan wax loogu sheegin

Somalidu waxey tidhaahda Nin weyn iyo naag naag ka umuleysay midna sida ay wax u og yihiin wax ba uma sheegan.. Faysal wa siyaasi waxbadan og oo maanta raba inu saxo wixi inaga kha damay 22 sano ee aynu gooni isu taaga somaliland ku naalooneyna, Gudoomiye Faysal wuxu si yaasada somaliland kusoo jirey mudo 22 sano ku dhawo wu og yahay cidina ugama war roona dhibaatada iyo khilaafeyda dalka ka jira iyo halka ey somaliland ka liicsan tahay maanta ee too sinta uu baahan haddii u ka dhawaajiyay shir turaax bixin ah ha la isugu yimaado muu DUMIN DEYRKII MAKKA wuxu sheegay baahideena iyo sidii aynu uga midho dhalin la heyn gooni isu ta aga somaliland, waxan haddaba ka codsaneya kuwa sida khaldan u tarjumeya baaqa gudoomi yaha in ay ka daayaan jahaweererka shacabka, somalidu waxey tidhaahda SI XUN WAX USHEEG SIXIR KA DARAN..

Shirkan uu ku baaqayo gudoomiye Faysal maaha mid lagu mijo xaabineyo qaranimada somalilan d islamarkan maaha mid dawlada lagu inqilaabeyo wa shir bulshada caalamku talo iyo tusaale ba inagu dhiirigalineyso in aynu qabsano oo aynu dheyno nabarada iyo dhibaatooyinka  dalke ena ka jira iyo cabashooyinka xaga maamulka oo bulshada caalamku ogtahay, somaliland maanta oo ay 23jirsatey in maamulkeedu ahaado mid dhan ka raran oo an dheeli tirneyn oo gacanta ugu jira beesha dhexe ee somaliland, haddaba aakhristoo wali ma isweydiiseen wixi aynu ka dagaalaney ee aynu faqash ka yeeli weyney in aney cidna inaga yeeleyn ee aha 1.Cadaalad daro, 2. Cunqabateen dhaqaale, 3. Colaad joogta ah 4. siyaasad xumo iyo waliba sadbursi intaaso dhan cidina inaga aqbali meyso ee keena sheeko kale.

Runtii dalkani wa mid la wada leeyahay oo an beel kaliya kusuntaneyn ila bari ila galbeed beel aha yaala wey u siman yihiin dheefta iyo dheecanka dalka, beel beel caaro dheeri ma jireyso haddii la rabo somaliland oo gooni isu taagta. Runtii talada iyo dhaqaalaha iyo maamulka iyo difaaca qaranku ba wa mid loo siman yahay ma jirto beel iyadu gaar intaasi xil uga saaran yahay oo beelaha kale kaga sadbursan karta.

Bishan hore 11keedii waxan ka qeyb galay banaanbixi ka dhacey dalka Belgium caasimada Yur ub brusel maalintii labad waxa jirey shir lagu qabtey isla magaaladaasi oo ay qabteen ururka SSE - waxa lagu soo casuumey aqoonyahano, proffeysaro ajaanib ah oo shirkaasi ka hadalay waxey dhamaantood isku raaceen in maamulka somaliland la balaadhiyo oo madaxda qaranka laga wada qeyb galo ama la iska wada arko si siman bari ila galbeed, waxey noo sheegeen in cadaalad daro jiro xag maamulka iyo saami qeybsiga oo mansabyadii muhiimka aha oo dhan ad heystadan hadii ad tihiin beesha dhexe. waxey si toosa ah iyo si dadbaan ba noog sheegeen in taasi tahay qodobad xaqiiqda ah ee wali hortaagan bulshad caalamka inaad ka heshaan ictiraaf ama aqoonsi caalamiyaha..somalidu waxey tidhaahda GORAYADU XAAR MUUQDA AYEY AASTA.. Waxad mooda in aynu wax qarsaneyno caalamku arkeyaan, shacabka somaliland waxa deeqa wa cadaalad wa in maamulkeenu talaabo toos ah ka qaada sidii sami qeybsi cadaalad kudhisan loo sameyn la' taasa ah mida aynu u oomanahey ee aynu guul ku gaadhi karno..

Ilaahey ba idin ku dhaarshee bal sawira ama ka warbixiya xaqiiqda ama sida uu maamulkeenu maanta u dhisan yahay, sida u saami qeybsigeenu yahay ma taasa caalamku inaga aqbaleya oo ictiraaf iyo nabadgalyo ku heleyna, wa in maamulku dheeli tir ma saami qeybsi oo laga wada raali yahay la yimaada oo sadbursiga laga waantooba oo runta loo so noqda taasu gudoomiye Faysal fakarkiisu xambaarsan yahay ee maaha mid ku ku dumineyo qarannimada somaliland.

Kuwa ku andacooneya golayaal baa jira iyo madaxweyne la doortey ba jira runtii wu aaminsan yahay mudane Faysal inu jiro madaxweyne la doortey oo maamulkan maanta horjooge ka ahi, wu og yahay in ay maanta joogan goleyaal sharci oo an awood badan laheyn oo an fulin karin codsiga beelaha somaliland ee cabashada qaba iyo codsiga bulshada caalamku taasa keentey inu xisbiga UCID ku baaqo wadatashi qaran oo la isku beer xaadho islamarkan dawlada iyo maa mulka la dheeli tiro laguna so dabaalo somaliland nabad iyo caano.

Guul baan u rajeynayaa dhamaan shacabka somaliland iyo maamulka madaxweyne Axmed Mohamoud Siilaanayo..
 

 


Omar Darood Hassan

Gud. Nordic ee Xisbiga UCID
Norway