Faysal Cali-waraabe oo
Shaaca ka Qaaday in Daw ladda Jappan
Somaliland ugu Deeqayso 4 Million
Dollar

Hargeysa (Longlivesomaliland
News)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal
Cali-waraabe, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Jap pan ay ka
mid noqotay dalalka tirada yar ee caawimada siiya, isla makraana
ballanqaaday inay Somaliland siiso lacag dhan afar million oo
Doollarka Maray kanka, taas oo lagu horumarinayo dhinaca
waxbarashada.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo shalay shirjaraa’id ku
qabt ay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo
laabtay socdaal muddo toddobaad ah uu ugu maqnaa dalalka Kiiniya iyo
Itoobiya, ku waas oo uu kulamo uu sheegay inuu kula soo yeeshay in
ka badan toban sa fiir oo dalalkaas u fadhiya qaar ka mid ah
waddamada dhaqaalaha bixiya iyo sidoo kale qaar ka mid ah hay’adaha
caalamiga ah ee caawimooyinka loo soo dhiibo. Waxaannu tilmaamay in
wax badan oo dunidu la qaban karto Somalil and ay kaga dhigan
tahay doorashadeeda iyo nidaamka ay u dhaqanto.
Md. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in sababta uu u tagay
dalalkaasi ay ahayd si uu ugu soo xogwaramo saaxiibada Somaliland ee
ka taageera do orashooyinka iyo dimuqraadiyadda, isla markaana
faahfaahin ka siiiyo hawla ha u diyaar garowga doorashada iyo
hirgelinta heshiiskii lagu soo afjaray mu rankii siyaasadeed.
“Waxaan uga waramay sida ay nooga go’an tahay inaan dadkii wax u
qabano iyo sidii loo hirgelin heshiiskii ka koobnaa lixda qodob iyo
inaanu imika diyaar u nahay in shacbi, Axsaabta iyo Golayaasha-ba ay
diyaar u yihiin inay noo dha cdo doorasho wanaagsan oo ku
saleysan lixda qodob ee aanu ku heshiinay iyo dalku waxa uu maanta u
baahan yahay ee gacan ah, adduunku cidina ina gamay caawin oo
waxa ku dhacay dhaqaale burbur,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali,
waxaannu intaa ku daray, “Innaga [Somaliland] waatii xoolihii la
inagala wareejiyey ee ay naga wareegeen, waatii dhalinyarteenu
tahriibtay, waxaas odhan waxay u baahan tahay in gacan laga geysto,
dhinaca budhcad-badeeda oo ilaa hada waddankeenu ka nabadqabo sidii
gacan loo siin lahaa ciiidamadeena badda oo aan wadankii maanta
keligood lagu halayn oo adduu nku sida uu maanta wax u wada
qabtay annaga wax layna taro ayaan u tag nay.”
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay inuu dalalkaas kula soo
kulamy il aa toban safiir iyo saddex ka mid ah hay’adaha
caalamiga ah, kuwaas oo ni yad-wanaag u muujiyey.
“Ilaa toban safaradood oo ka wakiilla toban wadan iyo saddex
hay’adood oo kala ah USAID-ka, Dhifidh oo hay’ad Ingiriis ah iyo
SIDDA oo Sweden ah aya an la kulmay, waxaanan kala soo kulmay
niyad wanaagsan, laakiin wax badan inaga ayey inagu xidhan yihiin,
waa in aynu doorashadeena qabano, waa in la dhisaa dawlad tayo leh.
Wadamadii hore ee ina caawin jiray waxa ku soo biiray Wadanka Jappan
oo Safiirka Jappan waanu is aragnay oo waxay doonayaan inay
tacliinta wax ka qabtaan oo ilaa afar million oo Dollar ayey ku soo
shubayaan UNICEF, markaa aniguna waxaan kula taliyey inay dhisaan
Iskuulkii Farsamada Gacanta [Tech nical School], maadama ay
maanta iskuuladeeni wada Secondary yihiin, wax aana inoo imanaya
Safiir-ku-xigeenka, waxa kale oo iyana jirta dawladda Ma sar
oo iyana raashin soo direysa bishan aakhirkeeda, dawlada Switzerland
oo soo direysa Safiir oo doonaysa inay wadanka wax gashato oo ay wax
tarto,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
“Waxa kale oo aan la kulmay Safaarada Faransiiska ee Addis Ababa ku
taala, waxa iyaguna noo sheegeen in hadda gacan weyn lagu hayo sidii
ay u dhisi lahaayeen jidka Berbera oo ay hadda EU-du xoog galinayso,
waxaasina waxay dhici doonaan doorashada ka bacdi, Jarmalku waxa ay
ii sheegeen inay arrinta Somaliland miiska taalo Brushless [xarunta
Midowga Yurub) sidii looga hadli lahaa ee loo beddeli lahaa
mowqifkii hore, markaa wax badan oo khayr ah ayaa inoo soo
laad-laada, waxaanay ku xidhan tahay doorasho iyo in aynu dawlad
tayo leh sameynsano,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiye
Faysal Cali-waraabe.
Source: Jamhuuriya Online
|